kobciyelogo

Xog Dhab Ah:UN Monitoring Group Oo U Yeertay Khadiija Ilkacas, Shariif Xassan, Mahad Cawad, & Siyaad Maxamuud Shire

war-h2Muqdisho(AGGM) Hayádda Monitoring Group oo loo asteeyey ka hortaga colaadaha, xasaradaha & musuq-maasuqa ayaa madax ka tirsan hayádaasi waxey maalinimadii shalay u yeereen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, agaasimaha madaxtooyadda & qunsulka safaaradda Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxaana xubnaha loo yeeray ay qeyb ka ahaayeen Guddigii madaxweyne Xassan Shiikh u magacaabay in ay lacago u qeybiyaan baarlamaanka mooshin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shire (Saacid).

Kulankan oo ka dhacay xafiis hayádaas ku leedahay deegaanka Xalane, waxaa ka hadlay Dr. Jarat Chopra oo ah xiriiriyaha guud ee Hay’adda, wuxuuna kaga digay xubnahan in hayáddu ay indhaha ku haysay dhacdooyinkii siyaasadeed ee u dambeeyey ee Muqdisho ka dhacayey, ayna u aragto in xubnahani lacagaha ay xildhibaanada u qeybinayaan in aysan aheyn kuwa sharciyad ku fadhiya, laguna tilmaami karo musuq-maasuq (corruption) ay ji-deynayaan.

Jarat Chopra wuxuu sheegay in hayádda Monitoring Group ay ka digeyso in xildhibaanada baarlamaanku & masúuliyiinta hayádaha dowladda ay ku ku lug yeesheen musuqmaasuq, isaga oo tilmaamay in haddii xubnahaasi ay ku sii jiraan howsha ay ku jiraan ee ah lacagaha laaluushka ah ee ay xildhibaanada u qeybinayaan in hayáddan u aqoonsan doono qaswadayaal.

“Waxaan uga digeynaa shaqaalaha dowladda & xildhibaanda in ay ka digtoonaadaan marxalada adag hadda lagu jiro, lana ixtiraamo dastuurka dowladda ay ku shaqeyneyso” ayuu yri Jarat Chopra.

Khadiijo Ilkacas oo kulankaasi ka hadashay ayaa beenisay in ay lacago xildhibaanada u qeybiyeen, waxaana masúuliyiinta hayáddu sheegeen inay hayaan cadeymo rasmi ah oo muujinaya in xubnaha ay u yeertay ay ka mid yihiin xubnaha ku lugta leh howsha musuq-maasuqa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. samatar says:

    waar islaantini ma araweelada cusubbaa,waamaxay

  2. Xiddig says:

    Waa maxay laaluushkan aan la qarsanayn yaab.com, oo xitaa lama sarbeebayo show, teeda kale halkaa waxaa ka cad in aynaan xor ahayn ee aan maxmioyad ku jirno. Alloow sahal.

  3. samatar says:

    xiddig
    intii aqalkaga laguugu yimado ayaa laguodhan ,sxb hoo lacagta ,codkana nasii

  4. Badhaadhe says:

    Dee xidigow anaga ood nadhahdan yaa siyasad idin baray dawladan waxanu aragnay markii la doortayba yabaal ban ka qaadnay lkn idinku hadad la yabantihiin.

  5. JUBBA ASAL says:

    @ Samatar, Xiddig, Badhaadhe, Abuudar

    Waan idin wada salaamay.

    @ Samatar

    Dhib ka jira waxaa weeye, aniga iyo adiga, iyo inta kale ee meeshan ku sheekeysata toona, cod malihin. Sidaa darteed, cidna inama odhanayso hoo lacagta, codkana nasii.

    Dacaayaddu baryahan aad iyo aad bay ubadantahaye, bal marka dacaayad lasoo qoraayo, hala yara kala shaandheeyo, si ay run ugu ekaato. kkkkkk




Wararkii Ugu Danbeeyay

10261891_755771367790963_1678831408_n Dhageyso+Fadeexad: Wasiir ku Xigeenka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Maxamed I. Shuuriye Oo Been Qaawan Ka Sheegay Arrimaha Jubooyinka Kuna Hadlay Afka Beeshiisa Ogaadeen.
- Apr 18, 2014
Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta la hadlayey isla markaasna ...
bare iyo xiirane Maqaal+Dhageyso:Maxaa kaaga baxay wadahadalada RW Cabdiwali, Col.Barre Hiiraale iyo Horjooge Axmed Madoobe(Qalinkii Eng. Samatar)
- Apr 18, 2014
Soo maray ayaa ah shaqsi ay Soomaalida gobolada Jubbooyinka taageero weyn u hayaan, islamar ...
kismaayo21 Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Nin Rayid Ah Maanta Ku Dilay Kismaayo Iyo Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
- Apr 18, 2014
beeleedka Raaskambooni gudaha magaalada Kismaayo iyada oo uu ku usgan yahay Cabdiweli Sheekh Axmed. Warkan ...
sandheere Dhageyso Been-tan: Ex Danjire Sandheere “Ciidamada Amisom Ee Kenya Waxa Ay Dalbadeen In Ciidamada Soo Galaya La Baro Xuquuqul Insaanka Mudo 14 Maalmood Ah Iyo Ciidamada Goobweyn Beri Ayay Soo Galyaan Kismaayo.
- Apr 18, 2014
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Warbaahinta uu uga waramay wararkii ...
top-news Beesha Xawaadle oo ku tilmaamtay Maamulka KMG ah ee Juba mid fashilmay oo aan loo dhammeyn.
- Apr 18, 2014
kulan ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Muqdisho , waxa ay ku sheegeen in ka ...
xiirane11 Dhageyso Waa Heesteena Caawa Iyo “Alla Jab-baa Ku Dhacayee, Jawaabtina Waa Sidan”.
- Apr 18, 2014
Dhacayee, Rabi Jabi Anana Jabinee, Weligooodba Way Jabiye". [audio mp3="http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/04/Alla-Jabbaa-ku-dhacayee.mp3"][/audio] Ninki Dadkiisa Isku Daya Inuu Iibsado ...