Zlatan Ibrahimovic oo xulkiisa Sweden ku hogaamiyey ineey tiigsadaan Euro 2016-ka

Zlatan la’aantii Sweden ma awoodi kari lahayn ineey isu soo taagto kama dambeysta koobka Euro 2016-ka oo lagu qaban doono dalka Faransiiska.

Laba gool oo la dhihi karo waa goolashii ugu quruxda badnaa sannadkaan uu dhaliyo Zlatan Ibrahimovic ayaa gaarsiiyey ineey isu baxaan kama dambeyste koobka Euro 2016-ka ee ka dhici doonta dalka Faransiiska.

Goolkii hore oo ahaa koone lasoo tuuray ayaa Zlatan Ibrahimovic si xirfadeysan wuxuu u daba mariyey goolhayaha Denmark kulan ka tirsanaa lugtii labaad ee kala baxa Euro-da.

Goolkaasi uu Zlatan dhaliyey ayaa ku abuurtay xulkiisa kalsooni weyn maadaama Denmark looga fadhiyey ineey keensadaan 3 gool oo hor leh maadaama kulankii hore 2 -1 looga soo badiyey.

Si kastaba ha ahaatee isu soo laabadkii markii qolo waliba ay latashiyo lasoo samaysay farsamayaqaanadooda ayay dib isugu soo laabteen hase yeeshee markale ayuu Zlatan helay fursad laad xor ah wuxuu si cajiib ah oo qeyrul caadi ah markale shabaqa ugu hubsaday gool Sweden u ahayd fursad ay ku tagaan Euro 2016-ka.

Denmark inkastoo markaan waranka si fiican looga jiljilay hadana ma aysan is dhigan oo dadaalkoodii dadaal badan bay ku dareen waxayna keeneen laba gool oo dhamaantood madaxa kuwada dhashay maxayse kuugu taalaa hee waxaa looga fadhiyey ineey la imaadaan laba gool oo kale laakin waqtigii 90-ka ayaaba iska soo gaba gaboowday.

Hej då Denmar! ayay kudhawaaqayeen taageerayaasha Sweden taasoo ay ula jeedaa macasalaama Denmark allaha idiin gaarsiiyo 2020-ka. Sweden waxay xaqiijisay ineey usoo gudubtay finalka Euro 2016-ka ee lagu qaban doono Faransiiska.

Zlatan Ibrahimovic ayaa u rumowday riyadiisa ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga hadii uusan xulkiisa usoo saarin Euro 2016-ka taasoo ka dhigan inuu sii wadan doono inuu xulka kasii mid ahaado.

Dhanka kale ciyaaryahanka lambarka 10-aad ee xulka Denmark iyo Tottenham Erikson ayaa aad ugu murugooday dhacdada caawa ay ugu hareen Euro-ga isagoo ah laacibka ay ku dhaartaan xulkiisa inuu awoodi kari waayo inuu xulkiisa gaarsiiyo heerka ay filayeen.

Dhanka kale xulka Slovenia ayaa laga reebay kulamada bug baxa markii xulka Ukraine ay 1 – 1 isla dhaafi waayeen iyadoo kulankii hore 2 – 0 lagu soo garaacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:-Barn. Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Wararkii maanta ugu xiisaha badanaa).
- May 24, 2017
Caabudwaaq, 24 May 2017 --- Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee ...
SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdigiisi oo caawa si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee Dalka Qatar.
- May 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si weyn loogu soo dhoweeyay ...
SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya ...
War-saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo ...
War-Saxaafadeed+Sawirro:- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF.
- May 24, 2017
Muqdisho, 24-May-17--Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir ...
Dowladda oo Amar deg deg ah lagu Siiyay iney Wada hadal la gasho Al-Shabaab
- May 24, 2017
Guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho waxay ...