Madaxweynayaal badanaa oo maciin daranaa! W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil

Waa maalmo is xigxiga oo siyaasada dalka aysan fadhinin, waa arooryo iyo subaxyo aan suubaneen, waa saacado xiriirsan hadana maqalka warkeeda aysan dhagahaagu u rooneen, waa maqal lagu lifaaqay muuqaalo ku qamuunyo gelinayo, waa maalmo madaxweynayaashu ay badan yihiin hadana mid walba uu muunad gaar ah isu yeelayo, waa middiyo isu tumasho hor leh oo magacyo qurux badan la hubiyay, waa maamul Goboleedyo “Land” loogu waqlalay, mid walba oo ka mid ahna uu isku dhereriyay dhul aanu ka talinin, waa mucjiso iyo musiibooyin soomaalida mar kale loo maldahayo.

Soomaalidu waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin dad reer guuraa ah “Xoolo dhaqato”, waxaa kale oo loo gooni yeelaa inay yihiin bulsho ay sahlan tahay Go,aan qaadashadooda, taasi waxay fududeesay inay mar walba si sahal ah sacabada isugu garaacaan siyaasi dan aan maslaxad guud ku dhisneen xanbaarsan.

Tusaale:- bal aqristow si dagan maskaxdaada u weydii imisa maamul goboleed baa bilooyin iyo maalmo is xigxigay gudahood looga wada dhawaaqay gayiga soomaaliya, dabcan jawaabtu way sahlan tahay oo waa badan yihiin, waxaa jiray dhowr maamul oo gaar gaar loo sameeyay hadana maamul walba oo la sameeyo waxaa arkeesaa dad hubsiimo la,aan u sacbinaya, kuwa diidan hadaf la,aan, Qaar saluugsan markii ay ka waayeen Saamigii ay filayeen iyo qaar ka aamusay oo afkiiba uu juuqda gabay.

Saddex maamul oo labo ka mid ah Foosha un ay kala horeeyeen ayaa lagu dhawaaqay , Jubbaland oo dhiig badan uu kuu daatay ugu danbeena Dowladu heshiis ay la gashay ayaa magaca Jubba loogu waqlalay, Konfur Galbeed oo isna Baydhabo shir ka socday ka dhashay wuxuu kulmin doonaa gobolo badan sida ay sheegteen maamulkaasi, Maamul goboleedka Shabelle State wuxuu foosha dhowr saacadood kaga danbeeyay midka Konfur galbeed wuxuu kulmin doonaa labada Shabelle oo caasimada deris la wada ah, dhinac kale marka laga fiiriyo Saddexdaas maamul waxay ka sinaayeen dhowr siyaasadood ah oo ay ka mid aheyd 700 oo Ergo ka kala yimid deegaanada oo dhan ayaa shirka ku kulansaneed, saanqaadkii koobaadna way ka siman yihiin maxaa yeelay Saddexdaasi maamul mid walba waxaa loo sameeya Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Hadaba hadii ay dhab tahay shirarkaasi inay fadhiyeen ergooyin tiradooda ay intaasi la’eg tahay ma is weydiisay halkee laga keenay yaase ku deeqay dhaqaalaha ku baxay shirarkaasi, 800 Ergo oo fadhiday sida warbaahinta laga sheegay Shirkii Kismaayo horaan uga socday, 700 oo Ergo oo iyaguna kala fadhiyay labadii shir ee lagu kala doortay Maamulka Konfur Galbeed iyo Mid Shabelle State, waxaa intaasi sii dheer Shirka la qorsheenayo in isaguna lagu doorto maamul Saddex gobol ah oo wali Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo ka socda, hadii aan jawaab loo heyn halka ay ka timaaday dhaqaalaha shirarkaasi lagu socodsiiyay miyeysan aheyn inaan garowsano in gacan saddexaad oo si hoose dhaqaalo ugu deeqeeso ay meesha ka marneen.

Maamulada saddexda ah ee gooni gooniga loogu wada dhawaaqay mid walba wuxuu gaar u daliishanayaa Federaalka, laakiin dhibaatada waxay tahay in uusan jirin hal maamul oo gacanta ku wada haya dhamaan deegaanada uu ku magacaaban yahay, mid walba oo ka mid ahna magaaladii lagag dhawaaqay ayuusan dhaafsiisaneen xitaa waxaa la oran karaa ma awoodo inuu amnigeeda si wanaagsan u sugo iskaba daa inay gaaraan deegaanada ka talintooda loogu waqlalay.

Qaadashada nidaamka federaalka ujeedkiisa wuxuu ahaa sida la shaaciyay in gobolada dalka loo sameeyo maamulo goboleedyo, mid walba oo ka mid ahna uu amni u horseedo deegaanada uu ka talinayo, laakiin xaaladu iminka waxay taagan yahay halku dhigii caan baxay ee soomaalida “ Lagu mood noqonsa weyday”, hamigii laga lahaa maamul goboleedyadana wuxuu u muuqdaa mid qar dheer ka sii lusha, madaxweynayaasha gobolada ee wada cimaamadan xaalkoodu waa Badnidiinaa oo maciinkuuna daranaa.

W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil
Khartoum-sudan
+249-929803494
caaqilsos@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

BREAKING-NEWS8 WAR DEG DEG AH+SAWIRRO CUSUB:- Howlgalkii Hotelka Naasa Hablood One oo la soo gaba gabeeyay
- Jun 25, 2016
Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan Howlgal ay ka ...
SAWIR SAWIRRO CUSUB: Halaaga Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Ka Geysteen Hotel Naaso Hablood?
- Jun 25, 2016
Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ...
u 3 TOOS U DAAWO: Maxaa Ka Socda Hotel Naaso Hablood?
- Jun 25, 2016
Wararka aan haatan sida toos ah oga heleyno hotelka weyn ee Naaso Hablood ayaa ...
u 13 Dhaqaatiir Caan ah oo la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarka ka dhacay Hotel Naasahablood ee Muqdisho iyo khasaaraha oo sii kordhaya
- Jun 25, 2016
Ciidamada Ammaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wali wada howlgal ay ku xaqiijinayaan Ammaanka ...
u 10 DAAWO:- Sawiro dheeraad ah oo laga helay Weerarkii Hotel Naasahablood ee Muqdisho
- Jun 25, 2016
Waxaad halkan ka daawan kartaa Sawirada Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood oo ...
333 Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerarkii galabta lagu qaaday Hotel Naasahablood
- Jun 25, 2016
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa khasaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ...