MAQAAL:- Waxii Dil Iyo Dagaal Ah Waa Caabudwaaq, Waxii Doollar Ahna Waa Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb.

Waxaa in mudo ah soo laab laabtay dagaalada macno darada ah ee ka dhaca magaalada Caabudwaaq, iyadoo maalin walba unuunka lagu gooyo wiil haldoor ah oo dadka iyo deegaankaas waxtar u leh ama mustaqbalka u lahaa.

Dagaaladan ayaa aalaaba waxaa lagu tilmaamaa kuwo salka ku haya Aanooyin Qabiil, balse haddii aad baarintaan dheer ku sameyso waxaa kuu soo baxaya in xaqiiqda sidaa ay ka fog tahay, sababtoo ah Aanooyinka qabiilada waxaa lagu xaliyaa gogol nabadeed iyo dhaqan, waxaana laga gaaraa xal waara haddii si dhab ah loo galo xalintooda.

Dagaalada mudooyinkan kusoo laab laabtay magaalada Caabudwaaq waa ay ka weyn yihiin kuwo u dhaxeeya beelo wada dhashay oo dad iska dilay, waana kuwo siyaasadeed oo laga soo maan guuriyay magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caabudwaaq waxa ay ahayd magaalada ugu nabada iyo nolosha wanaagsan gobolada dalka Soomaaliya oo dhan, waana magaalo ay ku nool yihiin dad wada dhashay oo aan si naba u kala tageen, kaan ogeyn iyo kii ogba waa loo qeexayaa taas.

Maanta magaalada Caabudwaaq beelihii wada dhashay ee ku noolaa waxaa loo kala qaybiyay ama qolo walba xeeyndaab ay ugu jiraan siyaasadaha Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb, nin walbana waxuu qori AK 47 u sitaa siduu unuunka u goyn lahaa walaalkii kale ee ka fikirka duwan iyadoo loogu magac daray waxa loogu yeero (AANO QABIIL).

Dagaalada ka socda magaalada Caabudwaaq ujeedkooda waa haka haraan bulshada Soomaaliyeed ee tiigsanaya horumarka dhan walba ah, dadkooda ha dabar go’aan, hannna lagu kala tago magaalada Caabudwaaq, waxaa taas daliil u ah gudaha magaalooyinka Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb dagaal kama dhaco, dadna laguma dhex dilo, doollarkana waa ku qul qulayaa oo waxaa ka socda mashaariic waa weyn, waxaana xarumo ku leh hay’ado caalami ah, haddaba waa yaab’e maxaa dagaalka u dhaxeeya Garoowe, Cadaado iyo Dhuusamareeb loogu soo raray Caabudwaaq? arrinkaanse soo kuulama muuqdo (Waxii Dil Iyo Dagaal Ah Waa Caabudwaaq, Waxii Doollar Ahna Waa Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb), Maxay ku dhimanayaan ama isku dilayaan wiilasha reer Caabudwaaq?

Waxaa aad iyo aad ayaan daro u ah in dadka reer Caabudwaaq weliba inta isku sheegta inay yihiin indheer garadka haddii ay yihiin Gudejoog iyo Dibedjoogba in aysan wali garan ujeedada dhabta ah iyo sababta xalka looga gaari la’ayahay dilalka iyo dagaalada loogu magac daray aanooyinka qabiilka, aadna arkeyso kuwo badan oo kamid ah dadka Reer Caabudwaaq oo la xuurteeysan waa nalagu soo duulay iyo kuwo ku farxaya nin walaalkii dilaya.

Waa xaqiiq in uu Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa uu Duleyn Qoowm Ilaa Ay Iyagu Is Duleeyaan Mooyaane, qoowmkaan ismaqalna waa xaqiiq inay ku dambeynayaan halka ay marayaan maanta reer Caabudwaaq.

Maka naxaysaa dadka iyo deegaanka reer Caabudwaaq iyo guud ahaan waqooyiga Galguduud? Ma Doonaysaa Midnimadooda iyo Nabad ku wada Noolaanshahooda? Maleedahay Damiir aad bah-dilka iyo xumaha ku diido? Damiirkaagase maka sareeyaa Doollar inaa qaadato? xalku waa sahal waana kan.

U istaaga unna qalab qaata sidiii dadkaa ku nool Caabudwaaq iyo guud ahaan Waqooyiga Galguduud aad uga reebi lahayd ama aad uga dhex saari lahayd shaqsiyaadka tirada yar ee u adeegaya Siyaasadahan guracan ee Garoowe, Cadaado Iyo Dhuusamareeb. Nabad iyo Midnimo waarta waa ay helayaan dadka iyo deegaankaba markii aad sidaa yeesho ama yeeshaan.

Wabilaahi Tawfiiq

Nuur Cabdulqaadir Ugaas
Email: nurugas@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. oday nugal says:

    Garowe waxay rabtaa in dhulkii sade ee Galgudud lasoceliyo iyo guryihii darod ee dhusamareb si ay ugu guyso Gal-nus ugana dhigto mamul aan shaqayn. Cadado waxay rabtaa in hawiye o sade kamit yahay ay puntland kudusho. ahlu sufi wax u rabo lama yaqaan.Lakiin Sadow ninkaan Gaas idinkaa kenay waana wilkinii anaga iyo idinkaba waa naduleyey iska adkaysta 2 sanaa gaas nogu hartaye

  2. Warfa says:

    Waa runtaa caabudwaq waxay ahayd magaalo nabadeed maalintii galmudug diyarada looga keenay xamar belaayo kama horayn oo caabudwaq dhaqan hawiye ay yeelatay,dad reer cabudwaq baa aaminsan galmudug waliba iyagoo u jeeda in maleshoyida galmudug weerarayso oo qabiil ahäan u weerarayso dad iyo deegaan sade iyagoo raba dhulbalarsi.




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...