Maqaal:Shirkii Kismaayo iyo Damaca xil kororsiga Dawladda”

Shirkii Kisamaayo   waa markii ugu horaysay ee   hoggaamiyayaasha   Soomaalida   loodaayo go, aan ka gaarista masiirka ummadooda   tan iyo   xiligii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya..

Wuxuu ahaa shir   Qaran oo ay   isku yimadeen   hoggaanka dalka   heer Qaran ilaa heer maamul gobolleedyo, waxaana ka sugayney   go. Aan taariikhiya ummadduna ay ku faraxdo..

Abwaankii Soomaaliyeed AUN Abwaan Yamyam, gabay uu tiriyey 1993, shirkii Addis sabab, Tix kamida ayaa waxay ahayd __

Haddaan weynay maan iyo aqli noo maqoorada   ma inaan gobnahaybaan Martitiyo Shisheeyaha   Masawira nirahnaa ,(AUN)

Kismaayo waxaa isku tagay oo ku shiray hoggaamiyayaasha Soomaalida   oo kala ah Madaxwaynaha Jamuuriyada Federalka ee SoomaaliyaXassan Shiikh Maxamuud   iyo Madaxwayneyaasha Dawladdaha Xubnaha ka ah Dawladda Federalka dhammaantood ujeedo kala gaara ayey   wateen   guwo rabay in ay xilka   kororsadaan kuwo rabay in mooqofkoodu socdo iyo kuwo kale oo rabay in Soomaali   jaha wareerka iska jirto..

Shirkaan wuxuu daba socday shirar hore oo lagu kala qabtay Muqdisho iyo Garoowe, Shirkaan waxaa ujeeddadiisu ahayd   in la isla meel dhigo habka doorsho   2016, kadhici doonta Soomaaliya haddiiba ay suura gasho..

Shirka Kismaayo ee` ay isku tageen Hoggaamiyayaasha dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya wuxuu ballantiisu ahaayd   inuu furmo 10,01 2016, hayeeshee   wuxuu furmay 14,janaayo wuxuuna dib u dhacay 4maalin” ujeedka shirku uu dib ugu dhacay ayaa ahayd in uu shirku kusoo dhamaado sidan uu hadda ku soo dhamaaday oo ah natiijo la`aan..

 

Ujeedooyin kala duwan

 

Waa maxay sababta   warmurtiyeed   iyo go, aan mideysan looga soo saari waayey Shirkii   Madasha wada tashiga qaran?   su’aashaas   ayaan hoos ku sharrixi doona siday aniga ila tahay..

Koow shirka waxaa la furay markii xubnihii Beesha Caalamka kasocday ay katageen Kismaayo kadib markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya kadaahay ballantii shirku ku furmi lahaa..

Labo Inta badan hoggaamiyayaasha hadda talada dalka hayaa   waxay u gogol xaarrayaan inay muddada xilka   kororsi samaystaan   ayaga marmarsiino u yeelaya   adduunkana tusaaya in Shirkii Kisaamyo la isla meel dhigi waayey hannaanka doorasho

Seddex Madaxwayne Xassan Shiikh , Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Raiisul wasaaraha xukumadda   waxay doonayaan inay   ayagu jaheeyaan hannaanka   doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta haddiiba ay dhacdo..

Sidan anigu is leeyahay ujeedka   ugu weyn ee shirka loo fashiliyey ayaa ah in     caalamka la tuso inaan xiligaan doorsho laqaban   karin loona baahan yahay in hay,addaha Dawladda xilka loo kordhiyo si ay shaqada u sii wadaan ilaa la helo doorasho la isku raacsan yahay…

Damaca siyaasiinka hoggaanka dalka haya.

Damac siyaasiinta hoggaanka noo haya waxaan isleeyahay   ILKO ABEESO) hoos bay ka xiriirsan yihiin oo dhammaan   hoggaamiyayaasha Kismaayo isku tagay waxay ku mideysanyihiin in xilka loo wada kordhiyo   waana sababta kaliftay inay   ummadda Soomaaliyeed tusaan in shirkii lagu heshiin waayey..

Waase   dadnimo xumo iyo ceeb   in   siyaasiinta Soomaali aysan wili   fahmin   danta ummaddooda iyo sharafta dalkooda   waa shirkii koobaad ee Siyaasiinta iyo madaxwayne yaasha Soomaalidu   isku yimaden ayaga oo aan beesha caalamku ku   kala dhex jirin   hadana ku dhamaada natiijo la`aan..

Waxaan ku soo koobaya

Soomaalidu waxay ku maahmaahda Rag yari wax kuma yeeshee Rag xumaa ku disha

Hoggaanka dalkeenu waa inuu   ka gudbaa in ajanabi   u kala turjumo in beesha caalamku   maalin kasta   ugu hanjabto   saas yeela     iyo in farta wax loogu fiiqo   Soomaali gab bay ahaan jirtay Go, aankeeda   ayadaa lahaan jirtay waa inay karteen hoggaamiyayaasha Soomaalida sharafta   ummaddooda dalkooda   iyo sharaftooda–baa..

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. geele badwi says:

    Meesha waxaa isugu yimid dad dhihin
    Hadii qabiil laga gudbo oo qaran loo gudbo sheekadu 1991 ayey ku laaban doqontu markay hesho qof aan dagaal ka filayn oo la fedo maalin wqlba walaahi sidii 1991 ayey noqon
    War qarniyo iyo kumanaan sano ayaa
    Dalkan iyo dadkani soo hireen magaciina in laydin naxsiiyo iska daa
    Wax kalee oo sidii reer yurub africa ugumaysteen laydiin gumaysto
    Ayaa lasoo maraye cidna kama sheekaysee
    Maad labada nin ee qarandoonka ah ee kala ah axmed madoobe. Iyo cabdiwali gaas kala. Hor tagtaan qabiil.doonimada hadii layska daayo.in mar danbe somali wada hadasha oo isku timaada lawaayo
    Idinka uun baa caan ku ah tashi xumada tafaraaruqa
    Iyo isbaaradee armaa wada jirku
    Idiin roonyahay oo xamartii isbaarada
    Iyo qabqabluhu dhex qubnaa cabdulaahi yuusuf dowlad dhexkeenay

  2. geele badwi says:

    Sixid

    La fedo = la gedo

  3. geele badwi says:

    Sixid

    Soo hireen = soo jireen

    Naxsiiyo = nacsiiyo

  4. geele badwi says:

    Sixid

    La fedo = legdo




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

WAR DEG DEG AH:- Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo la doortay
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Xaashi C/laahi, ...
Madaxweyne Cosoble oo amar deg deg ah siiyay Ciidanka ammaanka ee Jowhar ku sugan
- Jan 22, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, oo ka hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha ...
WAR DEG DEG AH:- Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare oo Muqdisho ka bilaabatay
- Jan 22, 2017
Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka bilaabatayDoorashada Guddoonka ...
Ciidamada Dowladda oo Saaka Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar
- Jan 22, 2017
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar ee ...
DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari “Shacabka yaan la wareerin, Weli go’aan kama gaarin Xilliga ay doorashada dhaceyso”
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ka ...
DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dilkii Taliyaha Booliiska Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 22, 2017
Qarax Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goobtii uu ku sugnaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka ...