TOP:Madaxweynaha Puntland oo wada tashi lasameynaya dadka kunool Puntland ka hor inta uusan aadin Kismaayo

Madaxwaynaha dawlada puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Magaalada Garowe kula kulamaya qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Nugaal iyo waxgaradka isagoo kalahadlaya qaabka ugu wanaagsan ee ay Puntland uga qayb galayso shirarka hiigsiga 2016.

Madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shacabkii kulanka uu la qaatay ka codsay inta uusan aadin Kismaayo inay ka Puntland ahaan ay kasoo dabcaan go’aanka diidmada 4.5 ee ay keenaan meel dhexe si laysugu keeno labada go’aanba.

Qaar kamid ah waxgaradka Puntland ee ka qayb galay shirarkii lagu codaynayey aragtida doorasho Soomaaliya 2016 ayaa sheegay inaysan marnaba kanoqonayn go’aankooda aysana madaxwaynaha ka yeelanayn inuu ka dhaadhiciyo 4.5.

Madaxwaynaha Puntland oo wali kulan kula jira Shacabka ayaa saxaafadu ay banaan joog ka tahay iyadoo sidoo kale ay hoolkaasi ka socoto dood kulul oo u dhaxaysa ergooyinka iyo Madaxwaynaha Puntland oo su’aalo ku waydiinayaan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa horay kulamo ula qaatay Baarlamanka,odyaasha iyo Bulshada rayidka ah isagoo dhamaan kala hadlayey arimaha Doorsho Soomaaliya 2016.

Wixii warar ah kusoo kordha lasoco wararkeena danbe

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Madaxweynaha oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha ...
DAAWO SAWIRRADA: -Madaxweynaha Jubbaland oo furay garoon Casri ah oo Kismaayo laga hirgeliyay
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah si rasmi ...
DHAGEYSO:- Odayaal laga si daayay Xabsi ku yaalla Baladweyne iyo Muran weli ka taagan
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyen ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Puntland Faah faahin ka bixisay Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso iyo raggii watay
- Apr 26, 2017
Taliska qaybta Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa Faahfaahin ka bixiyay shan nin iyo ...
WAR DEG DEG AH:- Israsaaseyn Khasaare geysatay oo Muqdisho ka dhacday
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaano Taageeray Mooshinka horyaalla Baarlamaanka, Kana Soo horjeestay in la kala qeybiyo Ciidamada Dowladda
- Apr 26, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si weyn ...