kobciyelogo

Dhageyso: Dowladda Jabuuti Oo Sheegay In Ay Ciidamo Dheeraad Ah U Dirreyso Gobolka Hiiraan.

ismaaciil-cumar-geeleJabuuti (AGGM): Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu todobaadyada soo socda ciidamo dheeraad ah u dirayo gudaha Somalia si ay xoojiyaan ciidamada dalkiisa ee magaca AMISOM ku jooga bartamaha Somalia.

Mar uu weysi siiyay Idaacada VOA-da ayuu sheegay in guuto kale oo dheeraad ah ay u dirayaan Somalia kuwaasoo tirada ciidamada dalkiisa ka jooga Somalia ka dhiigi doono ku dhowaad labo kun oo askari.

”Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka mid ah waxaa uu ka howlgalaa qeybta afaraad ee howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Somalia taasoo ah gobolada dhexe ee dalka oo ah qeybta ugu balaaran sidaas ayaa loogu baahday in dheeraad ah la geeyo” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intaa ku darray in uu socdo qorshe milateri oo ay wadaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada Somalia kaasoo la doonayo in gobolka Hiiraan oo dhan looga sifeeyo Al-shabaab.

Golaha amaanka ee QM ayaa dhowaan isku raacay soo jeedin ka timid midowga Afrika oo ah illaa 6 kun oo askari lagu kordhiyo howlgalka AMISOM oo hadda tiro ahaan gaaraya ku dhowaad 20 kun oo askari si Al-shabaab looga sifeeyo degaanada ay weli kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Somalia, waxaana ciidamadaas ay ka kala imanayaan dalalka ay hadda ciidamada ka joogaan Somalia.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Madaxweynaha Jabuuti

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (16)

  1. Amin says:

    Adeer meshad rabto udir maleshiyo kakooban cise dhurwa ,,, wax naga ka khuseeya majiraan . Iska daa culimada ad xirxireeyso iyo canfarta ad gumaadayso.

  2. JUBBA ASAL says:

    Amin

    Saaxiib, diinta aad sheeganayso maxay tahay ee aynan afkaaga ka nabad galeynin, dadka, gaar ahaan, Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida.

    Hadalkaagan, hadal ka toosan oo ka wanaagsan ayaa jiree lasoco.

    Waxaan ku xusuusinayaa, Ismaaciil Cumar
    Geelle, isagu culimo kaliya ayuu xidhxidhay, Uhuru iyo madaxda Kenya sida xoolihii ayey Muslimiinta iyo culimadooda ugu gawracaan, Kenya guud ahaan, gaar ahaanna Mombaasa iyo Gaarisa?

    Kaliya, waxaan ku xusuusinaayey, dad qalatada Kenya!!!

  3. Amin says:

    @ Jubba asal
    Kkkkkkkkkkk أهل البيت رسول الله ( ص) ustad maxa xuman ah oo an ku hadlay ? Dictatorkan maxed udifacaysa? Waa ninka Somali iskudiray oo baraaro kugaaray! Oo isir neceb kabuuxo.
    President uhuru waa Christian Lakin kafican waxan madaxweyne iskusheegaya.

  4. JUBBA ASAL says:

    Amin

    Nin wax og matihid, sheeko fadhi kudirir hala soo shir tagin. Jabuuti marar badan bay arimaha Soomaalia halis ugu gashay, iyadoo difaacaysa Soomaaliya ayey dalal kale isku dhaceen. Shirarkii lagu qabtay Jabuuti dhamaan way guuleysteen, halka shirarkii lagu qaban jiray Itoobiya iyo dalalka kale qaarkood y fashilmeen.

    Ismaaciil, waa madaxweyne Soomaaliya wanaageeda utaagan.

    Dadku waxay isugu hiiliyaan, diin, qoomiyad, dano iyo dal. Adiga ama aan diin iyo dano Islaam iyo dad Muslim ah difaacood aan kuugu soo hagaago ama aan kuugu soo hagaago diin iyo dano gaalo difaacooda iyo duqeynta Muslimiinta!

  5. Amin says:

    @ jubba asal
    Markan si dhab ah uwada hadalo , dictatorkan jabouti waxed u araga halyel !! Waxa kugukalifay tasna wan garanaya aniga oo an wakhtibadan ku dhuminin. Anigana waxan u arka inuyahay dictator, can ku ah isir neceyb, qabyaladayste, beenaale, iskudiray, kalageeyay Somali . Anigu Kenya I yo Ethiopia wan garanaya wax a an isu nahay !!! Lakin sharka iyo makriga iga imanaya qaar kamid ah wixi la oranjiray Somalia aya igadaran kan ethiopia I yo Kenya . Jubba asal waliga ha iskudayin in mardambe la ikhayaano. Oo an XAMAR iyo xasidka kunol ben bentooda laigusiro. Sheeko ( IRIR ) masoconeyso lassoco tas.

  6. Hibo says:

    Jubba Asal

    Salaan sare suldaa, odaga Geellaa soomaali uma sinna, hiiraan uun buu u hiiliyaa, wuxuu yiri meel cagaaran oo habla cascas joogaan uun baa jabuutiyaan deeqi karta kkkkkkk

  7. JUBBA ASAL says:

    Amin

    Nin shaki iyo waswaas ka buuxo, oo waxaan jirin lagu akhriyey baad umuuqataa. Cid ku khayaantay majirto hadii aadan adigu iskhayaamin.

  8. action says:

    jabouti maxay qapan karta ayadan wa 600.000 kun adogaygan wuxu abura wax ladhaho irirism buu kudhaqmaa somalia dadka dabka kusi hurinayaya bukow kayahay wa dilal xun

  9. hani says:

    Ciidan marka jabutiyo 4 xabo ah laga keenayo maala habeeyo kuwa gobolka Hiiraan ayagaaba ka badane.

  10. Samira says:

    Hibo @
    Hablaha shabab baa Boobay dofaarada xun, waxna waa lala qaxay, Allah ha ka qabto inta hartay, kaliya aniga waxaan ku faraxsanahay in sanweyn gobolka laga ilaaliyey, intaas ba badbaado u ah ee amisom waxaa no ah soomaali un.

    Hani @
    Abaayo, waa runta in la hubeeyo kuwa gobolka joogo, sidaas ee tahay gobolada shabab joogo maanta ayaga ugu roon dhinac kasto intaan mushaar ka aheyn, hubna jabuti baa so saxiixay ee wasirka gaashandhiga baa baledweyne kula kulmay fiqi sidaasna lagu kala saxiixay heshiish, sidaas bee hiiraan 12 baabur oo dagaalka, hubka gacanta ugu so socda.

    • Hibo says:

      Samiira

      Hablihii reer ayeeyo ee raggu u heesi jireen ma afduub baa afmaroorsaday? wixii Qurux iyo qiimo leh xawaaleydii carada ku hartay Amar alle afduub baa calaf u yeeshay!!!, saasooy tahay xoolo iyo dahab iyo wax la mida oo lagu xiri karaa iska yar haddii kale macal waalidkay karbaashi, waa uun war iska qaadoo na dhaaf ee na magan geli uun. kkk

      • Samira says:

        sis, dad ka yimid gobolkii baa ii sheege dhaqan rog baahsan baa lagula kor kufay hablahii xitaa jereerti waa lagu daray oo meel kasto laga yimid, uuf uuuf, 13-14 oo labo ugu Sadax cunug wado waa la arki. Lakin alhamdulilah 80% hablahii waxaa loo waday kilik5, baledweyn ila xamar iyo meelaha kale ee aadi karaan oo amniga ah, danyarta iyo waxii haray baa laga dhaxbaxay, runtii Hiraan shabab ma ahee waxaa joogo dad si qabyaaladeesan u jihaadaayo oo magaca shabab huwan.

        waxaa dheer sixir in beesha lagu seexiyey, hada un baa la so fahmee nin Asian baa joogo oo sixir gamo, hadana odeyaashii iyo wadaada baa ku jiro sida ee sixirka loo damin lahaay, wale shabab dhinac kasto waa qabsaday.

  11. Hibo says:

    Samiiraay

    Wallaahi haddaan eedo deris nahay oon aad isu booqanno ii sheegeysey sidan camal beesheena, waa wadaadad anigana sheekooyinka beeshaan aad u weydiiyaa, eedooy iga dhaaf iyadoo leh ,waxay ii sheegtay sidaas camal sixir looga shakisan yahay iyo sida xitaa qabiillo ugu dhaarteen in aay kala fogeeynayaan mareexaan.

    samiiraay, yaa u waday kililka shanaad, dee hadda xawaadle badan baa meeshaas jiraan u malayn, sidaan maqlay reerkii loo maleeyo inay qabiil ahaaan u diidayaan wiil ama gabar dhinaca guurka waa lagu qasbi jiray abuu afduub

  12. Samira says:

    Hibo @
    Keena shaki ma ahee waxaa sixirka cadeeyn u haayo dad goobjoog ahaan oo yiri afarta samatalis iyo labo adeer bee xoolo nool inee wax ku aqriyeen ayago nool duugeen iwn balo sidaas cml bee sameyeen beeshiina waxee noqotay mid u jajaban shabab wax kasto ee sameeyaan, wadaadadii baa shaki galay iyo odeyaashii iyo waxgarad oo dhan, ileen tan markii ugu horeeysay ma ahan ee hada ka hor baa sidaan dhacday waxaana la yeelay jufo kasto iyo beesha guud oo isku yimid maalin dhan duco iyo quraan lagu jiray sidaas ku daawobeen, hada miyaadan arag mar kasto oo la isku yimaado shabab qarax inee baledweyne ka sameeyaan ?? Waxee diidan yihin in sixirka la iska daaweeyo sidaasna la isaga kor qaado.

    Beelaha waaweyn ee ka cabsadaan inee ku so jeestaan sixir baa loo wada duugay siiba lo’ nool oo la aaso baa la ii sheegay oo jufooyinka waaweyn lagu aqriyo. Yaab.com

    huuno, kii shabab gabadhiisa u diido abaheed baa ugu horeeyo oo togasho ku xukuman marka ma diidi karaan inee dheereeyaan mooye. xawaadle hada kuwa hiiraan dago iyo kuwa kilik5 dago waxaa maanta badan kuwa kilik5 dagan sidaas aan ka wado 70% gobolka wee ka qaxeen shabab awgeed. dagmooyinka ee heystaan waa la cidleeyey guryo dad ku jirin bee noqotay waaba qeyb ka mid ah sixirka anagana kuma jirnee mid xun baa nalagu aqriyey ee maanta heer waxaa la gaaray la iska guuro bila micno. hada waa la tashtay in sixirka la iska fujiyo waligood qarax hala so ordaan marka sixirka la iska fujiyo meeshee galaan hala eego. Shababka hiiraan afar hadii loo dhigo Sadax waa dad kor ka yimid Hal qeyb baa reer hiiraan ah.

    mareexan ayagana sidaan fahmay waa sixiran yihin ee waa Kaas kala fogaaday dhaxdooda, meel ee u jeedan iyo waxee maagan yihin aan la aqoon, labadii dagmo oo ugu waa weynaa ee shabab ka kaci la’yihin baardheere iyo buurdhuubo marka sixirka hala iska wada qaado, anaga buulo burde bee joogan sixiroole kala duwan dad baa so Arkay lama so niyad jabay xawaadle xaaladooda.

  13. Samira says:

    Hibooy miyaadan arag inaan target nahay? Maalin kasto odey iyo waxgarad baa baledweyne lagu toogta iyo wadaad, waxeena u sameeyaan in sirtooda la helay oo la iska fujin Rabay, gobolada dhan ee heystaan waxaa ugu dil iyo qarax badan hiiraan waxaana sabab u ah august bee beesha isaga timid gobolada dalka iyo wadamada dariska ayaga oo Rabay inee duco aqrisataan weena sameyeen hadana mar kale baa lagu celin rabaa ila sixirka lagu guuleysto in la iska fujiyo lakin ayagii baa qarax iyo dil nagula dhax wareego.

    • Hibo says:

      Samiiraay

      abaayo I believe beelaha waaweyn Allaa weyne oo dagaalyahamada ahaa in lugta laga wada xiray si ay ugu hoggaasaman oo u oggolaadaan waxyaabo aan lagu kari lahayn hadday caadi yihiin. Eeddo waxay ii sheegeysey oday meelaha socsocda oonan anigu arag oo yiraa car mareexaanoow waxaad doontaan sameeyoo mar dambe isu imaada, waxyaabo buu intuu tiriyo yiraa intaasba waad beesheen idinkna intaas baad dad tirteen. samiiraay ma garanayo maybe anigaan dadka sidaa u dhex geli jirin miyaa laakiin mareexaankii aan arki jiray ee martida noogu iman jiray ama ehelkaba iyo kuwa aan hadda arko isku noocba maahin inkastoo dagaalku dadka iyo dalkaba saameeyey oo la is wada beddelay. i hope siday ciddiinnu u garatay in dhib jiro ooy quraan isu saarayaan in mareexaanna Alle garadsiiyo ooy quraan isa saaraan insha Allah. Thanks for sharing with me xabiibti, I appreciate.




Wararkii Ugu Danbeeyay

kis QM oo beenisay in shaqaalaheeda kala baxeyso Soomaaliya
- Apr 24, 2014
Wakiilka QM arimaha Soomaaliya Nickolas Kay ayaa beeniyey shir Jar’id uu ku qabtay xarunta ...
radio-Galjubba Dhageyso:Warkii Subaxnimo Ee Warbaahinta Allgalgaduud Media (24-April 2014).
- Apr 24, 2014
Muqdisho(AGGM): Waxaa shabakada wararka Allgalgaduud.com usoo gudbineysaa akhristayaasheeda iyo dhageystayaasheedaba warkii Subaxnimo ee Soomaaliya iyo Caalamkaba ...
cabdi-qeybdiid Dhageyso:Madaxweynaha Galmudug oo Dhalinyarada kulan la qaatay
- Apr 24, 2014
Gaalkacyo(AGGM): Madaxweynaha Maamamulka Galmdug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kulan looga hadlayo Amaanka la ...
wariye_walaalkiis_Qurun-620x330 Dhageyso:Taliska Booliska Somalia waxaan Sameynay Ciidamo Gaar ah
- Apr 24, 2014
Muqdisho(AGGM):Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Genaral C/xakiin Daahir Saciid”Saacid”oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ...
dhaqan-jowhar-5 Dhageyso:Dowladda oo Beenisay hadalka Al-shabaab
- Apr 24, 2014
Jowhar(AGGM):kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe ee Dowladda Soomaaliya Cali Cismaan Ibraahin  ayaa sheegay in ...
Abuu-Muscab-111-500x315 Dhageyso:Al-shabaab oo sheegay in ay Fiidow dib ula wareegeen
- Apr 24, 2014
Afhayeenka Al-shabaab u qaablisan Howlgalka Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaal ka ...