FAAH FAAHIN : Kulamadii Champion-ka Ee Xalay La dheelay iyo Natiijadooda.

Olivier Giroud ayaa ka fujiyey taageerayaasha Arsenal markii caawa u xaqiijiyey ineey usoo baxeen Champion League-ha, isagoo dhaliyey sedexleeydii ugu horeysay abid uu Championka Arsenal ugu dhaliyo.

Ciyaaryahanka weerarka ugu ciyaara naadiga Arsenal Giroud ayaa hogaanka u dhiibay dhaqasihii ciyaarta la bilaabay markii ay socotay 29 – daqiiqo, waxayna taasi u sahashay in Arsenal ay rajo wayn ka gasho ineey kasoo baxdo garuubkeeda oo ay ugu baahnayn ineey guuleysato.

Sidasi ayaa lagu kala nastay markii la isku soo laabtay oo dhowr daqiiqo kaliya socoto ayaa ciyaaryahanka waayahaan aad u rafanayey ee Joel Campbell ayaa usalaxay gool ii dhali ah kaasoo isagana daba mariyey goolhayaha kooxda Olympiacos.

Sidaasi la isagama harine waxaa ay Arsenal heleen rigoore waxaana ku sedexeystay Olivier Giroud oo caawa u ahayd habeenkiisa isagoo kulamadii hore qaarkood uu ahaa flop-ka kooxda isagoo xitaa qaatay kaarka casaanka laakin haatan lugtiisa ayuu guushuu ay ubaahnayd ugu soo saaray bug baxa Champion league-ha Isniinta qorituurkiisa la samayn doono.

Guruubkaan F-ta waxaa hore booskeeda u xaqiiqsatay kooxda Bayern Munich oo caawa waqti danbe oo gaba gaba ah ay 2- 0 ugu badisay Dinamo Zagreb waxaana labada goolba dhashaday Robert Lewandowski inkastoo ay heleen rigoore uu qaatay Muller oo laga qabtay.

Bayern Munich ayaa kaalinta koowaad kusoo baxday oo leh 15 dhibcood Arsenal kaliya ayaa ka badisay 6 dii kulan ay ciyaareen waxaana kaalinta labaad soo ciriirsatay kooxda Arsenal oo 9 dhibcood leh halka Olympiacos oo hadii barbaro gali lahayd soo bixi lahaydna loogu awood sheegtay garoonkeeda 0 – 3.

Dhanka kale Guruubka G-da kooxda Chelsea ayaa lugteeda isaga reebtay Porto oo iyadoo 10 dhibcood leh laga reebay Champion Leagu-ha waxaana lagu sul daaray 2 – 0.

Goolka hore oo ahaa mid ay iska dhaliyeen kooxda Porto difaacyadeeda ayaa wuxuu ku yimi markii Diego Coast uu kubad lasoo baxsaday uu ka badbaadiyey goolhaye Ikar Casilles hase yeeshee Ivan Marcano ayay lugaha ugu dhacday badbaaddadii uu sameeyey Casillas sidaasi ayayna Chelsea hogaanka ugu qabatay qeybtii horena kusoo idlaatay.

Markii la isku soo laabtay ayaa misana ay heleen goolkii labaad oo uu dhaliyey ciyaaryahan William waxaana caawinaad qurux badan u ka helay Hazard sidaasi ayayna Chelsea 13 dhibcood ugu soo baxday Championka qeybihiisa bug baxa ah.

Chelsea oo leh 13 dhibcood iyo Dynamo Kyiv oo caawa si dirqi ah oo qatar ay ku dheehan tahay ugu badisay kooxda reer Israa’iil Maccabi Tel Aviv sidasai ayayna booska Championka ugu xaqiiqsatay. Porto iyada Manchester United ayay wehlin doontaa oo European League-ha ayay tumi doontaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:-Barn. Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Wararkii maanta ugu xiisaha badanaa).
- May 24, 2017
Caabudwaaq, 24 May 2017 --- Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisi oo caawa si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee Dalka Qatar.
- May 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay ...
SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya ...
War-saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo ...
War-Saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir ...
Dowladda oo Amar deg deg ah lagu Siiyay iney Wada hadal la gasho Al-Shabaab
- May 24, 2017
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay ...