Caafimaadka Guud Ee Qofka Su’aalo Iyo Jawaabo. Qaybta 3aad By Dr. Ibraahim

HumanBody* Xinjir Gaduudan
* Hoos Cuncun
* Nabaro Waji
* Toxobta madaxa/dandruff
* Cudurka Carrabka
* Cudurka Sinusitis
* Caado Dhamaad
* Timo dhaca
* Dhiig ciridka
* Lug Xanuun
* Dhuun Cuncun

Xinjir Gaduudan

Su’aal: DR. IBRAHIM ilaahay kheyr ha ku siiyo. caawinta aad nacaawineyso. waxaan ku weydiinayaa DR ama cudurka i haaya waa indhaha ayaa waxa aa i fadhiya xinjir gaduud ah ma na garanayo si aan isaga daaweeyo. (da’da: 20 jir)
Mahadsanid

Jawaab: Iima aadan sheegin sida aragtidaadu tahay ama isha lagaa hayo ay wax u aragto. Sida aan dareemayo, xinjirta gaduuduudan waa mid aad aragtid oo markii aad fiirisid muraayad aad arki garto.

Taa macnheedu waxuu yahay inta badan xinjirta waxay ku taal xuubka sare ee isha.

Xinjirta gaduudan waxa ay u badan tahay in macnaheedu yahay in xido yaryar oo dhiiga qaada ay ka soo baxeen ama iskugu yimaadeen meel.

Waxaan ka xumahay in anniga oo anan arag sida ay u egtahay ama meesha ay ku taal in ay adag tahay in aan wax badan ka sheego.

Waxaan ku talin lahaa haddii ay kuu suuroobayso in aad dhakhtar tusid isha ama aad u tagdid dhakhaatiirta ku taqasustay indhaha oo loo yaqaan Ophthalmologists. Aad baad ugu mahadsan tahay errayadaadii wanaagsanaa.

Hoos Cuncun

Su’aal: Waad salaaman tahay DR.Ibraahim. Waxaan daganahay Ingriiska hase ahaatee mudo sand iyo badha ah ayaan waaxaan isku arakay hoos cuncun, mar ayaan waxaan u tagay dhaqter waxuuna iga qaaday diiga ka dibna wuxuu isiiyay cream.

Hadaba kiriim kii waan ku yara roonaaaday markaa. Inkastoo uu cuncunkii hadana igu soonoqday’Runtiina aad ayaan uga khajilay inaaan marlabaad kunoqdodo dhgtarka.

Hadaba su’aashaydu waxaay tahay maxaakeena cuncunkaa iyo inuudaawa aan creamkaa ahayn leeyahy.

Jawaab: Inta badan hoos cuncunka dadka caafimaadka qaba sidaada oo kale oo dhalinta yar waxaa ay u badan tahay in ay keento labo walaxood mid:

Fungus oo ah cudur kala meelaha jirka ee had iyo geer qoyan ama dadan. Inta badan waxuu ugu jecel yahay bowdyaha inta ka hooseysa oo u dhow xaniinyaha. Inta badan kani si sahlan ayuu u tagaa haddii lagu siiyo cream ah antifungal cream.

Tan kale bahal ma keeno ee waa cuncun la xiriira maqaarka. Inta badan kani waxaa uu sii xumaadaa xiliyada sida winterka (xiliga qaboow), sababta oo ah in maqaarku uusan biyo fiican laheen oo uu qalalo maadaama xawada ay ku yar tahay humidity. kan inta badan haddii aad si joogta ah u marsato Lotionka lagu gado farmashiyaha (maalintii laba jeer) wuu hagaagaa.

Haddii uu aad u xun yahay waxaa lagu dayaa Hydrocotisone cream oo iyaduna lagu gado farmashiyaha.

Intaa haddii ay midna kuu shaqeen waydo, waxaan kugula talin lahaa in aad ku noqoto dhakhtarkii… arrin xishood leh ma aha. mahadsanid.

Nabaro Waji

Su’aal: Dr. salaan kadib wajiga ayaa nabro iga soo baxeen marka maxaan sameeyaa? Mahadsanid

Jawaab: Waxa aad sameen karto waxay ku xiran tahay waxa keenay nabarada wajiga. Inta badan nabarada wajiga ka soo baxa waxaa ugu wacan wax loo yaqaan Acne. Oo ah cudur inta badan ku dhaca dadka dhalin yar, waxaana keena bacteria.

Inta badan cudurkaan waxaa si fudud u daaweeya kiriim (cream) loogu tala kalay. Waxaa kale oo wajiga ka soo bixi kara marmarka qaarkood waxa loo yaqaan eczema oo ah maqaar cudureed aan inta bada dhibaato kale keenin. Sidoo kale isaguna waxaa lagu daaweeyaa kiriim loogu tala kalay.

Waxaad u baahan tahay in aad aratid dakhtar kuu qora dhawada kugu haboon. haddii nabarato ahaan lahaa yeen kuwa ku yaal jirka intiisa kale, waxaad isku dayi kartay kiriimyaha lagu gado farmashiyaha oo aanan u baahneen in aad dhakhtar arragtid, lakiin wajiga xaalkiisu waa gaar sababta oo ah in aadan dooneen in dhibaato wajiga kaa gaarto.Mahadsanid.

Toxobta madaxa/dandruff

Su’aal: Asalaamu claykum waraxmatulaahi walaal su aashaydu waxaa weeyi hadii aan kuu faah faahiyo sidan walaal waxaan madaxa ku leeyahay toxob macnaheedu waxaa weeyi marka aan fedho ama aan shan leesto waxaan isku arkaa wax cad cad oo ka soo ruqaya madaxa markaa daawadeedu waa maxay?

Jawaab: toxobta madaxa ama qolofta madaxa ka baxda waxaa inta badan keena laba arrimood mid

1) Wax la yiraahdo Hyperkeratosis- oo macnaheedu yahay maqaarka saaran madaxa oo si fara badan isku badala. marka waa xuubka dhintay kan aad arkeyso oo markii aad sanleesato soo bidaya.

2) Cudur fudud oo uu keeno waxa loo yaqaan FUNGUS. Taasoo keenaya in xuubka madaxa saaran uu si deg deg ah u dhinto sida tii hore oo aan kor ku xusay. marka sidee wax looga qaban kara?

Haddii xaalku yahay tan hore, inta badan waxaa la isticmaalaa Shampoo loogu tala galay (dandruff shampoo). Waxaase muhiim ah in qofku isticmaalo shampooka si joogta ah ugu yaraan labo jeer asbuucii.

Dadka badankood waxay isticmalaan hal ama laba jeer ka dib way joojiyaan, marka haddii uu cudurka soo noqd waxay dhihi shambookii wax tari waa.

Tan labaad haddii uu xaalka yahay, waxaa qofku isticmaali karaa waxa la yiraahdo ANTIFUNGAL Shampoo. Oo ah shampoo u baahan in dhakhtar kuu qore inta badan. tan mudo yar ayaad isticmaaleysaa (inta dhakhtarku ku siiyey), ka dib umma baahaneysid haddii cudurka dhamaato.

Labadaan arrimood haddii ay shaqeyn waayaan, waxaa inta badan haboon in haddii ay kuu suuroobayso arragtid dhakhtarka maqaarka (dermatologist). mahadsanid.

Cudurka Carrabka

Su’aal: Asalaamu calayukym waraxmtul Lahi wabarakat. W. Dr. Ibrahim waxaan doonayaa in aad iisheegto cudur carabka ku dhaco oo sida baaraysi oo kale ah ku samaysmo oo markii shaah ama wax kulul uucabo qofkaasi xanuun yeesho waana carabka dushiisa oo war wareeg yar yar iyo mid waa waynba yeesha mudo sanad ka badanna uu sidaa ahaa. dhaqtarka dhagaha iyo quumanka ayuu utagay wuxuu yiri furshada ilkaha ee macjuunka (siner 2) ha isticmaalin. fadlan Dr. Ibrahim maxaad ka dhihi lahayd cudurkaas?

Jawaab: Ma hubo in aan wada fahmay shu’aasha. Laakiin aan uga jawaabo sida aan u fahmay. Waxaa qofka lagu arkay cudur carabka ah oo ay qofka dhibaysaa cuntada. Dhakhtarkuna waxuu u qorey daawo mineral ah.

Taas macnaheedu waxaa weeye qofka waxaa ka maqan macdan gaar ah oo calaamadaheedu ka mid tahay carrabka oo wax yeesha. Inta badan cudurada macdanta iyo vitamins waxay keenaan dhibaato lagu arki karo carrabka. sababta waa sidaan (hoos kuqoran).

Carabka waxaa ku dadan unugyo (cells) had iyo jeer badalma oo si deg deg ah u dhinta kuwo cusibna ay u soo dhashaan. Maadaan dhalashada unugyada cusub ay u baahan tahay nafaqooyin gaar ah oo ay ka mid yihiin macdan badan iyo vitamins badan, carabka si deg deg ah ayaa looga dareemaa inta jirka intiisa kale aan wax laga arag.

Waxay ilaa egtahay in daawada dhakhtarku qoray ee tahay mid loo baahan yahay in ay u suuro galiso carabka in uu daawoobo.

Waxaa kaloo mar mar dhacda in haddii uu qofku allergicku yahay wax ku jira raashiinka, carabku uusan u dulqaadan karin oo unugyadu (cellsku) si deg deg ah u dhimanayaan. Markaas baad waxaa arki meelo koob kooban oo gaduud ah oo aad moodo in carabka bidaar yeeshay.

Laakiin inta badan way iska buskoodaan. Haddii aan gafay su’aasha nooceeda, igu soo celi adiga oo si faahfaahsan iiku sharxaya dhibaatada. Aad baad u mahadsan tahay.

Cudurka Sinusitis

Su’aal: Sidee lagu dhaweeyaa Sinustiska keena urta afka. Mahadsanid

Jawaab: daawaynta cudurka sinusitis waxay ku xiran tahay waxa keena iyo in uu yahay mid mar kali ah ama mid soo noqnoqda.

Haddii ay keento bacteria waxa loo yaqaan, waxaa inta badan qofka la siiyaa antibiotics in u dhaxeysa laba asbuuc ilaa hal bil (waxay ku xiran tahay nooca sinusitiska). haddii taas ay wax ka qaban waydo, waxaa la fiiriiyaa sinuses, (CT-scan) ayaa la isticmaali karaa (raajato gaar ah).

Ka dib waxaa qofka loo dhiraa ENT doctor oo ah kuwa ku taqasusay sanka/dhuunta/dagaha.

Waxaa mar mar ay sameeyaa qalitaan si loo safeeyo sinuseska. Laakiin, inta badan af ur kali ah waxaan oo dhan looma qabto.

Waxaan kugula talin lahaa haddii ay af urka aad dhibaato kuugu hayso in aad aragtid Dentist (dhakhtarka ilkaha), si uu u hubsado meesha dhibaatada ka socoto. mahadsanid.

Caado Dhamaad

Su’aal: WAXAAN JIRAA 42 SANNO WAXAAN MA DHICI KARTA IN AAN MENOPAUS GALO OO WAA JIRO FADLAN IIGA SOO JAWAAB

Jawaab: Inta badan dumarka waxay caadada ka dhamaataa marka ay gaaraan 50 sano. laakiin la soco waxaan iri “inta badan.” taa macnaheedu waxaa weeye in dumarka qaargood ay caadada ka dhamaato iyaga oo ka yar 50 sano. Aad iyo aad bay u dhici gartaa in ay caadada kaa dhamaato adiga oo jira 42 sano.

Sidee dhakhaatiirtu ku garanayaan in caadada dhamaatay? waxaa jira dhiig noosheega in qofku gaaray xiligaa. macnaheedu waa maxay? waa in uu jirka ka dhamaaday wax loo yaqaa “estrogen” oo u gaar ah dumarka. “estrogen”ka jirka wax buu taraa.

Markii la waayo wax yaabaha laga baqo waxaa ka mid ah 1) lafo daciif (osteoporosis) 2) qalbiga oo xumaada (emotional problems) 3) hur (hot flashes), iyo wax la mid ah.

Macnaheedu ma aha in aad isku arki doonto waxa aan soo sheegay oo dhan. Haddii ay kuu suuroobayso waydii hooyadaa ama ayeydaa haddii ay nool yihiin marka ay caadada ka dhamaatay. Inta badan waa la iska dhaxlaa.
mahadsnid.

Cagaarshooga

Su’aal: Waxaa ihaya hebitats B waxaan qaatay daawo interferon 47pcs oo injection ah welina xanuunkii waan ka cabanayaa sidaa awgeed waxaad talo iga siisaa arintaas.

Jawaab: Cagaarshooka nooca loo yaqaan Hepatitis B waa kan ugu daran. Sida aad la socoto si sahal ah ayaa loo kala qaadaa. Aad iyo aad ayuu ugu badan yahay dalalka sida Somaliya oo kale.

Waayihii hore wax daawo ah oo la siiyo cudurkaan ma jiri jirin. laakiin dhawaan ilaa iyo 5-7 sano ee aan soo dhaafnay waxaa la ogaaday in daawada la yiraahdo Interferon ay dadka qaarkii ee cudurkan qaba in ay anfacayso.

Laakiin labo dhibaato ayaa daawadaan la socota.

1) Waa iyada oo sun ah oo dhibaata gaarsiin karta jirga

2) Iyada oo aan dad badankiis uusan cudurkii ayan ka saareen. Kuwa ay ka saartana inta badan dib ayuu ugu soo noqdaa. dadka qaba cagaarshooga nooca loo yaqaan Hep. B. kuligood kuma haboona in daawadaan la siiyo.

Waxay u egtahay in dhakhaatiirtaadu garatay in aad adiga tahay qof ku haboon in daawada la siiyo.

Laakiin taa macnaheedu ma aha in ay kuu xaqiijinayso cudur la’aan. Waxaan kugu talin lahaa in aad dhakhtarkaaga ku taqasusay hepatology aad ka sugto talo.

Waxaa jirta daawo kale oo dhawan lasheegay in ay wax ka qaban karto hepatitis B. Laakiin ilaa iyo hadda si caadi ah dadka looma siiyo oo wali daraasaad baa ka socda. La tasho dhakhtarkaaga. waxaan kuu rajaynaa caafimaad. mahadsanid.

Timo dhaca

Su’aal: Ramadan kariim dr ibrahim. waxaan isku arkay mudo afar bilood ah timaha oo aad ii gurmaya maxaan ku joojin karaa, waxaa kale oo aan ku talo jiraa inaan abuuro hadii ay bidaar noqoto ee wax dhibaato ah ma ii leedahay. mahadsanid

Jawaab: Timo dhaca waxaa keenay wax yaabo badan oo ay ka mit tahay Bidaar.

Bidaarta waa la iska dhaxlaa. Laakiin inta badan haddii la baaro waa la kala garan karaa in timo dhaca uu ka imaanayo bidaar iyo in ay jirto arrimo kale oo wax laga qaban karo.

Sida kali ah ee lagu kala ogaan karo waa adiga oo lagu baaro.

Dhicana ah abuursidta wax ma ii dhimaysaa. marka hore aad iyo aad bay qaali u tahay timo abuurista. marka labaad waxaa arrintaa sameeya oo kali ah dhakhaatiir ku taqasustay (dermatologists). Dhibaata ay abuurista timaha leedahay iyaga ayaa kuu sheegi kara. mahadsanid.

Dhiig Ciridka

Su’aal: Salaamu Calaykum Dr Ibraahim iyo soomaalida kale ee soo gala qaybtan caafimaadka ee soomaalitalk. Hadaan u soo noqday su’aashaydu waa waxaa dhiig iga yimaadaa ciridka markasta oo aan cadayanayo, xitaa markii aan joogay soomaaliya saas ayaan ahaa hadaba maxaan sameeya.
Waad mahadsantahay

Jawaab: inta badan dhiig ka imaanshaha ciridka macnaheedu waxuu yahay in ciridkaaku uusan caafimaad qabin. Inta badan waxaa ugu wacan wax la yiraahdo Gingivitis.

Taas oo macnheedu yahay in ciridka ay gashay bacteria taas oo wax yeeleesa ciridka oo ka dhigaysa mid si sahlan wax u gaaraan.

Waxaad isku dayi kartaa cadayga laga isticmaalo dalalkan bariga ah oo leh daawo loogu tala kalay ciridka. haddii taas ay wax ku tari waydo, waxaa jirta daawo lagu gato farmashiyaha oo lagu luqluqdo.

Taas oo ayaduna u roon ciridka. haddii labaaad arrimimood wax ka qaban waayaan arrintaan, waxaad u baahan tahay in aad u tagtid dhakhtarka ilkaha. mahadsanid.

Lug Xanuun

Su’aal: Aslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaat salaan ka dib waxa aan rabaa in aan dr-ka waydiiyo suaashan. waxa aan ka cabanayaa lugta midig oo uu mudo laba sano i xanuunasa, dhakhtaro fara badana aan tagay laakin nasiib daro ilaa imika ma aan hayo xal aanan iticmaalay dawooyin fara badan sida;- 1-foltariin (inj) 2-cilaaj dabeeci(kawiyad, duugitan, jihaas kale) xanuunkuna ma an garanayo mar waxa lai yidhi waa irqi nisaa mar waa xidid ,laakin sifadiisu waa sidan marka aan mudo socdo waxa aan dareemayaa xanuun kasoo bilaabmaya kor oo lugta oo dhan wada gaaadhaya ahna sidii saliilyo aakale waxa aan jecelahay inaad talo i soo siiso.
wad mahadsantihiin

Jawaab: sababo badan oo kala duwan ayaa keeni kara lug xauun. Iima suuroobayso in aan karto tan keenta aniga oo aanan lugtii arag. laakiin sida aad sheegayso oo ah in markii aad xoogaa socoto ay lugta ku xanuunayso, haddii markii aad fadhiisato lugta xanuunka ka tagayo, taa macnaheedu waxaa weeye wax loo yaqaan Claudication.

Taas oo macnaheedu yahay inta badan in lugta aysan heleen dhiij ku filan.

Markii aad socoto waxaa murquhu u baahanyaa dhiij saa’id ah. haddii aysan taa suuroobeen, lugtu waxay dareemaysaa xanuun.

Markii aad xoogaa nasato xanuunka wuu tagi sababta oo ah murqihii ayaan dhiij badan u baahneed markii aad nasato.

Waa maxay sabata in dhiija yaraado? inta badan waxaa keena “claudication” in xididada dhiija geeya lugta in ay ciriiri noqdaan oo aysan nafis aheen.

Waxa ugu ween ee arrintaan keena waa sikaar cabista. Waxaase kala ee keena cuduro kale iyo da’ba. haddii aad sigaarka cabdid, iska jooji. haddii aadan sigaarka cabin, fiiri in aad arki karto dhakhaatiirta loo yaqaan vascular surgeons. mahadsanid.

Dhuun Cuncun

Su’aal: Salaanta muslinka kadib waxaan rabey walaal inaan halkan kugu soo weydiiyo su’aal caafimaadkeyga laxiriirta waxaa igu dhacay markii ugu horeysey hargab juun 2000, kedib hargab kaasoo aan noqon mid leh duuf ee dhuunta iga dhacay kedib aan noqdey qof dareemaaya dhuuntiisa iney wax marmaraayaan marka aanan wax cabeyn ama cuneyn ama hadleyn maahee inta kale waxaasna waxaan umaleeyey hilib dalqada oo aan leyga goynin sida soomaali badan ama ha bukoodo ama ha caafimaad qabee looga gooyey markaa aadbey udheer tahay iyo labada qanjir ee dhinacyada kaxiga oo iyana marmarka qaar iney wax marmaraayaan aad moodo marmarka qaarna sababta in aan qufaco xanxantadaa darteed sankeygana aad moodo in uu biyo cad ka socdaan iyo marmarka qaar oo aan ismoodo in aan hargab cusub soo qaadayo oo dhan xaraga i ololaayo sidii waxka soo dareerayaan sanka oo afka ku daadanayaan iyo marmar sidaan isleeyahay xanuunkaa dartii qanjirada hungiriga labada dhinacka ah ixanuunaan iyaguna.

Dhaqtar waxaan la’ kulmay dhowr jeer antibiotic ii soo qoreen waxaad moodeysaa 2beri ugu horeysa wax caafimaadaaya kedib sideydii baanku noqonayaa dawo aan joogto o qaatona waa dawada ilmaha leyskaga ilaaliyo oo aan bilaabay feb2000 hadey iyadu dhalineyso dhuun xanuunkana waxaan rabey inaad ii sheegto oo tayada ka yareeyneyso dawooyinka ley soo qoro raali iga ahaw su’aasha dheer ee aan ku soo wey diiyey mahadsanid

Jawaab: Waa su’aal aad u fiican. Sida aan ka dhandhansaday su’aashaada, arrinta waxaa kuugu horeysa markii uu hargabka kugu dhacay. Intaa ka hor waad fiicnaan jirtay.

Inta badan arrita aad sheegtay waxay u egtahay in ay la xiriirto waxa la yiraahdo chronic sinusitis. Taasoo ay dhici karto in markii ugu horeysay ay la socotay hargabka. Inta badan waa suuro gal in haddii aad antibiotics qaatado in ay hagaagto marka hore.

Laakiin haddii aadan antibiotics dhakhtarku kuu qoray aadan qaadan mudo dheer, si joogta ah, waxay u badan tahay in uu kugu so noqnoqdo. Waxay iila egtahay arrinta ah dhuunta aad moodeyso in wax ku socsocdaan in ay tahay wax la yiraahdo “post-nasal drip” oo ah in dheecaan uu ku daadanayo dhuunta kana imaanayo sanka intiisa hoose ee kadaal xigta (sinuses).

Inta badan hargabka caadiga ah ay ku dhaca dadka waaween ee caafimaadka qaba wax saas ah ukama tago dhuuntooda.

Waa suuro gal in cumahu xoogaa bararaan marka hargabku ku haayo, laakiin kuwaasi inta badan way hagaagaan markii uu hargabku tago. Hargabka caadiga ah antibioticska ma daaweeyaan.

Marka haddii aad markii aad qaadato antibiotics aad roonaanayso macnaheedu waxaa weeye hargab ma ahaa waxa ku haaya ee waa wax ka duwan.

Waxaan kugula talin lahaa in aad ku noqoto dhakhtarkii sidii aad iiku sheegtay aad ugu sheegto.

Waxay u badan tahay in uu dhakhtarka kaa fiiriyo sinusitis oo uu ku siiyo antibiotics muddo dheer iyo waxa kale oo la yiraahdo sudafed.

Haddii taa arrinta wax ka qabani weydo, waxaad u baahan tahay in laguu diro dhakhaatiirta ku taqasustay sanka/dhuunta/dhagaha (ENT). Ilama aha in daawada ilmo iska dhawrka ah ay keenayso arrintaada. mahadsanid.

Qore: Dr. Ibraahim

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

DHAGEYSO:- Ciidamo shaqada laga eryay oo kashifay Qorshe halis ah oo ka socda Xero ay maamulaan Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta
- Feb 25, 2017
Saraakiisha dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ku tababarra ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Qodobadii ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Sucuudiga oo la soo saaray iyo Farmaajo oo ka hadlay
- Feb 25, 2017
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Dalka Sucuudiga ayaa ...
AKHRISO:- Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland
- Feb 25, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ...
WAR DEG DEG AH:- Nabaddoon lagu dhaawacay Muqdisho
- Feb 25, 2017
Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxa ay ku ...
DAAWO SAWIRADA:- Xaaska Mid ka mid ah Ajaanibta Al-Shabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay
- Feb 25, 2017
Sirdoonka Soomaaliya ayaa Soo qabtay xaaska mid kamid ah Hogaamiyeyaasha Ajaanibta  Al-Shabaab sida ay ...
Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay
- Feb 25, 2017
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed oo maalimihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka ...