TOP DHAGAYSO : Dawlada Federalka Soomaaliya oo Heshiisyo Hordhac Ka Gaartay Dagaalkii Beledweyne

Heshiis ka kooban lix Qodob ayaa la kala dhex dhigay Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii Odayaasha Labada Dhinac shalay la isugu keenay Kulan ka dhacay magaalada.

Heshiiskaan waxaa Garwadeen ka aheyd Dowladda Federalka Somaliya, waxaana Odayaasha labada dhinac ay ku qanceen heshiiska oo ay Saxiixeen.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay muhiimada inay tahay nabad inay ku noolaadaan Bulshada Gobolka Hiiraan degta oo aanan dushooda lagu dagaalamin.

Odayaasha Labada Dhinac ee Heshiiska saxiixay, ayaa balan qaaday dhaqangelinta Heshiiskaan si uusan u soo noqon dagaal dambe oo dhiig ku daata.

Dadka Magaalada Baledweyne ayaa ku farxay heshiiskaan oo soo dhaweeyay.
Heshiiskaan ayaa waxaa Beesha Jajeele u saxiixay, Xaaji Maxamed Goosaar Guure, halka Beesha Gaaljecel uu u saxiixay, Nabadoon Cumar C/llaahi Cali.
Qodobbada lagu Heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen;

1. Dhaqan-gelinta iyo adkeynta xabad-joojintii ay kala saxiixdeen labada beelood 15-Dec-2015. Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara colaad dambe – Af iyo Adinba.

2. In dhammaan goobihii dagaalladu ka dhaceen ay ahaadaan kuwa ka caagan wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah. Mas’uuliyadda Ammaanka looga dambeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

3. Inay ballan-qaadayaan cuqaasha iyo mas’uuliyiinta labada beeloodba inay ilaalinayaan amniga iyo xasiloonida magaalada, wixii labada beelood dhexdooda ahna loo saarayo gudi soo baara kaddibna xal ka gaara. Guddigaasna waxaa xubno ka noqon doona: Odoyaasha dhaqanka labada beelood iyo odoyaasha dhaqanka reer Hiiraan.

4. Wixii tabasho siyaasadeed ah ee ay qabaan Beelaha reer Hiiraan waa in loo maraa wada sharci ah. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax ka qabashada wixii tabasho maamul ah ee ay qabaan beelaha reer Hiiraan.

5. Cid kasta oo loo arko inay caqabad ku tahay dhaqan-gelinta heshiiskaan tillaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaa mas’uuliyada dhaqangelinta heshiiskaan mas’uul ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo is-kaashanaya.

6. Heshiiskaan wuxuu dhaqan-galayaa marka la saxiixo.

GOOB-JOOGE; Taliyaha ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiraan Col Osman Dubad Sugulle.
DAMAANAD-QAADE: Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

DHAGAYSO WAREYSIGA:

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Qiimo Badan U Jeediyay Shacabka Salaadii Ciida Kadib.
- Jun 25, 2017
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta Khudbad Xasaasi ah ujeediyay shacabka Soomaaliyeed xili uu salaadii ...
DAAWO:- R/wasaare Kheyre Oo Khudbad Qiimo Badan U Jeediyay Shacabka Salaadii Ciida Kadib.
- Jun 25, 2017
Ra’isul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Khudbad Xasaasi ah ujeediyay shacab Soomaaliyeed ...
DAAWO SAWIRRO:- Madaxda Dawladda Federaalka oo Salaada Ciida kula tukaday Shacab Farabadan Masjidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.
- Jun 25, 2017
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ,Ra’sul wasaaraha Xukuumadda Dalka iyo qaar kamid ah ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:- Hay’adda Islamic Care ee fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka oo deeq raashin ah gaarsiisay 1500 oo qooys oo ku nool magaalada Caabudwaaq.
- Jun 25, 2017
Hay'adda Islamic Care ee fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka ayaa deeq raashin ah gaarsiisay 1,500 ...
DAAWO:- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabada Ciidul Fidriga.
- Jun 25, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidul fidriga tasoo ku ...
DAAWO SAWIRRO:- Sidee Looga Ciiday Maanta Magaalada Garoowe.
- Jun 25, 2017
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa tukashada Salaada ciidul-fitriga kala qayb ...