TOP NEWS:Dowladda Uganda oo sheegtay in Markii ugu horeysay ay ciidamo dhinaca cirka ah u soo direyso Soomaaliya

Dowlada Uganda oo ay hataan kajoogaan dalkeena soomaliya ciidamo katirsan howl galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay in ay markii ugu horeysay soo direyso ciidamo dhanka cirka oo tageeraya ciidamada Uganda.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Uganda ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Midowga Afrika arrintan kala shaqeyn doonaan, maadaama mas’uuliyad weyn ka saaran tahay howl galka AMISOM.

Qorshaha dhinaca cirka ah ayaa qeyb ka ah diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega ee taageeraya Ciidamada AMISOM, xilliga ay howl galka ka wadaan Soomaaliya.

Howl galka AMISOM ayaa laheyn diyaarado dagaal, marka laga reebo dowladda Itoobiya oo adeegsata diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay xarumo ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Diyaaraduhu Ma Ciidamadda Yugaandha Ayay Kadaad Guraynayaan Soomaaliya???? Mise Ciidamo Go’doomay!! Ayay *Sahay Gaarsiinayaan???




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...