TOP DHAGAYSO: Maamulka Puntland oo maanta maxkamad soo taagaysa labo nin oo u dhashay wadanka Indonesia.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta lasoo taagayaa Mohli Batiwawa oo ah 46-sano Jir u dhashay dalka Indunisa iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir u dhashay dalka Indonesia, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci ah uga kallunaysanayeen xeebaha Punland.
Labadaan nin ayaa kamid ahaa 14 shaqaale oo lagasoo badbaadiyay dooni kalluumaysi oo bishii August ee sanadkaan ku degtay xeebta deegaanka Gaalo-Ood ee katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Dowladda Puntland ayaa labadaan nin ka reebtay shaqaalaha kale ee doonidaas la socday, waxaana lagu eedeeyay inay iyagu masuul ka ahaayeen doonida oo wadatay shati kalluumaysi oo sharci darro ah islamarkaana ay saarnaayeen kalluun gaarayay 46 tan.
Doonida ay la socdeen ayaa ka diiwaangashanayd dalka Yemen, waxaana laga lahaa wadanka waqooyiga Kuuriya oo kamid ah dalalka sida aadka ah jariifka ugu haya xeebaha Puntland.
Labadaan nin ayaa horey kiiskooda dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid qareen Siciid Cabdi Muumin oo udoodaya eedeysanayaasha, waxaana maanta lagu wadaa in arrintooda lasoo gabagabeeyo.
Dhagayso codka xeer ilaaliyaha max kamada darajada kowaad 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

WAR DEG DEG AH:- Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo la doortay
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Xaashi C/laahi, ...
Madaxweyne Cosoble oo amar deg deg ah siiyay Ciidanka ammaanka ee Jowhar ku sugan
- Jan 22, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, oo ka hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha ...
WAR DEG DEG AH:- Doorahsada Guddoonka Aqalka Sare oo Muqdisho ka bilaabatay
- Jan 22, 2017
Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka bilaabatayDoorashada Guddoonka ...
Ciidamada Dowladda oo Saaka Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar
- Jan 22, 2017
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar ee ...
DHAGEYSO:- Guddoomiye Jawaari “Shacabka yaan la wareerin, Weli go’aan kama gaarin Xilliga ay doorashada dhaceyso”
- Jan 22, 2017
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ka ...
DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dilkii Taliyaha Booliiska Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 22, 2017
Qarax Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goobtii uu ku sugnaa Taliyihii qeybta Booliska Gobolka ...