TOP NEWS: Xulka England oo ka haray Koobka Euro iyo Tababare Roy Hodgson oo is casilay.

Xulka England ayaa xalay ka haray Koobka Euro 2016, kadib markii lagu reebay wareega 16-ka, iyadoo wareegaas ay ku reebtay dalka yar ee Iceland.

Ingiriiska ayaa daqiiqadihii hore ee ciyaarta ku hor-maray gool, markii loo dhigay rigoore, waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Wayne Rooney.

Laakiin daqiiqado kadib Iceland ayaa iska soo guday goolka, waana ay bar bareysay, ciyaarta ayaa 10-kii daqiiqo ee u horeysay noqotay 1-1.

Daqiiqadii 18 ee ciyaarta ayaa Iceland waxaa ay heleen gool labaad, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Sigthorsson, qeybta hore ayaa ciyaarta ku soo gaba gabowday 2-1 oo ay ku hogaamineysay Iceland.

Qeybta labaad ayay Ingiriiska isku dayeen inay ciyaarta wax ka bedelaan, iyagoo ciyaaryahano bedelo ku soo geliyay, balse marna uma suura gelin inay iska soo gudaan goolka.

Ciyaarta ayaa 90kii daqiiqo ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Iceland, waxaana sidaas ku haray xulka England.

Tababaraha England Roy Hodgson oo lixdii sano ee u dambeeyay hayay xilka Tababarenimo ayaa markii ay ciyaarta dhamaatay ku dhawaaqay inuu is casilay.

Ciyaartoyda Ingiriiska ee sanadkan uga qeyb galayay Tartanka Euro 2016 ayaa ahaa kuwo da’yar, balse dadka khabiiriinta Isboortiga ayaa ku dhaliilay in aanay wadan wax ciyaartoy khibrad leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Madaxweynaha oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha ...
DAAWO SAWIRRADA: -Madaxweynaha Jubbaland oo furay garoon Casri ah oo Kismaayo laga hirgeliyay
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah si rasmi ...
DHAGEYSO:- Odayaal laga si daayay Xabsi ku yaalla Baladweyne iyo Muran weli ka taagan
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyen ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Puntland Faah faahin ka bixisay Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso iyo raggii watay
- Apr 26, 2017
Taliska qaybta Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa Faahfaahin ka bixiyay shan nin iyo ...
WAR DEG DEG AH:- Israsaaseyn Khasaare geysatay oo Muqdisho ka dhacday
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaano Taageeray Mooshinka horyaalla Baarlamaanka, Kana Soo horjeestay in la kala qeybiyo Ciidamada Dowladda
- Apr 26, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si weyn ...