TOOS U DHAGEYSO:Warbixin Xul Ah Oo Ku Saabsan Ciyaarihii Xalay & Xulalka Usoo Baxay Rubuc-dhamaadka EURO 2016.

Koobka Qaramada Yurub ayaa soo gaarey wareegga 8-dhamaadka isagoo marba marka ka dambeeysa soo saaraya dhacdooyin qamuunyo iyo qosolba u keena daawatada ciyaaraha iyadoo ay xalay kala bexeen Spain iyo Italy, England iyo Iceland.

Waxayna ciyaartii xalaytoole ay Talyaanigu sida la wada qiray ahaayeen xulkii markasta isagu tillaabada hore qaadayey, oo marna waxay u muuqanayeen difaac ka samaysan dhagax sisib ah, marna waxay muujinayeen miciyohooda oo waxay soo qaadayeen weerar laayaan ah oo ay goolal badan ku sigayeen xulka Spain, waana sababta ciyaarta Talyaaniga loogu arkay mid wax ku ool ah.

Ingiriiska ayaa la kulmay bahdilkii ugu xumaa tan iyo 1950-kii markii ay Koobka Adduunka ka reebeen Maraykanku, iyagoo haatan ku baxay gacmaha xulka garab-cowska ah misna indha baqaaqa ah ee Iceland oo 2-1 uga diray wareegga bug-baxda Euro 2016.

Haddaba, hoos ka dhegeyso warbixin xul ah oo uu ciyaarahaas iyo xulalka usoo baxay wareegga rubuc-dhamaadka uu ka diyaariyey Maxamed Xaaji Xuseen Raage.

 

 

 

Hoos Ka Dhageyso

Source: GF

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:-Barn. Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Wararkii maanta ugu xiisaha badanaa).
- May 24, 2017
Caabudwaaq, 24 May 2017 --- Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisi oo caawa si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee Dalka Qatar.
- May 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay ...
SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya ...
War-saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo ...
War-Saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir ...
Dowladda oo Amar deg deg ah lagu Siiyay iney Wada hadal la gasho Al-Shabaab
- May 24, 2017
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay ...