TOP NEWS:Maxaa kajira in ciidamada dowladda ku lug lahaayeen dagaalkii Beledweyn Iyo Baaritaan lagu hayo arintaas

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku sameyneysa eedeymo ku saabsan in ciidamada dowladda ay lug lahaayeen dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo gaaray magaalada Beledweyn ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen magaalada uu yahay sidii ay u baari lahaayeen waxa ka jira eedeymo la xiriira in ciidamada dowladda ka qeyb qaateen dagaaladii dhowaan dhacay.

Waxaa uu sheegay in Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku cadaato inay ku lug lahaayeen dagaalkii Beledweyn.

Saraakiil ka socota Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ka bilaabaya magaalada Beledweyn baaritaanka la xiriira arrintan, waxayna kormeeri doonaan goobihii dhowaan lagu dagaalamay, iyagoo wax ka weydiinaya dadkii rayidka ahaa ee lagu dul dagaalamay.

Baaritaankan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa oo ay Maxkamadda qaado, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamada dowladda ay dagaalada ka dhaca gobolada dalka ay hab beeleed ahaan ugu qeyb galaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

XOG:- Maxaa ka jira in Kheyre uu dib ugu laabanaayo Golaha Wasiirada ee la dhaliilay?
- Mar 27, 2017
Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ...
TOP+SAWIRRO:- Madaxweyne Gaas oo la Kulmay Wafdi Caalami ah
- Mar 27, 2017
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 March 2017 Xafiiskiisa ...
DHAGEYSO WAREYSI:- Faroole oo ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan wasiirada cusub iyo waxa uu ka aaminsan yahay Farmaajo iyo Kheyre
- Mar 27, 2017
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si qalbi furnaan ah uga hadlay arrinta ku aadan Khilaafka ...
WAR DEG DEG:- Nin Xiran Xijaabka ay Dumarku qaataan iyo Indha-shareer oo lagu qabtay Gaalkacyo
- Mar 27, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goor ...
XOG CUSUB:- Maxay tahay Sababta Safar Deg deg ah Shariif Xasan uu ugu yimid Magaalada Muqdisho?
- Mar 27, 2017
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta si deg deg ah uga soo ...
DHAGEYSO WAREYSI:- Aqoonyahan Falanqeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada, Abaaraha, Amniga iyo caburinta Somaliland
- Mar 27, 2017
Aqoonyahan Cukaash Sugow oo ka mid ah Aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ...