Qaramada Midoobay oo qorshe ku aadan amaanka u dajishay Suuriya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si aqlabiyad ah u meel mariyay qaraar lagu taageerayo hannaanka nabadeed ee Suuriya.
Waa markii ugu horreysay muddo shan sana ah oo dalkaasi Suuriya uu ka socday dagaal ba’an oo golahan ay u suuragashay in uu isku raaco hannaan siyaasadeed oo la isugu dayayo in lagu dhameeyo dagaalkaasi.
Qorshahan uu taageeray Golaha Ammaanka ayaa waxa uu ku baaqayaa xabad joojin ka dhaqangasha guud ah dalka oo dhan iyo wadaxaajood siyaasadeed, kuwaasi oo looga gol leeyahay in lagu bilaabo wadahadal bisha Janaayo ee sanadka soo socda.
Waa qorshe wanaagsan oo jaangoyn u ah rajada ah in ugu yaraantii ay taageerayaasha dowladda iyo mucaaradka ay wada aqbali karaan.

Qaraarkan ayaa waxba kama oranayo mustaqbalka Madaxweyne Assad, balse waxa uu qeexayaa in dadka reer Suuriya ay tahay in ay go’aan ka gaaraan mustaqbalka waddankooda isla markaana ay dajiyaan jadwal doorasho xor iyo xaq ah oo ay Qaramada Midoobay kormeere ka tahay oo lagu qabto 18 bilood gudahood.
Haatan wadammada Reer Galbeedka iyo Carabta ayaa aqbalay in Madaxweynaha Suuriya uu qeyb ka sii ahaado kala guurka siyaasadeed, waxayse ku adkaysanayaan in ugu dambeyntii uu meesha ka baxo.
Balse dhinacyada soo qoray tubta nabadda ee Suuriya ayaa rumaysan in soo afjaridda colaadda sokeeye ee Suuriya ay tahay sida kaliya ee loola dagaalami karo kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ah, kooxdaasi oo aad ugu fidday gudaha Suuriya iyadoo ka faa’iidaysatay qalalaasaha dalkaasi ka jira.
Dhinacyada ayaa ku rajaweyn in taageerada Qaramada Midoobay ay wax wayn ka tari doonto geedi socodka nabadda Suuriya islamarkaana ay tahay wax ay ku diirsadaan dadka Suuriya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:- Qodobada Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle
- Feb 26, 2017
Iyadoo Caddaadis dhanka Siyaaasada ah uu wajahaayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ...
DAAWO SAWIRADA:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo gaaray Jowhar, xilli mooshin ay qaban qaabinayaan Xildhibaanada
- Feb 26, 2017
Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa goor dhaw gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Waxaan Horey Loo Arag Sameeyay.
- Feb 26, 2017
Waxaa si weyn loo hadal hayay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed ...
DAAWO SAWIRADA:- Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland
- Feb 26, 2017
Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kumaandooska iyo Daraawiishta Puntland ayaa saakay la wareegay xarunta ...
WAR DEG DEG AH:- Xildhibaan hore oo hada Muqdisho lagu toogtay
- Feb 26, 2017
Dabley hubaysan ayaa la soo warinayaa in Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ay ku ...
DHAGEYSO:- Beesha Abgaal Cismaan oo Hubkoodii ku wareejiyay Al-Shabaab
- Feb 26, 2017
Beesha Abgaal Cismaan ayaa hub ugu deeqday Xarakada AL Shabaab kaddib munaasab ka dhacday ...