TOP NEWS:Sarkaal Al-Shabaab Ahaa oo Isu dhiibay Dowlada Federaalka Soomaliya

Maxamed Cali Maxamed (Fareey) oo ahaa u qaabbilsanaha Al-shabaab ee gobollda Baay, Bakool iyo Gedo ayaa la sheegayaa inuu isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaliya ee ku sugan magaalada Luuq.

Sarkiisha ciidamada xoogga dalka gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay inuu horjoogahan ka soo baxsaday ururka Al-shabaab markii uu iyaga xiriir qarsoodi lasoo sameeyay maalmo ka hor,haatanna ay u suurto gashay inuu kasoo goosto.

Horjooge Fareey ayaa loo soo gudbiyay laamaha ammaanka gobolka Banaadir si waraysiyo dheeri ah looga qaado,maaddaama uu hayo xogo muhiim ah oo la xiriira sirta gaarka ah ee Ururka Al-shabaab oo uu horay ugu tirsanaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya,islamarkaana loo soo masaafuriyay magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Madaxweynaha oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha ...
DAAWO SAWIRRADA: -Madaxweynaha Jubbaland oo furay garoon Casri ah oo Kismaayo laga hirgeliyay
- Apr 26, 2017
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah si rasmi ...
DHAGEYSO:- Odayaal laga si daayay Xabsi ku yaalla Baladweyne iyo Muran weli ka taagan
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyen ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ...
DHAGEYSO+SAWIRO:- Puntland Faah faahin ka bixisay Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso iyo raggii watay
- Apr 26, 2017
Taliska qaybta Booliska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa Faahfaahin ka bixiyay shan nin iyo ...
WAR DEG DEG AH:- Israsaaseyn Khasaare geysatay oo Muqdisho ka dhacday
- Apr 26, 2017
Wararka naga soo gaaraya Beerta Jaadka ee degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaano Taageeray Mooshinka horyaalla Baarlamaanka, Kana Soo horjeestay in la kala qeybiyo Ciidamada Dowladda
- Apr 26, 2017
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si weyn ...