DAAWO: Sida R/wasaare Cumar Cabdirashiid Uu Faarax Sakiin Jinka Uga Tumay 2015.

DAAWO Sida R/wasaare Cumar Cabdirashiid uu Faarax Sakiin Jinka Uga Tumay 2015.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hoos Ka Daawo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Darjaani says:

    Dhamaan ikhaayrta salaan sare sidoo kale Jimce wanaagsan, salaan kadib waxaan rabaa bal inaan is waydaarsano qof walba fikirkiisa & aqoonta uu u leeyahay magaca Digil & Mirif.

    Magaca Digil & Mirif abtirsiimo qabiil miyaa laga wadaa oo hal oday ayaa wada dhalay?

    Mise waa dad Soomaaliyeed oo ku heshiiyay inay ku midoobaan siyaasad, Deegaan, dhaqan & dhaqaale intaba?

    Sababta su,aasha keeni karta ayaa waxa ay tahay, ma jiro qabaa’il kale oo Soomaaliyeed oo abtirkiisa ay dhexda kaga jirto kalmada ( iyo ) marka maxaa kaligood loo yiri Digil & Mirif?

    Dadka laga yaabo inaysan aqoonba u lahayn dadka la isku yiraahdo Digil & Mirif ayaa waxaa jeclaan lahaa inaan xooga faahfaahin yar ka siiyo waxii aan ku dhaamo, si ay bal fikir macquul ah ooga dhiibtaan dooda.

    Mirifle wuxuu dhalay sideed wiil oo isku bah ah iyo sagaal wiil oo isku bah ah waana sidan:

    bahda sagaal waa:
    Gasaar Gude, Gawaawiin, Jilible, Geeledle, Hadamo, Luwaay, Hubeer, Yantaar Iyo Eeyli

    Bahda Sideedna Waa sidan:

    Jiroon, Eelaay, Garwaale, Leysaan, Haraw, Hariin, Macalin-Weyne Iyo Reer Dumaal. Intaa Ayaa Mirifle La Isku Dhahaa

    FG: waxaa jira dad sii kala qaad-qaada lkn anigu sidaa kooban ayaan u daynayaa.

    Digil waxaa la isku dhahaa:

    Geledi, Begedi, Dabarre, Jiido, Tunni, Garre Iyo Reer Daafeed oo Kala Ah Irdho Iyo Jambaluul

    waxaa jira labo fikradood oo is diidan, dad waxaa jira qaba fikrad ah magaca “raxanweyn” in uu yahay naanaays uu lahaa odaygii dhalay Digil & Mirifle oo waxay leeyihiin magaciisa saxda ah waxaa la odhan jiray Maadeey oo “raxanweyn” waa naanays magaca saxda ahna waa Digil Maadeey & Mirifle Maadeey.

    Hadaba dadka qaba fikirka ah magaca Digil & Mirif inuu abtir yahay oo la isku dhaho ilma Maadeey, waxaan waydiinayaa su,aal, maxay tahay sababta ay u qaadan waayeen magaca guud ee Maadeey, sida Soomaalida kaleba loogu yeero Hawiye, Daarood & Dir IWM?

    Dad kale ayaa qaba fikirkaa mid ka duwan oo ah magaca “raxanweyn” inuu yahay naanays loogu yeero mirifle kaliya, oo magacan Digil & Mirif-na uu ahaa magac loo sameeyay is gaashaan-buur siyaasadeed oo kaliya balse uusan abtir ahayn.

    Hada dadka qaba fikirkan dambe ee magaca Digil & Mirif in uusan abtir ahayn waxaan iyagana swaydiinayaa su,aal kale oo ah, maxaa kalifay inay noqdaan gaashaan-buur siyaasadeed, goorma ayayna bilaabatay gaashaan-buurtaas waa hadiiba ay jiro?

    bal asxaabeey adinkana fikirkiina & aqoontiina soo daaya. dadka aan ku tuhmayo inay wax badan ka hayaan taariikhdaas waxaa ka mid ah walaashay Tiriig, Wadaad-yare, Sacdi & Turdho, suldaan Jubba Asal isaga ruuxiisu ma sahlana lkn baryan lama arkin.

    Sidoo kale waxaa laga yaabaa inay jiraan asxaab kale oo inteenaba nooga aqoon badan oo aan hada xasuusan waayay magacooda, lkn idinkama tagin ee waa dood cid walba u furan.

    asxaabeey kusoo dhawaada hadaan wax ka tagay ama ay wax iga khaldameen waan ka cudur daaranayaa aqoontayda yar ee taariikhda, waxaana i sixi doona asxaabta inteeda kale ee iiga aqoon badan dadkaas.

  2. Amina says:

    @Darjaani
    Adiga oo aad u mahadsan,runtiina wax badan aniga iyo dad badan kaa barteen mawduucan ahaan ,haddana waa ka xumahay hawd gudcur ah baad cirbad noogu dhextuurtay oo aad tiri soo hela ,mana filayo inaad heli doonto jawaab waafi ah,xitaa haddii aad weydiiso shariif sakiin ,oo aan filayo in ayaamahan xafidaad dusha sare ah la qabadsiiyey.
    bal kuday shariif sakiin hhhh

  3. Darjaani says:

    Amina

    Kkkkkkkkkkkkk walaashay qaali waa mahadsantahay aad ayaan oogu qoslay hadalkaaga ah cirbad ayaad mugdi noogu tuurtay, waa runtaa walaal aad ayay u yaryihin dadka arintan ka jawaabi kara, laakiin way jiraan dad aan aad oogu tuhmayo inay xog badan ka hayaan, ee bal iyagana aan ka war dhawrno, balse aniga waxay iila muuqataa arin mudan inaan ka doodno, doodaa kadin waxaana heli doonaa damaca dadkan damacooda inta uu dhanyahay,

  4. Tirig says:

    Darjaani
    Asc Wr Wb dhamaan,
    Walaalkiis shalan kugu dhafay boga odayaasha shariif dhaliilaya ee ka fiiri eebow.




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:-Barn. Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Wararkii maanta ugu xiisaha badanaa).
- May 24, 2017
Caabudwaaq, 24 May 2017 --- Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisi oo caawa si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee Dalka Qatar.
- May 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay ...
SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya ...
War-saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo ...
War-Saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir ...
Dowladda oo Amar deg deg ah lagu Siiyay iney Wada hadal la gasho Al-Shabaab
- May 24, 2017
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay ...