kobciyelogo

Dhageyso: Madaxweynihi Hore C/qaasim Salaad Xasan Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo, Fariina U Diray R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

cabdiqaasimMuqdisho (AGGM): Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay arimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka soo kala dhex gala inta badan Madaxda sare ee dowladda sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha.

Wuxuu sheegay C/qaasim dadka Soomaaliyeed in looga baahanayhay inay ku kalsoonaadaan dowladooda isla markaana ay gacan siiyaan isagoona uga digay dowladdaha shisheeye inay faragalin ku sameeyaan arimaha Siyaasada Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay arimaha Khilaafka inta badan soo kala dhex gala Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasarihiisa ayaa waxaa uu arintasi ku sababeeyay Dastuurka ay ku dhaqmaan oo ah mid aan si wanaagsan u kala cadaynayn qof walba awooda uu leeyahay iyo faragalin ay ku hayaan dalal kale.

Mar uu ka hadlayay dagaalada ka dhaca gobolada dalka gaar ahaan deeganada ay gacanta ku hayso dowladdu ayaa waxaa uu xusay dagaaladaasi in looga gudbi karo dadka oo alle barya isla markaana isku calool fiyoobaada, isagoona dowladda dhexe ka dalbaday inay isku keento dadka isku haya deeganadaasi si dhex dhexad ahna ugu kala garsoorto.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arimaha Federaalka ayaa waxaa uu xusay dhibaato xoogan inuu u keenayo Soomaaliya isla markaana uu horay muddo laga joogo dhowr sano uga digay Maamulada Reer Hebel Land.

Dr.Cabdi Qaasim Ayaa Wuxa uu Daboolka ka qaaday in Dhinacyo kale ay Jiraan Fara Gelin Shisheeye oo Lagu Hayo Dalka, Taasi oo uu Sheegay Intay Tahay Mid Muuqaata.

Ugu danbayntii Dr Cabdi Qaasim wuxuu Fariin u diray Ra’iisul Wasaarha cusub ee Soomaaliya Dr Cabdiwelli Shekh Axmed oo dhawaan la filayo inuu soo dhiso Golaha wasiirada Xukuumadiisa.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….

Dhageyso Madaxweynihi Ee Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (24)

  1. Bisinka war odeyga cankiisa ma dhaawacbaa mise Anaa Mooday war ila fiirsha Caadi ma”aha…

  2. fartuun says:

    ilaahoow adeer c/qaasim indho naxariis udenbidhaaf amiin

    @amir nur f h sade

    walal dhaawac maahane waxaa ku aadan makarafonka oo madaxasare kacas
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk police man ma indhoyareeysay

  3. Fartuun
    Kkkkkkk,waad mahadsan Tahay wallahi qof yahay Caadi ma tihid weli maxasuusataa police man kkkkkkkkkkkkk,
    You have good memory bravo singorina…….

  4. nirig-naaf says:

    Cabdiqaasim waa madaxweynaha keliya ee adduunka soo maray oo in dawladdiisu ay shaqayso aan rabin! Waa arrin maangad ah, waase run!!!

    Waa ninka xilligii madaxweynennimadiisa aan haba yaraatee isku deyin soo celinta qarannimadii! Waa ninka isagoo iska fadhiya gurigiisii gambaleelkii ku yeeray oo la yiri ” cabdiqaasim 4-tii sano waa ay dhammaatay!”

    Waa ninka markuu is garab dhigay danta qabiilkiisa iyo danta qarannimada Soomaalida ay la weynaatey tan qabiilkiisu! ……….Sidee bey ku dhacday?! Wuxuu ogaadey hadduu isku dayo in uu qarannimadii soo celiyo in ay reerkiisa isku dhacayaan, maadaama ay ahaayeen kuwa jidgooyada ku ahaa soo noqoshada sharaftii qarannimo! Kolkaas ayuu go’aansaday intii ay reerkiisa isku dhici lahaayeen in ay Soomaalida ka khasaarto 4 sano!!

    In uu sida aan sheegay ahaa waxaad ku garanaysaa, kuwo afka ka xumbaynaya ayaa weerar ku soo qaadi doona qoraalkayga! Isaga laftigiisa waxyaabihii wax ka xumeeyey waxaa ugu weynaa in uu ka soo jeedey dadka qoraalkayga ku soo qamaami doona!

  5. JUBBA ASAL says:

    Nirig.Naf

    Waa runtaa Cabdiqaasim wax badan muunan qabanin, laakiin waxaa si weyn uxagal daaciyey dagaal oogayaashii uumadaxda u ahaa, uguna weynaa, C.laahi Yuusuf Yeey.

    • nirig-naaf says:

      Jubba

      Qoraalkayga waxaan ku sheegay in uusan isku deyin in uu wax qabto. Haba yaraatee wax aad eedayntayda ku burineysid ma aad keenin. Taa beddelkeeda adiguna nin kale baad eedaysay! Sheekadiiba sow caraatan isuma rogin?

  6. ali says:

    Abdi Qaasin inta uusan khilaaf dowladeed iyo kalsooni ka hadlin maxay tahay sababta uusan uga hadal dhibka ka jira Sh/hoose oo waliba ragga wada uu adeer u yahay aana hubo haddii uu la hadlo wax ka maqli karaan, inta uu ka hadlaayo dhibka dhex yaalo madaxda marka la eego dhibka ka taagan shabeelooyinka aan laysla bar bar dhigi karin,

    malaga hayaa hal maalin asagoo yiri war dhibka joojiya labada dhinac isku haya sh/h, khilaafka madaxda wuxuu kala siman yahay qof kasta ee soomaali ah, aniga qof ahaan Abdi Qaasim hadduu nin daacad yahay waa in arintaa si deg deg ah u galaa haddii dhinaca Goobaale uu maqli waayo uu ka cadeeyaa media aha, intaa hadduusan sameen warkiisa kama duwana warka Geedi

  7. macalin J says:

    Abdulqasim wuxuu yiri , wxaa fiican in villa wardhiigley laga soo magacaabo gudoomiyayaal ismamul goboleedyada oo tastuurka lagu qoro kkkkkkk waa wax lagu qoslo , waxa uu ka turjumayaa aragtida xasan culusow macnaha wixii soomaalidu 15 sano oo ugu dambaysay ay ku heshiisay waa in badda lagu daraa.
    Waa sababta dagaalada soomaalidu ay u soo noqnoqonayaan, waa howshii hada ka socotaa shabeelooyinka, hiiraan iyo gobolada dhexe ee la doonayo in lagu duulo dhul shacabka soomaaliyeed ayadoo lagu qabsanayo oo lagu gabanayo magac dowladeed. Abdulqasim laftiisaa isku deyey sanadku mar kuu ahaa 2000 kun mamulkii carta ee fashilmay asagoo waliba awoodi waayey in uu fariisto Villa wardhiigley, waa tii uu xafiis ka dhigtay guri ku yaal xaafadii ex hodon, waxaad moodaa in C/qaasim la taliye u yahay Xasan culusow kkkkk sababtoo ah xasan culusow wuxuu masraxa siyaasada la soo fuulay uun siyaasadii C/qaasim ku fashilmay ee ahayd in mooryaanta lagu fasaxo shacab soomaliyeed oo nabad u degan.in kastoo xaaladda Soomaaliya ku sugantahay ay ka duwantahay tii wadanku ku sugnaa 14 sano ka hor.C/qaasim wuxuu kale oo uu si aan toos ahayn uga hadlay awood qaybsiga Raysal wasaaraha iyo Madaxwaynaha , asagoo si aan toos ahayn carabka ugu dhuftay in ay tahay Madaxwaynaha Awood la siiyaa u ku cayrin karo Raysal wasaraha oo axdi qarmeed cusub lagu qeexaa.
    Hadaba waxay qolyahaaani ilowsanyihiin nidaamka Soomaaliya ku soconayso in hore looga heshiiyey oo Baarlamaan iyo madaxwayne iyo golaha fulintaba lagu dhaariyey in ay nadaamkaa Ummadda soomaaliyeed ku heshiisay Federalka ah wadanka lagu maamulo , wixii inaas ka soo haraa waa (non and void) waxaan waxba ka jirin! waqtiga uun baa Ummadda soomaaliyeed laga luminayaa si loo abuuro xaalad ah, wadanku meeshii uu joogay 2000 kun ha lagu celiyo ama Qaramadda midoobay ha la wareegeen sababtoo ah wadan hadii uu 25 sano kabadan uu dowlad la’aad Qaramadda Midowbay waxaa u yaal sharci oranaya waa in la galiyaa wax la yiraahdo” Trusteeship” maxmiyad oo macnaheedu yahay in wadankaa gabigiisaba Qaramadda Midoobay ay la wareegto Dhul. Cir iyo Bad ba oo ama wadamadda deriska ah loo qaybiyo ama hadana xal kale la fiiriyo.

  8. ali says:

    juba
    waa runtaa in uu dagaal ogayaashii uu ugu waynaa Yeey uu mucaaraday taas ma u noqon kartaa wax qabad la’aantii Abdiqaasim marmarsiinyo, miyuusan ogeen in la mucaaradi doono lala dagaali doono, hadduu ogaa soo ma aheen in uu la yimaado yeeshana karti uu kaga hor yimaado iyo siyaasad uu qaarkood ku soo dhaweesto, haddii uu taas sameen waxay ku tuseesaa in uu ahaa qof karti la’aan iyo qibrad xumo siyaaadeed heshay kkkkkkkkkkkk

  9. fartuun says:

    daarood dhawaaq maanta kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. ali says:

    Fartuun
    u dhaaf ha dhawaaqeenee kkkkkkkkkkkkk ear plug haddii aad u baahatid anaa post kuu soo dhigaaya kkkkkkk marka uu sawaxanku gaaro over 65dbs

  11. jabshe says:

    madaxweyne salaansare waa runtaa dowlada shisheeye duli iyo dabadhilif ayuu dalkaan ka shaqayn la,yahay yeeysan waqti kaa lumin balaayo meesheey ka galaan ka gal

  12. JUBBA ASAL says:

    Ali

    Qodobo muhiim ah baad ka dhaajisay, ama taabatay, inkastooy faallooyin iyo falanqeyn dheeraad ah ubaahanyihiin.

  13. macalin J says:

    Fartuun. kkkkk kabiirad laashimadadowday salaan wacan,

    belo ma jidhee walax walax aa la toos toosihaa !
    horta goormaynu subcindoonaa ma juz khamiis baynu ka bilownaa talo keen hee! kkkkk

  14. ali says:

    markii la dooranayey waxaan joogay afrika dhalinyaro badan anagoo ah ayaa waxaa damacnay in aan ka faaloono ninba meel ayuu ku dhuftay, walow hamiga uu aad u waynaa haddana qaar naga mid ah waxay mar walba ku celcelin jireen meeqo shir ayaa la qabtay maxaa ka soo baxay, markaas ilaa hadda waxaan taagnahay oo uu xasn sheikh maadaxwaynuhu yahay wuxuu hayaa waa badeeco badeecana waa in aad taqaanaa sidii aad u suuq gayn laheed, haddii kii kaa hor yimaadaa la ficil tamtid waxaad gaari heer qof dukaankaaga soo gala la waayo, lakiin haddii aad dulqaad iyo samar muujisid waxaad hanan kartaa kan kuugu xag jirsan dadka,

    cunsurka soomaaliga ah wuxuu wax kula qaybsadaa waa waxa maalintaa taagan, haddii arintii taagneed maantay aad rabtid maalmo kadib in aad wax ka qabatid waxaad noqon “ninkii seexdaa siciis dibi dhalaa” madaxda soomaalidana dhibka haysta ama gobol ahaaeen ama DFS ha ahaadeen waxaysan aqoon u laheen dadka ay hogaanka u yihiin, mid walbana waa khabiir iyo la taliye marka uusan xukun hayn marka loo dhiibana wuxuu ku soo baxaa fadhiid iyo qof dadka guud ahaan aysan adaroosi karin meesha uu wax u wado oo ay ugu wacan tahay, kow aniga iyo inta wax ila wado maahee inta kale maxaa iga galay labo madax ayaan ahay wixii aan dhaho yaan laga hor imaan

  15. viva says:

    nirig naag@@@ sxb c/qaasim inusan rabin inu waxqabto wano sheegtay lakim c/laahi yusuf inusan wax qaban dalkiina cadow keenay nooshegbal war fican badno heysaaye

  16. macalin J says:

    Ali, salaan ka dib,

    Arigtidaadu Xigmad bay xambaarsantahay> ” Badeecad xumaatay”

    Badeecadu haday xumaato khasaaraheedu waa in ay ku ekaataa ninkii ka iibinayey dadka!
    Tusaale hadii badeecadaa xumaatay ay iibsadaan dad badani oo markii ay is yiraahdaan isticmaala ay arkaan in ay khasaareen, deedna ay ganacsadihii ama dukaanlihii intay u keenaa yiraahdaan noo celi oo xoolahayagii, way adagtay in uu yiraahdo anigaa khasaarayee lacagtiinii baan idiin celinayaa, waxaaba dhici karta in uu yiraahdo adinkay idin ka xumaatay oo meeshaa is marin waa ka yimaado. >> Badeecad xumaatay, ninkeeday ka xumaatay!

    Waa tusaale aad u sahlan in la isla fahmo runtii.

  17. ali says:

    Viva
    abdullaahi yusuf sax wuu keenay dalkeenii cadow, khald ma ahaa haa, lakiin aniga khalkadka waxaan saaraa labo qolo u sabab ahayd in uu cabdullahi madaxwyne noqdo kow ragii soomaaliyeed isugu tagay meeshii lagu dooranaayey khalad bay lee yihiin sababtoo ah wuxuu si cad u yiri waxaan keenaaya ciidamo shisheeye, labo waxaa khaldka labaad iska leh ragii wasiirada ka ahaa iyo baarlamaankii intii dhibka dadka lagu waday aan wax tilaabo ah ka qaban, waxaan khaladka leh kuwii ka danbeeyey ee ku eedeen jiray in uu cadow keenay oo aan weli wax tilaabo ah ka qaban, marka ma markii uu abdullahi joogay bes buu cadowgu cadow ahaa mise markii uu tagay,

    Maantay uu dhintay Yeey ilaa inta uu madaxwynaha ahaa ficilkiisa isku meel ayaan ka taagnahay, dhibkiina weli waa taagan yahay, waxay u baahan tahay yaa dadkaan ka saari kara yaase galiyey marka laga reebo asaga oo aanu wada og soonahay mooqifkiisa uuna noo sheegay in uu keeni doono, weli inta aan dib ugu noqonay oday dhaqameedkii soo xulay ragii doortay mala xisaabtanay mise mar walba hal nin iyo hal habar ayaan eedeenaa.

  18. wadaad yare says:

    @Nirig-Naaf
    Adiga warkaagu waa cadyahey oo ku saleysanyahey in ninka Hawiye madax noqda kaliya lagula xisaabtamo wax qabad la, aantiisa, kan Daarood oo fashilmana fashilkiisa Hawiye uun ka saaro.Labo gooraba Hawiyaa eedda fashilka leh!

    Fashilkii ku yimid dowladdii Kacaanka Hawiye kaligiis ayaa leh eeddeeda.Wixii ammaan ah oo ay sameysana Daaroodka aqliga badan ayaa leh.Fashilkii iyo dhibaatadii ka dhacdeyvdowladdii Cabdullaahi Yuusuf waxaa leh eeddeeda
    Hawiye. Marka doodda sidaas ah anigoo odey Hawiye ah waxaan u qaadanayaa “nin xil qaadey eed qaad”.Waanan qaadaneynaa eeddaas la ka, yahey cid kaloo wax ka qaadda.Wixii tabar ahna waan dadaaleynaa ee Ilaahey xilkaas iyo eeddaas hannagu asturo.

    • nirig-naaf says:

      Wadaadyare

      Qardajeex badan baad ku kacday! dawladdii kacaanka baad ka hadashay! Cabdullaahi Yuusuf baad ka hadashay! Hadalka sidaad rabtey baad u jiidatey, dabadeed inta targetyo smaysatay baad sidaad rabtey ugu shabbaaxtantay!

      Haddii aad arrinta ka hadleysid waxay ahayd in aad keentid waxyaabo aad ku beenineysid eedaynta aan u jeediyey CQaasim, taas oo ahayd xataa in uusan isku deyin in uu wax qabto! Dabcan, in uusan waxba qaban waxaa marag ka ah in aad xataa wax yar oo aad ku difaaci kartid u weydey! Kolkaas intaad arrimo guud isku walaaqday baad aqalka raartiisa ka dustey!

      Tan xilqaadnimada ah ee aad is-humbulidda yar ka xoqeysid, waxba ba kama qabee ma muujisay in aad raggeedii tahay?

  19. Samira says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk bal eega sidee cabdi qasim beenta uga wadaan kkkkkk!

    cabdi qasim waa masuul aan dad xasuuqin, inu madax noqdana dad u xasuuqin, dad kuma duulin, xukun kisa marku shaqeyn waayey waa ninka asiga aan dhiig daadin isaga tagay qadar Allah waxii u qoran soomaaliya wee dhacday weena socoda weena socon doonta!

    lakin duqii cabdullahi yusuf oo mar madaxweyne ii dhaha ahaay asiga oo dhib geystay oo xasuuq iyo intii xumeed geystay buu dowladiisa dhaqaajin waayey!!

    nin aan xasuuq geysan iyo mid geystay oo labadooda meeshii uga tagay bee kala yihin labada nin aan kor ku sheegay.

    waxa lagu heysto hadaan la is indho tireen waa qabilka u yahay ee ma ahan xilka u so qabtay.

    yaa la sida ??

  20. Xasan magan says:

    Qoraaladda Yam yam iyo Qadaadweyn micno in loo yeelo ma aha. Cabdilqaasim waxa uu koofiyad dhuub run ah, waxaana uu sii wadey ujeedooyinkii Caydiid oo ahaa in Somalia meel kasta iljeex ku duusho, boobaan iyo dhulbaraasina ka sameeyaan. Cabdilqaasim waa ninkii horeeyey iljeexda Qabsatey Xamar iyo Kismaayo. Waqtigiise waxa soo baxey qaadhico dhareeqyo iyo shufto qaawan oo ay ka mid ahaayeen indhacade, seeraar, Cirfo, goobaale iyo mooyaan ciidaa ka badan oo reerkiisa ah. Wax Dowladnimo kama aqoon, danta uu ka lahaa waxey inuu shacbiga Somaliyeed inuu harkii oo cad uu boobo. Kuwa hadda sheeganaya shableelada Hoose waa dixirigii uu cabdilqaasim meesha geeyey. Marka Qadaadweyn cabdilqaasim difaacaya waxa uu soo xarxariiqey mecno ma leh, sababtoo markii horeba waxba lama waydiin jirin.

    R/W Cabdiwali Baardheere uma baahna miskax qaloocan tallo ku sheeg ka yimid, sababtoo ah Mr Cabdiwali waa leeyahey Cilmi iyo caqli ku filan. Rag la taliyana isga ayaa xulan. Tan cabdilqaasim looga fadhiyo waxaa waaye: inuu Somali cafis waydiisto, reerkiisana uu u sheego : war Nagu filan intaan boobo, xadi iyo Dili karney. Ee ka soo baxa Shabeelada Hoose. Waa intaasi in looga fa dhiyo, ee ma aha inuu meskax nadiif uu qalooc ula tago.. Gabey I haya …… Soo daah.




Wararkii Ugu Danbeeyay

radio-Galjubba Dhageyso:Warkii Subaxnimo Ee Warbaahinta Allgalgaduud Media (19-April 2014).
- Apr 19, 2014
Muqdisho(AGGM): Waxaa shabakada wararka Allgalgaduud.com usoo gudbineysaa akhristayaasheeda iyo dhageystayaasheedaba warkii Subaxnimo ee Soomaaliya iyo Caalamkaba ...
qawaarijta Al-shabaab Dhageyso:Odayaal Al-shabaab ay ku Xireen Gobolka Mudug
- Apr 19, 2014
Xarardheere(AGGM):Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Odayaal ku Xirxiray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana la sheegay ...
y Dhageyso:Ciidamada Goobweyn jooga oo Diiday Dalabkii Raisul wasaaraha
- Apr 19, 2014
Kismaayo(AGGM): Sarakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo islamarkaana Kismaayo kula ...
Somalia American Extremists Dhageyso:Al-shabaab oo Xalay Weeraray Degmada Hiliwaa
- Apr 19, 2014
Muqdisho(AGGM):Koox Hubeeysan ayaa Xalay Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada DFS  ay ku leeyihiin Degmada ...
Inj_Cabdi_Jiinow_Calasow_01 Dhageyso:Gudoomiyaha Balcad oo lagu Eedeeyey Dagaal ka dhacay Degmadaasi
- Apr 19, 2014
Jowhar(AGGM): Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa Dagaal ka dhacay degmada Balcad ...
10261891_755771367790963_1678831408_n Dhageyso+Fadeexad: Wasiir ku Xigeenka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Maxamed I. Shuuriye Oo Been Qaawan Ka Sheegay Arrimaha Jubooyinka Kuna Hadlay Afka Beeshiisa Ogaadeen.
- Apr 18, 2014
Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta la hadlayey isla markaasna ...