FAALLO CAJIIB AH:- Dareenka Shabaab iyo Doorashooyinka Soomaaliya

Soomaaliya waxaa si hab sami leh uga socda Doorashooyin Qaran kuwaas oo ka dhacay Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Dalka, iyadoo ay Kumanaan Qof uga qayb qaadanayaan qaabab kala duwan.

Doorashooyinka oo noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay Cod ku leeyihiin Kumanaan Shacab Soomaaliyeed ah tan iyo 1969-kii, waxa ay abuurayaan Mustaqbal cusub oo ay yeelanayso Soomaaliya oo muddo Rubac Qarni ah ku jirtay Dagaalo kala duwan.

Inkasta oo Shacabka Soomaaliyeed ay u tahay rajo wayn oo u iftiiminaysa Nolol cusub oo ah in ay soo xirayaan Taariikhdii Madoobayd ee Colaadaha, hadana waxaa jira Kooxo ay u tahay War aan wanaagsanayn maadaama ay u arkaan in ay soo xirayso Irdihii Sharta ee ay ku hoos noolaayeen.

Kooxda Koowaad ee Qabsoomida Doorashadaan ay u tahay dhamaadka jiritaankooda waa Argagaxisada sida Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo abuurmitaankoodaba ay sabab u ahayd kala danbayn-la’aantii Soomaaliya oo ka dhigtay Dalka meel ay usoo shaqo tagaan Colaad ku noolayaasha.

Dareenka ay Horjoogayaasha Kooxahaan ku beerikarto Doorashada Soomaaliya, waxaa ugu horeeya in Dawladda Dhalindoonta oo la saadaalinayo in ay Sharci ahaan iyo Awood ahaanba aad uga sarayso Xaaladaha aan ku suganahay hadda, taas oo hubaal awood u yeelandoonta in ay udiido Dalka in ay kusii noolaadaan Danbiilayaashaan, isla markaana ay helidoonto Wadiiqooyin ka hormarsan qaabka Dagaal ee looga soo horjeedo Kooxahaan.

Arrimaha kale ee walwalka wayn ku haya Madaxyawaynta Argagixisada waxaa ka mid ah in ay meesha ka bixidoonto kala qaybsanaantii ka jirty Dalka taas oo ahayd mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee saacidayay Kooxahaan oo markasta u arkayay in kala dhantaal-laanta Siyaasadeed ee Soomaaliya y u tahay fursad ay uga faaiidaystaan Midnimo-la’aantaas jirtay, balse hadda oo si lagu midaysanyahay ay Doorashadu uga qaybsoomayso dhamaan Dawlad-gobaleedyada Xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka ah taas oo ka dhigaysa Dawladda Dhalanaysa mid ku timid rabitaanka Dalka oo dhan awoodana in ay rabitaankaas uga faaiidaysato in Dalka oo dhan ay si siman uga shaqayso halkaasna waxaa ka baxaya Fursaddii ay ku kaluumaysanayeen Dab ku naaxaayaashu.

Haddii aan dhinac kale ka istaagno waxa ay Doorashadaani uga Dhigantahay Shabaab iyo Daacish, Horjooyaashu waxa ay u arkaan in qabsoomida Doorashadaani ay u tahay tijaabo ku saabsan Awoodda ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyagoo rumaysan in haddii ay Soomaliya qabsato Doorasho ka dhacaysa goobo kala duwan kana qaybgalayaal Kumanaan Shacab ah in taasi muujinayso in Kooxahaani aanay Awood ku lahayn Soomaaliya, taas oo keenidoonta in saamayntooda Gudaha iyo dibadab ay noqondoonto mid aan lagu xisaabtamin.

Waxeey Maskaxda ku hayaan Kooxahaan in sidoo kale Doorashooyinkaan natiijadoodu ay fursado badan u abuuridoonto Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Kooxahaani uga faaiidaystaan Duruufaha Nololeed ee haysta sida Shaqo la’aanta,waxbarasho la’aanta iyo wixii la mid ah taas oo ku qasabtay dhalinyaro badan oo aan Caqiido ahaan  aaminsanayn ficilada Kooxahaan ay ugu biiraan dano nololeed, balse hadda helidoona baddal ka wanaagsan, waana talaabo kale oo kuwa gabbaadka ka dhiganaya Dhiiga Dalinyaradaas soo taagidoonta meel cidlo ah.

Horjoogayaasha Argagixisada oo iyagoo maanka ku haya waxyaabaha aan soo sheegnay iyo kuwo kale isku dayay in ay dajiyaan Qorsheyal ay ku hor istagayaan suurtalinta Doorashooyinka Qaran, ayaa u muuqda in ay ku hungoobeen isku dayayooda kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ay soo qaadaan Weeraro kala duwan iyo in ay diraan fariimo ay ku cabsigalinayaan Bulshada, hase ahaatee arrimahaas oo dhan kama leexin Jidka Doorashada Dawladda iyo Bulshada midna.

Calaamadaha Muujinaya in aanay ushaqaynin Istaraatiijiyadoodu sidii ay u dajiyeen waxaa ugu horaysa in qayb ahaan ayba qabsoontay Doorashada oo lasoo doortay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, sidoo kale waxaa meel gabangabo ah maraya xeraynta Ergada Dooranaysa Baarlamaanka Aqalka hoose, iyadoo sidoo kale ay Boqolaalka Musharax ee u taagan xilalka loo tartamayo ay si dardar leh uga wataan Ol-olahooda Magaalooyinka oo dhan si aan cabsi lahayn, tusaalaha kale ayaa ah in dhamaan Goobaha loo asteeyay Doorashooyinku ay ku jiraan Jawi saamaxaya qabashada Doorashooyinka kaas oo aanay ka jirin saamaynta Kooxahaan ay ku carqaladaynkaraan Doorashooyinka.

Ugu danbaynta, Maalmo yar ayaa ka harsan marka lagu kala baxayo sheekada taas oo ah Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay ka dhimantahay muddo Bil ah waqtiga loo asteeyay halkaas oo ay ku dhamaandoonto isku dayada ugu danbeeya ee Kooxda oo haddii xaaladdu ku dhamaato sida ay u socoto ay wajihidoonaan Dhagarwadayaashu Maalmo ka duwan kuwa Maanta.

W/Q: C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...