Ka Hortagga Cudurka Cagaarshawga B Iyo Habka Loo Daweeyo! Q1AAD

HumanBodyQoramada caafimaadka ee had iyo jeeraale aan marba ku soo qaadanno cudur, ayaan sidii aan hore ugu hadlnay Sokowraga iyo Dhiig karka, ayaan qormadan ku eegayaa cudur kale ono isna aan ka halis yarayn labadaa, aadna ugu badan bulshadeenna dhexdooda.

Cudurkan inta uu hayo waxaa ugu daran dhallin badan oo deeqo waxbarasho oo dibadda ay ka heleen ku waayey waxbarashadii cudurkaa awgii, taa oo run ahaan ah xanuun iyo murugo inteeda leg, in ubaxii dalka berri u soo bixi lahaa ay waxbashada ku waayeen kaliya inay xanuunkaa qabaan, oo dabcan ah siyaasad caafimaad oo dalalkaa u yaal, oo aan annagu faraglin karin.

Waxaa ujeedka qormadu yahay in waalidka iyo dhallinta lagu baraarujiyo halista cudurkan uu leeyahay, ka sokowna maamulka dugsiyada ay aradadu dhigtaan, wasaaradda caafimaadka iyo laanta taallada qaabilsan inay xil gaar ah iska saaraan arrinta caqabadda ku ah aradaa iyo in badan oo umaddeenna kamid ah.

Waxaa lagu qiyaasay ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool inuu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya  cudurka Cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida waddamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe, Bariga Fog, Koonfurta iyo Bariga Yurub.
Waa Maxay Cagaarshowga B?

Cagaarshowga B waa Infekshan ku dhaca beerka oo uu keeno Infekshin Fayruseed. Beerku waa waax weyn oo ku yaal Feeraha hoostooda, ee ah dhinaca midig ee Caloosha korkeeda. Wuxuu leeyahay hawlo badan, oo ay ka mid ka yihiin samaynta xameetida shiidda dufanka, samaynta walaxo kaa caawiya dhiig xinjirowga iyo ka saaritaanka daroogada iyo sunta jirka. Waxa jira dhowr nooc oo Fayrusyo kala duwan ah caabuq ku ridi karo Beerka, iyaga oo Cagaarshowga A, B, iyo C ay yihiin kuwa ugu badan. Fayrus kasta waxa u leeyahay samays leh dhaqan iyo hiddo-raac u gaar ah.

Maxaa keena Cagaashowga B?

Cagaashowga B waxa keena Fayrus lagu faafiyo taabshada dhiigga qofka qaba Infakshanka. Inta badan, waxaa la isku qabadsiiyaa wadaagga cirbadda marka la istcimaalayo isku mudka isticmaalka duroogada iyo summada ama daloolinta jirka marka la isticmaalo aalado wasakhaysan, la wadaagga cadayga ama qof qaba cudurka la wadaagid galmo aan badbaado lahayn. Cagaarshowga B sida qaalibka ah Fayruska ayaa badanaa hooyadu u gudbisaa ilmaha markay ummuleyso.

Waa maxay calaamadaha laguu garto Cagaashowga B?

Calaamadaha Cagaashowga B lagu garto waa kala duwanaan karaan, muddada Infekshanka sonkorowga ayaa noqon kara muddo gaaban ama daran (cusub) marka loo eego ka joogtada ah (wakhtiga dheer jira) oo waxaa laga yaabaa inay qof-ka-qof u kala duwan yihiin. Dad badan ayaan ku yeelan calaamado gaar ah Infekshankan uu ku yeesho jirro dhexdhexaad ah oo sida hargabka oo kale ah. Hase ahaatee, maqnaanta calaamaduhu ma aha micnaheedu in Infekshanka la xakameeyay ama uusan jirin ama dilmayba.

Calaamadaha Cagaashowga B ayaa laga yaabaa inay u ekaadaan kuwa hargabka, oo waxaa ka mid noqon kara dareen daallanaan, lalabbo, qandho iyo waliba xanuun dhinaca kore midig ee caloosha, cunta cunista oo liidata, kaadi midabka dhiin-madow xiga ah, saxaro jilicsan iyo indhaha iyo maqaarka oo jaalle noqda (joondhas).

Sidee lagu ogaan karaa Cagaarshowga B?
Dhakhtarkaaga wuxuu kugu amri doona inaad baaritaan dhiig ah samayso si loo qiyaaso jiritaanka iyo darnaanta burburka Beerka. tijaaboyinka sheybaarka uu sheegi doonana waxa ka mid noqon kara:

-Falgal dedejiyeyaasha Beerka: Sare u kaca kuwaas ayaa tilmaamaya caabuqa Beerka

-Bilirubin: Jajabka “hemoglobinta” ku jira unugyada dhiigga cascas ayuu Beerku sifeeyaa .

-Albumin: Waa burootiin uu sameeyo Beerku, heerarkiisa hooseeya ayaa muujinaya burburka Beerka

-Wakhtiga Prothrombin ama INR: Qiyaasita hawsha xinjirowga dhiigga uu saameeyo Beerku
Dhakhtarkaaga ayaa waliba ku weyddin doona taariikh caafimaadka oo faahfaahsan ee ku saabsan hadday cudurro hore kuugu dheceen qaababkii xanuunku kuu qabtay, markaana kaa wareysanaya qodobbada halista u ah Cagaashowga B sida isku tagga aan badbaadada lahayn, istcimaalka darooga la isu duro, dhiig bxixinta iyo ku dhibiddaba, dalka dhalasho iyo taariikh qoys Cagaarshowga B.

Tijaaboyin kale oo dhiigga ah ayaa go’aamin kara jiritaanka Cagaarshowga B iyo inuu Infekshanka muddo gaaban oo daran yahay mid jira ama joogto yahay. Waxay qiyaasaan antijenka (qaybo ka mid ah Fayruska Cagaarshowga B) iyo jir-difaacayaasha (burootiinnada ay sameeyaan difaaca jirku si ay u xakameeyaan ama u xaddidaan Fayraska). Tijaaboyinkan waxaa ka mid noqon kara:

-Antijen korka ee Cagaarshowga B (HBsAg): Calaamadda ugu muhiisan ee lahaanta Infekshanka

-E-antijenka Cagaashowga B (HBeAb): Heerka 2aad tijaabada lagu eegayo Fayrusyo ku dhex wareegaya dhiig sidayaasha

-Jir-difaacayaasha cagaarshowga B ee nuxur antijen (HBcAb): Antijinka korka (HBsAB), e-antijen (HBeAg) ayaa qiimayn kara muddaynta Infekshanka iyo darreen-celinta difaaca.

-DNA fayrus Cagaarshowga B: Ayaa qiyaasa qaddarka dhabta ah ee Fayruska dhiigga ku jira.
Sidee looga hortagi karaa Cagaarshowga B?
-Cagaarshowga B waa la is-qabadsiyaa, ee haddaad qabto taxadder u gal sidii aad u yarayn lahayd aafaynta dadka kale.

-Istcimaal kondhom ama ilaaliye ka hortaga markaad isku-tag iyo galmo aad samaneyso.

-Ha la wadaagin cirbadaha qofna, oo u tuur si badbaado leh.

-Gasho galoofyo haddaad ka maarmi weydo inaad taabato dhiigga qof kale

-Ha la wadaagin qofna caday ama wixii kasta ee lahaan kara dhiig ama dhacaan

-Iska hubi in wixii maqaar summadeyn ah (tattoo) ama dalooshin ah in lagu sameeyo aalado nadiif oo jermiska laga dilay.

-Tallaallada Cagaashowga A iyo B ayaa lagula talinayaa dadka halista u ah inuu ku dhaco Infekshanku.
La soco qaybta kale ee qormada
Faayo dhawre: Maxamed Cali Axmed
deeq46@live.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:- Ciidamo shaqada laga eryay oo kashifay Qorshe halis ah oo ka socda Xero ay maamulaan Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta
- Feb 25, 2017
Saraakiisha dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ku tababarra ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Qodobadii ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Sucuudiga oo la soo saaray iyo Farmaajo oo ka hadlay
- Feb 25, 2017
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Dalka Sucuudiga ayaa ...
AKHRISO:- Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland
- Feb 25, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ...
WAR DEG DEG AH:- Nabaddoon lagu dhaawacay Muqdisho
- Feb 25, 2017
Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxa ay ku ...
DAAWO SAWIRADA:- Xaaska Mid ka mid ah Ajaanibta Al-Shabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay
- Feb 25, 2017
Sirdoonka Soomaaliya ayaa Soo qabtay xaaska mid kamid ah Hogaamiyeyaasha Ajaanibta  Al-Shabaab sida ay ...
Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay
- Feb 25, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo maalimihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka ...