AKHRISO: Taariikhda Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka

Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda.

Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP.

Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dasturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.

Jaawaari ayaa ahaa Afartii sano ee lasoo dhaafay Gudoomiyihii Baarlamaankii Sagaalaad ee dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

TOP NEWS:- Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu-Suna oo qarka usaaran iney burburaan
- Apr 24, 2017
Magaalada Muqdisho waxaa wali ku sugan wufuud ka kala socoto Maamulada galmudug iyo ahlu-suna ...
DHAGEYSO:- Madaxweynaha Khaatumo oo u Jawaabay Puntland, uguna baaqay iney ka feejignaa..
- Apr 24, 2017
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka jawaabey go’aan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku ...
DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Dad ku xir xiray Degaanka Mareerey Ee Gobolka Shabellaha Hoose
- Apr 24, 2017
Wararka ka imaanaya Degaanka Mareerey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ...
DHAGEYSO:- Nabadoon Axmed Xasan oo digniin Culus u diray Maamulka Gobolka Hiiraan
- Apr 24, 2017
Xili Maamulka Gobolka hiraan uu Magaalada Baladweyne ku xirxiray Nabadoono iyo Odayaal dhaqameed ayaa ...
AKHRISO:- Qabiilada ay ka soo jeedaan Guddoomiye ku Xigeenada Maanta la Magacaabay ee Gobolka Banaadir
- Apr 24, 2017
Akhristayaasheena Sharafta leh Waxaan Halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Qabiilada ay ka soo jeedaan ...
DHAGEYSO:- Mid Kamid Ah Gaadiidka Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo laba ruux ku jiiray Muqdisho oo mid Fanaan caana ahaa.
- Apr 24, 2017
Gaadiidka Ilaalada u ah madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyadda horteeda ku dilay ...