TOP DHAGAYSO:Naafada G.Mudug oo lagu wareejiyey Guri ay degaan kadib Bur-Burintii Gaalkacyo

Naafada gobolka Mudug ayaa maanta lagu wareejiyey guri ay leedahay Naafadaasi taas oo loogu wareejiyey warqad ka timid Madaxwaynaha Puntland.

Duqa Degmada Gaalkacyo C/casiis Jamac Nugaal ayaa sheegay in gurigan ay horay u lahaan jirtay Madbacadii qaranka Soomaaliya isla markaana ay maanta ku wareejiyeen ururka Naafda gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ururka naafada gobolka Mudug Maxamed Cabdi Xasan (Xabeeb)’ ayaa lawaregay furaya guryahaasi waxaana uu ka mahad celiyey qaabka loogu wareejiyey guyahaasi sidoo kalana wuxuu xusay in ladoonayo naafada Puntland in lagu dhaqo xeerkii dhawaan loo meel mariyey.

Gudoomiye ku xigeenka ururka naafada gobolka Mudug C/fitaax ayaa dhankiisa sheegay inaysan dadkan ahayn kuwo samaysan kara dhismaha islamarkaana dawlada laga doonayo inay u dhamaystirto dhismaha guryahaasi oo xiligan dayac ka Muuqdo.

Naafada gobolka Mudug horay gurigii ay uga degenaayeen Gaalkacyo ayaa laga dumiyey kadib markii ay booskoodi gashay Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG RASMI AH:- Al-Shabaab oo Bil kasta $80,000, ka hela Wadan Caan ah
- Jan 23, 2017
Wargeyska Walta Info,ayaa qoray maqaal dheer oo uu kaga hadlayay dhibaatada ku hareereysan Dowladda ...
TOP DHAGEYSO:- Meel ka mid ah Soomaaliya oo Laga Mamnuucay Raga iyo Dumarka in ay Gaari isla raacaan
- Jan 23, 2017
Taliyaha Boliska Degmada Galdogob  ee Gobalka Mudug Cabdi Xamiid Xuseen  oo Warbaahinta Ku hadalay ...
TOP DHAGEYSO:- Sidee looga Fogaan Karaa Khilaaf soo kala dhex gala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ?
- Jan 23, 2017
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in doorashadiisa kaddib ay ...
TOOS U DHAGEYSO:- Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Ciidamo Gaara oo Wadooyinka lagu arkayo
- Jan 23, 2017
Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa si weyn u sugaya amaanka Muqdisho inta ay socdaan ...
XOG CUSUB:- Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta reer Puntland
- Jan 23, 2017
Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa ...
XOG XASAASI AH:- Maxaa kala qabsaday Michael Keating iyo Shariif Sheekh Axmed ?
- Jan 23, 2017
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating oo kulan gaara ...