Caafimaadka Guud Ee Qofka Su’aalo Iyo Jawaabo.Qaybta 1aad By Dr. Ibraahim

HumanBody* Viral Hepatitis
* Caadada Dumarka
* Miisaanka sidee loo yareeyaa
* Depressionka [Qulubka ama Buufiska]
* Cadayga
* Flu Talaalka ah
* Xabad xanuun
* Maxaa keeni kara AIDS
Viral Hepatitis

Su’aal: waxaa jirta in soomalida dhamaantood ay qabaan,cudur aysan o gayn, laakiin ay fududaystaan inta garanaysana. Cudurkaan waxaa loogu yeeraa dhinaca soomalida, cagaarshow.oo aysan aqoon noocyadiisa. laakiin, dhinaca kale waxaa looyaqaan: hepetatis,A,B,C,D,E,F,

Su’aal: Wax Daawa ah ilaa hada maloo helay Cuduradaan beerka kudhaca?

Jawaab: Waad sidii aad u sheegtay oo cudurkaan ay somaalidu u taqaan cagaarshow qaarkiis waxaa keena viruses kuwaas oo noocyo badan leh sida aad xustay A,B,C….

Lakiin marka soomaalidu leeyihiin cagaarshow, waxay sharxayaan astaamaha lagu garto cuduro kala duwan oo ku dhaca beerka oo ay ka mid yihiin sidii aad sheegtay hepatitis (viral). Laakiin waxaa jira wax yaabo kale oo keeni kara in beerku dhibaato ay kaarto oo markaa qofku yeesho cagaarshow.

Haddii aan u soo noqdo shu’aashaadii aheed daawo ma loo lehey? waxaa jirta in dhawaan ay soo baxeen daawooyin ay ka mid tahay waxa la yiraahdo interferon oo wax ka qabata hepatitis B ama C. Waxaa kale oo jirta daawo hadda wali ku jirta baaris gaar ah oo iyaduna wax ka qabata Hepatitis B. Laakiin, sida runtii ah daawooyinkaan inta badan qof kasto wax uma taraan, dhibaatoyin kalana way keenaan.

Sidaa daraadeed ayaa inta badan qofka la siinayo daawooyinkaan waa in si gaar ah loo baaraa lana hubsadaa in uu u dulqaadan karo daawada. Marka inta badan dadka uu ku dhacay hepatitis B ama C waxaa u dirnaa dhakhaatiirta ku taqasustay beerka si loo fiiriyo in ay ku haboon yihiin in daawo la siiyo iyo in kale. Taasina waxay ku xiran tahay nooca hepatitiska ah ee qofka haya; heerka uu marayo; qofka caafimaadkiisa kale iwm. Waad ku mahadsantahay su’aasha wanaagsan.

Caadada Dumarka

Su’aal: salaamu calaykuma dr waxaan rabaa inaad ku waydiiyo cadada ama dhiiga oo iga qaldama marka waxaan rabaa in aad waxa iga sheegto waxa aan ku saxi karo dhaqtaradu waxay igu dhaheena waxaa saxo kaniiniga dhalmada looga hor tago marka arintaas maxaa ka jiro kolaye adigaa dr soomali ah bal jawaab aan ka helo (da’da: 28 sano)

Jawaab: Dumarka caadada waxay helaan inta badan bishii hal mar. Inta badan haddii aysan dhibaato jirin caadada waxay qaadataa muddo qofka uu yaqaan. culayskeedana waa mid qofku uu garanayo. waa run mudada ama culaysaka caadada qofkasta isku si umma helo.

Sidii aad sheegtay waa run in haddii cadaada ay noqoto mid ka baxsan tii qofka u caadiga aheed, dhakhaatiirtu waxay qofka siiyaan kaniiniga ilma dhalka la iskaga celiyo si caadadadu dib ugu soo noqoto caadi. Laakiin kaniinigu siduu u shaqeynayaa? si aad u fahamto arrintaan, waxaa muhiim ah in aad xoogaa ka fahamto waxa caadada keena iyo sida ay u shaqeyso.

Dumarka waxay leeyihiin ilmo kal (uterus) kaasoo ay la socdaan meesha ukumaha ka soo baxaan (ovaries). Waxaa ovaries ka soo baxa dheecaamo loo yaqaan estrogen iyo progesterone. labaadaan dheecaan ayaa inta badan la xiriira ilmo kalka iyaga ayaana xukuma caadada.

Kaniiniga ilma dhalka waxuu ka kooban yahay labadaan dheecaan oo la isku daray. Marka haddii qofka kaniinika la siiyo, waxay si toos ah u xukumayaan xiriirkii ka dhaxeeyey ovarieska iyo ilma kalka. Maadaama kaniiniku leeyahay in laqaan oo ah labada dheecaan aan kor ku soo xusay, si caadi ah ayaa loo xukumi karaa caadada taasoo aanan u baahneen tii gudaha laga xukumay. Marka waa sababtaa tan yeelaysa in dhakhaatiirtu isticmaasho kaniiniga ilmaha. Laakiin waxaanan si fiican ilaa iyo hadda loo aqoon wax yaabaha keena in caadadadu noqoto mid aan caadi aheen.

marka, waxaan kugula talin lahaa haddii aad aragtay dhakhtar oo la hubsaday in aadan uur laheen dhibaato kalana aysan jirin, oo ay ku taliyeen in aad isku daydo kaniinika ilmaha la iskaga celiyo, arrintaa waa talo maskax gal ah.

Miisaanka

Su’aal. Dear Dr. Ibrahim, waxaan ahay gabar jirata 35 sano. Waxaan daganahay wadanka Amerika. Waxaan dhawaan arkay dhakhtarkeega. Waxuu ii sheegay in caafimaadkeygu fiican yahay laakiin, aan u baahahay in aan miisaanka iska rido. Annigu iskuma arko in miisaankeygu badan yahay, mana garanayo inta aan u baahanhay in uu noqdo miisaangeygu. Arrintaan wax ma iiga sheegi karta?

Jawaab. Su’aashaadu waa mid aad iyo aad u muhiim ah. Waxay leedahay qey ku saabsan caafimaadka iyo qeyb ku saabsan dhaqanka. Sida aad la socoto miisaan badnida aad iyo aad ayey ugu badan tahay dalka USA (American). Boqolkiiba waxaa miisan badan saaran yahay ugu yaraan kontan iyo afar (about 54%). Marka waa arrin (ama tiro) aad iyo aad u fara badan.

Dhinaca caafimaadka haddii aan ka hadlo, miisaan badida waxay leedahay arrimo badan oo caafimaadka wax u dhima. Taasi waxay ku xirinitahay inta miisankaagu la egyahay. Inta aanan kuu sheegin inta ay ururada ay ka midyihiin world health organizationka (WHO) ay u arkaan in qofka miisaankiisu noqdo, aan kuu sheego caafimadka dhibaatada la aamin sanyhay in miisaan badinta u keento.

Miisaanka badan waxuu keenaa cuduradan:

Wadno xanuun (heart disease);
Kaadi sokorow (diabetes);
Kaanser (cancer)
Lafa/xibno xanuun (arthritis)
Hurdo xumi/neefwaa (Sleep apnea) iyo wax la mid ah oo fara badan.

Aqoon yahano badan ayaa aaminsan in qofba qofka uu ka miisaan badan yahay uu halis u yahay in uu hor dinto (increased mortality).

Haddii aan u soo noqdo arrintii aheed, meeqa ayuu miisaangeeku ku haboon yahay, waxaa miisaan badinta loo qeybiyaa 3 darajo:

Inta u dhaxeeysa 25-29 kg/m2 waxa ay dhahaan BMI oo aan dib kuugu sharxi doono.
In ka badan 30 kg/m2
In ka badan 40 kg/m2.

Waxii ka yar 25 kg/m2 waxaa loo haystaa in aysan cudur badan keenin. Miisanka markii uu ka bato 29 kg/m2 waxaa si too ah wax ugu dhimayaa caafimaadka. Miisaanka haddii uu gaaro 40 kg/m2, xaalka waxuu u badan yahay in uu halis noqdo dhinaca caafimaadka.

Hadaba su’aasha waxay tahay sidee aan u garta BMI keega? waad is miisaameysaa.

Waxaad miisaankaaga u badelaysaa kg (kilogram); sidoo kale waxaad fiirinaysaa dherarkaaga oo u badalaysaa miters oo labajibbaaran (square). ka soo qaad in aad tahay 200 oo bound. dheerarkaaguna uu yahay 6 feet.

Waa maxay BMI kaagu? miisaankaagu waa 91 kg. dheerakaaguna waa 1.8 meters. Marka waad squarekareen (labajibbaar) meters taas oo noqonaysa 3.24.

Marka waxaad isku qeybin 91 kg/3.24 m2= 27 kg/m2. marka BMI kaagu waa 27 kg/m2.

Waxaana ugu haboon 25 kg/m2 iyo waxii ka yar. Maadaama aad hadda baratay sida BMI kaaga loo soo saaro, waxaad u baahan tahay in haddii uu BMI kaagu ka dheeryahay 30 kg/m2, in aad la tashato dhakhtarkaaga sidii aad miisankaaga hoos ugu dhigi laheed.

Waad ku mahadsan tahay su’aashan wanaagsan ee aad iyo aadka u muhiimka ah ee aad weydiisay. Dr. Ibrahim.

Depressionka

Su’aal: Asalaamu caleykum DR Ibraahim Marka hore Ilaahay kakaa abaal mariyo sida aad dadka suaalahooda uga shaafinaysid.

Su’aal: Waxaa i haya depression oo weligay marbaan dawo u qaatay (lix bilood baan dawada qaadanayey oo Ah ZOLOFT) markaan 25 beri dawada qaadanayey baan roonaan dareemay, markii ay dawadii iga dhamaatayna waan fiicnaaday mudo 8 bilood ah, iminkase xanuunkii wuu igu soo laabtay.Arinta xanuunkaas igu ridayna ma aha mid maskaxdayda ka baxaysa inuu Ilaahay ii naxariisto mooyee. Marka walaal hadaan dawooyinka depressionka weligay iska qaato wax dhibaato caafimaad ma ii keenaysaa, maxaade igula talin lahayd. Mahadsanid. [Da’da: 41]

Jawaab: Marka hore waad ku mahadsantahay erayada wanaagsan. Depressionka cudurka la yirahdo waa mid aad ugu badan dadka, aanana ku yareen somaalida. Waxaase inta badan dhibato ka imaataa dadka badankood oo aanan aqoon fiican u laheen cudurkaan. Somaali ahaana inta badan luqadeena kumaba jiro. Laakiin taas ma aha macnaheedu in depression uusan ku dhicin somalida. dadka intooda badan maba jecla in ay ka hadlaan cudurkaan xitaa markii ay fahmaan in ay qabaan. Waana cudur aad iyo aad u sahlan in la daaweeyo. marka waad ku mahadsantahay su’aashaada muhiimka ah iyo daacadnimadaada. waxay ilaa egtahay in aad aqoon fiican u leedahay cudurkan.

Haddii aan u soo noqdo su’aashaadii, marka hore cudurka depressionka ah waa cudur intiisa badan joogta ah. Taa waxaan ula jeedaa, waa sida kaadi sokorowka oo kale oo ma aha inta badan wax inta mar ladaaweeyo iska tagaya oo aan soo noqoneen. Inta badan dib buu u soo noqdaa. Taa macnaheedu waxaa weeye in dadka qaarkii ay u baahan yihiin daawo joogta ah.

Daawooyin fara badan ayaa loo isticmaalaa cudurkan, dhibatada ka imaan karta daawada (side effects) waxay ku xiran tahay mida aad qaadanayso. markii ay noqoto dhibaatada ka imaan karta daawooyinka depressionka loo qaato, waxaad uga fakari kartaa labo qeybood

long term side effects- oo ah dhibaatoyinka mudo dheer ka dib imaan kara
short term side effects- oo ah kuwa mudo dhow imaankara.

Haddii aan ku bilaabo tan labaad, dhibaatoyinka ka imaanaya daawada depressionka sida Zolot inta badan waa wax haddii uu qofka joojiyo daawada iska tagi kara- waxaa ka mid ah miisanka oo dadka qaarkii ku bata; dadka qaar waxay ka cawdaan hoos u dhaca xiisaha dumarka ama raga, iwm. Inta badan haddii aramaha sidaa oo kale ah dhacaan, dhakhaariirtu waxay qofka u badalaan daawo nooc kale ah oo depressionkii u roon laakiin aanan lahaan dhibaatada qofka ka cabanayo.

Dhinaca ah dhibaatoyinka mudada dheer, sida runtii ah wax si rasmi ah loo yaqaan ma aha. Daawooyinkaan intooda badan way ku cusubyihiin suuqa oo mudo fara badan (in ka badan 20-30 sano) lama isticmalin. marka si rasmi ah looma oran karo wax dhibaato ah ma laha. Laakiin waxaa si rasmi ah loo oran karaa ilaa iyo hadda wax dhibaatoyin ah oo aad u muhiim ah oo mudo dheer joogaya oo lagu arkay dawooyinkaan ma jirto. Waana sababtaa tan keenaysa in la isticmaalo.

dadka badan kood mudo dheer ayey qaataan daawoyinka depressionka. Zolot waxay ka mid tahay daawooyinka dadka badankood aysan ka cabanin oo ay u dul qaataan. haddii ay kaa daaweeynayso cudurka, dhibaato deg deg ahna aysan kugu hayn, wax aad ka walwalsho oo hadda la yaqaan ma jirto. haddii ay kuu keento dhibaatoyin deg deg ah sida misan fara badan iwm, waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtarkaaga u sheegto si ay u fiiriyan in aad mid kale u baahan tahay.

dadka qaarkii markii ay daawada qaataan 1-2 sano, waxaa laga yaabaa in aayan u baahan oo ay joogin karaan ilaa iyo inta cudurka soo noqonayo. Taas oo qaadan karta ama bilo ama sanooyin fara badan. Laakiin waxaa aad iyo aad u muhiim ah in aadan daawaha ka tagin adiga oo wali cudurkii ku hayo.

Depression waa cudur aad u fudud in la daaweeyo, haddii aan la daaweena keeni kara dhibaato aad u fara badan oo nafta halis galinaya. Cudrukaana inkasto somaalidu badankeed aqoon u laheen, kuma yara somaalida. mahadsanid.

By Dr. Ibrahim

Gaajo

Su’aal: Dr.ibrahim marka hore ramadaan kariin dr. majoogi karo markaan gaajoodo oo waaban siganayaa marka maxaad igula talinlahayd. mahadsanid

Jawaab: marka hore aan hubsado in aan fahmay su’aashaadaa. Markii aadan mudo dheer wax cunin (sida soonka oo kale), waxaad dareemaysaa in aadan qumaneen oo ay wax si kaa yihiin. Sida madax wareer yar; diga oo jecel in aad fariisato; iyo caloosha oo tabaysa cuno. Haddii aan saxsanahay waxay ila tahay waxa ku haaya in ay eeyan qeera caadi aheen. dadka badankood sidaa ayey dareemaan haddii aysan waxba cunin mudo dheer.

Laakiin taa ka sokow, dad waxaa jira sonkortooda ay aad hoos ugu dhacdo haddii si jogta ah aysan wax u cunin. Sidaa tarteed ayey waxay isku arkaan dhibaatoyin aan caadi aheen sida kuwa aan kor ku soo xusay. mar mar dadkaan waxay ku sigtaan in ay suuxaan.

maxaan ula jeedaa sokorta? markii aad raashin cuntid, jirka waxuu u badalaa cuntada qaarkeed sokor uu qaadan karo oo ay maskaxdu u baahan tahay. haddii sokortaa ay hoos uga dhacdo in maskaxda iyo jirka ay isla ogyihiin, maskaxda ayaa soo tabinaysa fartiimo ay u sheegayso jirka in sokorto hoos u dhacday oo loo baahan yahay in qofku wax cuno. waxa uu qofku dareemayo waa arrimahaan maskaxda iyo jirku isla wadaan oo ah sidii qofka loo dareensiin lahaa in uu u baahan yahay in uu wax cunno.

Inta badan haddii qofku wax cuno, calaamadaha oo dhan way iska tagi oo qofku caadi buu ku soo noqon. Haddii aad tahay dadka wax cunna 1 ama 2 mar kali ah maalintii, isku day in aad 3-4 mar maalintii aad wax cuntid. Ma ahaa raashin badan markas ta. Xitaa hal moos ah ayaa mar mar kugu filan. haddii taasi wax ka qaban weydo arrinta aad dareemayso, waxaa u baahan tahay in lagu baaro oo dhiig lakaa qaado. mahadsanid.

Cadayga

Su’aal: Dear DR. Ibrahim, waxaa jaclaan lahaa inaan wax kaaweydiiyo cadayada. Waxaa jirta in hadaanahay soomali aan isticmaali jirnay cadayga qoriga. Sidaan unimid wadamadan qalaad waxaa inoo suurtoobi weysay inaan helnaa caday soomaali saa daraadeed waxaa iska isticmaalnaa brushka.

Marka waxaa jirto si walbo aa aan u isticmaalo brushka wali in uusan afkii ur ka dhamaaneyn. Marka maxaan suubiyaa oo afka aan ku carafsan karaa. Waan kudaaley saan brush ugu ruugaayayee.

Mahadsanib Doctor.

Jawaab: Inta badan cudurada gala cirridka way ku yaraayen soomaaliya. Sabtuna way fara badan tahay oo waxay la xiriirtaa annaga oonan fiirin jirin afkeena; cunada maacaanka ah oo aanan sidaa loo heli jirin somalia iyo wax yaabo la mid ah. Waa run in dad badan aamin sanyihiin in cadayga uu si fiican afka u cadeen jiray. Waxayaabo ku jira cadaygii somalia oo laga yaabo in ay germiska afka wax yeeleeyaan ayaa sura gal ah, laakiin ma maqal daraasaad rasmi ah oo ku saabsan arrintaan. Somali badan ayaa markii ay yimaadeen dalalka reer bariga ah waayey cadaygii caadiga ahaa oo markaa la qabsaday toothbrushka, rumayga laga istimaalo wadamada bariga.

haddii aan u soo noqdo su’aashaadii, inta badan urka afka waa labo nooc. Mid ka imaada afka iyo mid aanan afka ka imaan laakin la moodo in uu afka ka yimid. Waxyaabaha keeni kara ur la moodo in afka ka imaanayo waxaa ka mid ah waxa englishka lagu yiraahdo ‘Sinusitis’- oo ah infection (jeermiska cudurka dhaliya) ku dhaca sanka kudihiisa (sinuses). Siddoo kale dadka qaba cudurka sokorowka ah oo aanan sokortooda si fiican loo maamulin, waxaa suura gal ah in ay yeeshaan ur afka ka imaanaya lakii aanan afka shaqo ku leyeen.

nooca urka ee ka yimaada afka waxaa inta badan macnahiisu yahay waxaa afka qeyb ka mid ah ku jira oo ku abuurmay germs sida waxa la yiraahdo bacteria. Inta badan urku waxuu ka yimaadaa bacteriyada oo cunaysa waxa afka ku haray ee ay ka mid yihiin sokorta iyo raashinka cadaygu gaari waayey. haddii qofka ay u suuroydo in uu afka ka tirtiro sokorta iyo raashinka iyo wax la mid ah, inta badan way yar tahay in ur dhasho. sababta oo ah in bacterida eesan heleen wax ay cunto oo urka soo saara. laakiin aad bay u adag tahay in had iyo jeer qofka si wanaagsan uga sifeeyo wax kasta oo raashin ah afka. Cadayka inta badan ilkaha uu safeen, laakiin raashinku waxuu ku hari karaa ciridka ama carabka.

Sida dhakhaatiirta ku taqasustey cudurada afka iyo ciridka sheegaan, sida fiican ay ciridka ama carabka loo safeen karo waxaa ka mid ah:

wax la yiraahdo flossing- oo ah in qofku uu ilkaha dexdooda safeeyo. farmashiyaha ayaa inta badan lagu gadaa xariga loo isticmaalo flossing.
tan labaad waa iyada oo carrabka la safeeyo. Ama isticmaal cadayga ama alaabo loogu tala galay carab safeenta oo laga helo farmashiya.

Inta badan haddii qofku si joogta ah uu u isticmalo cadayga caadiga ah ee dalalkaan laga isticmaalo; uusana sifeeyo cirridka isaga oo isticmaalaya “flossing”; carabkana safeeyo, way adag tahay in ur afka ka yimaado.

Haddii urka sii socdo ka dib markii uu qofku sameeyo waxa aan kor ku soo xusay, waxaa habboon in lala tashado dhakhtarka afka si loo hubsado in uusan jirin cudur afka ah ama meel kale ah oo u baahan daawo. Waad mahadsan tahay.

Flu Talaalka ah

S: Assalamualaikum DR Ibrahim.

Walaal waan ku salaamay Alle ha kaa abaal mariyo howshan aad inoo qabatay, marka walaal waxaan rabay in aan ku weydiiyo faa,iidada tallaalka loo qaato Flu marka uu jiro. waxaana igu qasbay aniga oo muddo 10 sano ah ku noolaa Finland ayaan waxaan imi Colorado USA waxaana igu dhacaty hargab aan weligeey noloshayda igu dhicin oo aad aan oogu xanuunsaday oo qufac, dhuun xanuun, feero xanuun, iyo qandho aan kala go lahayn leh, dhakhaatiirtina wax daawo ah ima siin oo waxa ay igu yiraahden waa Virus, marka walaal tallaalka wax difaac ah ma ii samaynayaa. wassalamualaikum. [Age: 37]

Jawaab: Flu talaalka ah aad iyo aad ayuu u shaqeeyaa oo wax u anfacaa. Laakiin aan kuu sharxo maskaxda ka dembeysa arrintaan. Cudurka Fluka la yiraahdo waxaa keena sida aad sheegtay Virus. Inta badan waxaa uu yimaadaa xiliyo la yaqaan oo u dhaxeeya Bisha November-December ilaa bisha March-April. Inta badan waxuu ka dhacaa wadamada cimiladoodu is badasho sida Europe iyo America iyo qaar ka mid ah Asia. Laakiin meel kasta wuu ka dhici karaa.

sanadkii 1918 ayaa mar waxaa dhacay Flu aad u xun oo dilay kumaankun oo dad ah addunnka oo dhan. Xitaa waxaa si badan loogu dhintay wadama ka mid ah Africa sida wadankii la oran jiray Rhodesia. Marka dhimashaadaa faraha badan ayaa keentay in la raayido sidii taas oo kale eesan u dhicin.

Inkastoo hadda ay jiraan daawooyin loo qaato, sida uku fiican oo looga horteki karo waa talaalka. Haddaba talaalkooy maxaa tahay sidayna u shaqeysaa? Macnaha talaalka waxaa weeye, qofka waxaa la siinayaa ama laku durayaa wax ama u eg cudurka ama ah cudurkii oo la daciifiyey. Marka jirka uu la kulmo, jirka ayaa moodaya in Flukii soo galay, marka jirka waxuu kicinayaa dhifaaci loogu tala galay in ay la dagaalanto Fluka. Markii dhifaacaa kaco, waxay qaadanaysa bilo inta uu dib u nasanayo.

Marka, haddii qofka la siiyo talaalka bisha November (ka soo qaad), dhifaacii baa kacaya. Haddii qofku uu la kulmo Flukii bisha january ama february, wali waxaa kacsan dhifaacii, marka Fluka uma suuroobayso in uu dhibaato keeno. Marka waa sababtaa in la siiyo dadka talaalka.

Inta badan talaalka waxaa si rasmi ah loo siiyaa dadka waaween ama dadka cudurda kale qaba, ama dadka isbitaalada iyo meelaha la midka ah ka shaqeeya. Sababtuna waxaa weeye, dadka waaween cudurka uma dulqaadan karaan . dadka yar yar oo caafimaadka qaba inta badan waa sidii aad sheegtay oo kale, hargab xun ayaa ku dhacaya ka dibna way iska ladnaadaan.

Laakiin haddii aad ahaan laheed qof jira 75 sano oo qaba wadna xanuun, waxaad halis u noqon laheed in aad dhimato. Laakiin maadaama la arkay in Flu talaaka ah oo wax tarayo, dadka badan kood xitaa haddii ay yaryihiin ama ay caafimaad qaabaan way iska qaataan. Waxase lama huraan ah in sanadkasta uu qofka qaato. sababtuna waxaa weeye in Fluka uu is badalo sanadkasta. mahadsanid.

By: Dr. Ibrahim

Dhagga Xanuun

Asallaamu caleyku. Dr.Ibrahim marka hore waad sallaamantahay wallaal. Wallaal waxaan jeclahay bal inaan ku weydiiyo su’aal,aan u taag-waayay(daaweynteeda) Marka su’aashu waxa’ay tahay sidan:-

Laga soo bilaabo sannadkii 1991,kii ayaa waxaa ihaysata dhibaato ah “Dhagga xanuun” xanuunkani wuxuu i haystaa ilaa muddada aan kor ku soo sheegay ee ilaa 11,ka anno ah. Mudda daasi aan qabey meel uun iskama’aan fadhiyin’e daddaal ayuunbaan waday,siddii aan u helilahaa daawo.

Markii aan helay dhawr daawo oo aan saas u badneyn waan isticmaalay,laakiin waxba iimeysan tarin. waxaa kale oo jirta in marka aan dawada dhagta ku shubo in daawaddii aanay inteeda badani gaadhayn meeshii loo baahnaa. ilaa iyo hadda dhagtii dhib ayay igu haysaa marka wallaal maxaan sameeyaa? Waad mahadsan tahay,ALLAHNA hakaa ajasiiyo. [ Age: 19]

Jawaab: Inta aanan su’aashada ka jawaabin, aan ka wada hadalno dhagga xanuun guud ahaan. marka aad leedahay dhagga ama dhag ayaa i xanuunaysa, waxay ila tahay in aadan ka wadin dhag cuncun ama dhawaaq dhagta ka soo baxaya. sababta aan taa u oranayo waxaa weeye, wax yaabaha keena arrimahaan wa wax gaar ah oo sharax gaar ah u baahan.

haddii aan u soo noqdo dhag xanuun caadi ah. Inta badan dhag xanuun waxaa keena laba mid 1) infection- ama iyada oo cudur dhegta galo 2) Trauma- taas oo ah cudur aanan dhagta galin laakiin wax yeelo dhag gaarta. Inta aanan galin infectionka, aan ku siiyo tusaale la xiriira tan labaad.

haddii qof uu dharbaaxo dhagka ku dhufto, xanuun sare iyo mi gudaha ahba way imaan karaan. xanuun waxaa kale oo keeni kara haddii aad dhiyaarad raacdo oo kale. dadka qaarkiis ( gar ahaan dadka da’da waaween) haddii harkab xun ku dhaco, mar mar waxaa xanuuna dhaggaha. sababtuna waxay tahay, in hargabka qaarkiis uu keenu in dhuunta ay bararto. Taasoo keenaysa in duleelka isku xira dhuunta iyo dhagta uu ciriiri noqdo. Taas waxay keenaysaa qofka oo dareema “pressure” dhagta ah oo xanuun keeni kara.

haddii aan u soo noqdo arrinta kowaad ee ah infection oo aan u maleenayo in dhibaatadaadu la xiriirto, infectionka ku dhaca dhagaha waxay u qeybsamaan laba nooc:

A) mid ku dhaca dhegta qeybteeda dhexe oo la yiraahdo Middle Ear Infection (ama otitis media)

B) mid ku dhaca dhexta qeybteeda hore ama duleelka aan inta badan qoryaha galino. Kaa waxaa loo yaqaan External Ear Infection (ama otitis externa).

Otitis Media inta badan waxaa keena cudurada caadiga ah inta badana ku dhaca caruurta sida qufaca ka imaanaya bacterial infection; hargab qaarkiis, iwm. Cudurkaani wuu ku yar yahay hadka waween sidaada oo kale. Laakiin wuu ku dhici kara. Si sahlan ayaa inta badan loo daaweeya, oo waxaa qofka la siiyaa antibiotics. Waa suuro gal in haddii qofku uu aad cudurkaan u qabay markii u yaraa oo uu isticmaalay daawooyin kala duwan oo fara badan, waa laga yaabaa in haddii cudurkaani yimaad mar dembe in daawooyinkii hore wax ka qaban waayaan.

Haddii aan u soo noqdo Otitis Externa, taa inta badan waxay ku dhactaa dadka waaween sida adiga oo kale. waxaa ay u badan tahay dadka dabaasha “swimmers”. laakiin qof aanan dabaalan uu ku dhici kara.

Cudurkaani inta badan si sahal ah uma baxo, gaar ahaan haddii uu yahay mi horey u jiri jiray. Waxaana lagu kartaa dhagta oo ku xanuunaysa haddii aa taabato. Inta badan inkasto ay ku xiran tahay nooca bacterida ah ee keenta arrintaan, waxaa cudurkaani u baahan yahay in dhagta kor iyo hoosba dawo laga siiyo. Taaso ah, in qofku qaato daawo afka laga cunnayo iyo mid dhagta lagu shubayo. waxase kale oo jira in dadka qaarkii ay halis u yihiin cudurkaan. Waxaa ka mid ah dadka qaba cudurka la yiraahdo Diabetes (kaadi sokorow).

Iima aadan sheegin in aad kaadi sokorow qabtid iyo in lagaa baaray. dadka qaba kaadi sokorowga ee uu cudurkaan dhagta ku dhaco waxaa ku dhaca noo aad iyo aad u adeg in la daaweeyo oo la yiraahdo Malignant Otitis Externa.

hadaba haddii aan u soo noqdo su’aashaadii aheed maxaan sameyaa, waxaan aaminsanahay sida ku badan somaalida in aad markii aad yareed qabi jirtay dhago xanuun, waxaa kalo suuro gal ah in aad qabto wax la yiraahdo “ruptured ear drum” oo dhici karto in ay adkeenayso daaweenta cudurkaaga.

marka waxaan kugula talin lahaa haddii aad ku fiicnaan weyday daawada lagu siiyey, amam cudurku si fudud kuugu soo noq noqnayo in aad dhakhtarkaaga warsatid in lagaa baaro kaadi sokorow marka hore, marka labaad in laguu diro dhakhaatiirta ku taqasustay dhagga/cumaha/sanka oo loo yaqaan ENT. Mahadsanid.

By. Dr. Ibrahim

Xabad xanuun

S: Dr waxaa mar walba i xanuuna lafta ku taala labada naas dhexdooda. Haba u darnaato markaan deep breath qaadanayo ama jimicsi (exercise) sameeynayee.waxaan isku arkay xanuunkan muddo sanad ilaa labo sano ah. ma laga yaabaa in taasi la xiriirto cudurada wadnaha kudhaca?.Dhaqtarkaygu raajuu ii diray kadibna wuxuu yiri waxba ma qabtid 100%.Da’daaduna aad bay ugu yar tahay cudurada wadnaha.Intaa mooyee caafimaadkaygu waa 100%.koley aniga aad buu ii dhibayaaye Dr maxaa sababay baad u malaynaysaa? mahadsanid [ Age: 23]

J: Waa run dadka badankiis haddii xabadku xanuuno waxay ka walwalaan wadnaha. Laakiin wadnaha kaliya ma aha waxa keena xanuunka xabadka. haddii aan u soo noqdo su’aashaadii, waxay iila ektahay in xanuunkaagu la xiriiro lafaha.

Marka su’aashu waxay tahay waa laftee tan xanuunaysa? Waxaa jira in lafaha somaalidu u taqaan feeraha ay iskugu yimaadaan halka u dhaxeeysa hadabka. Laakiin feeruhu ma kalaan lafta ku taal xabadka dexdiisa oo loo yaqaan Breast Bone (ama sternum). Waxaa isku xiriiriya carjaw. Mar marka qaarkiis waxaa dacda in haddii ay jirto daawac ama waxa loo yaqaan arthritis (somaliduna u taqan rumatiisimo), in meesha ay feeraha iyo lafta xabadka dhexdiisa ay iska galaan uu xanuun yimaado. Xanuunka noocaas ah waxaa loo yaqaan C. chondritis.

Cudurgaan oo inta badan dhibaato fara badan aanan keenin waxuu ku badan yahay dhumarka yar yar ee u dhxeeya 18- ilaa 35 sano. Laakiin dadka oo dhan wuu ku dhici karaa da’kastaba ha ahaadaane. marka cudurkaan jiro, waxaa mar mar qofku moodayaa in wadnaha laga haayo. Taas awgeed haddii qofku uu yahay qof waayeel ah (ka ween 60 sano), halisna u yahay cudurada wadnaha wax yeela, dhakhaatiirtu waxay qofkaa si lama filaan ah uga baaraan cudurada wadnaha. Laakiin xaalku marka uu haysto qof yar oo caafimaad qaba sidaada oo kale, dhakhaatiirtu kuma degdegto baaris. Labo walaxood ayaad moodaa in ay taargeerayaan dhakhtarkaaga ra’yigiisa ah in wadnahaadu uusan xanuunka ka imaaneen:

1) wadnahu kuma xirna feeraha ama xabadka oo haddii xanuunku imaanayo markii aad neef balaaran qaadato, waxay u badan tahay in uusan wadnaha aheen.

2) markiiaad excerciseka aad sameenaysid haddii xanuunku imaanayo markii aad iskala bixinaysid, laakiin uusan sii xumaaneen markii aad dhidhito, waxay u badan tahay in uusan wadnaha aheen.

Waa jiraan cuduro kale oo qofka u keenayo in uu xabadka xanuuno markii ay neef balaaran qaataan.

Haddii aad ahaan laheen qof sigaarka cabta oo misana qaadata kaniiniga ilmaha la iskaga celiyo, waxaa ka walwalilahaa haddii aan ahay dhakhtarkaaga in aadan qaban wax la yiraahdo Pulmonary Embolism (tan macnaheedu waxaa weeye in xinjir ka timid lugaha oo aadan ogeen so dhex martay wadnahaaga ka bidna fariisatay sababahaaga).

Waxaan filaya in dhakhtaarkaagu sababta uu u qaaday raajitada in ay aheed in uu hubsado in arrintaa aysan aheen waxa keenaya xanuunkaaga. Inta badan dadka qaba xanuunka aan kor kuugi soo sharxay waxaa ay u fiicnaadaan haddii ay qaataan kaniiniyada xanuunka sida waxa la yiraahdo Motrin.

Laakiin waxaan kugula talin lahaa haddii aad wali xanuunka qabto in aad dib ugu noqoto dhakhtargaaga oo aad u sheegto in xanuunka uusan tagin si uu u fiiriyo in aad daawo u baahan tahay ama baaris hor leh. mahadsanid.

AIDSka

S: dr ibrahim marka hore waad mahadsantahay sida wanaagsan ee aad su,aalaha dadka uga jawaabeyso, dr waxaan rajeynayaa inaad su,aashan oo aan jeclaa inaan mudo badan dr afkeyga ku hadlaya inaan weydiiyo, dr mudo saanad iyo bar laga joogo ayaan dumarka jirkooda ka ganacsada u galmooday anigoon wax difaac ah isticnaalin (condom)ka dib waxa igu beermay shaki ah inaan AIDS qabo ma, aanan weydiin dhaqtar sababtoo ah waxaan joogaa wadan carbeed oo aadan arimahaas ka hadli karin mida dr wax cudurkaas calaamdisa ah iskuma arag mudadaas ka dib miisaankeyga waxaa ku kordhay 7KG su,aasheydu waxay tahay cudurkaas halmar malagu kala qaadi karaa, calaamdahisana qofku mudo intee le,eg ayuu isku arki karaa, maselaga dhici kartaa qofqaba cudurkaa in miisaankiisu siyaado. ilaah dhamaanteen haynaka hayo .dr waad mahadsantahay.

J: Sida aad la socoto cudurka AIDSka aad ayuu ugu badan yahay dunida oo dhan hadda. Inta badan, inkasta oo uusan sida Hepatitis B oo kale aanan si fudud loo kala qaadin, laakiin dhibaato waxay ka dhacday mar marka qaarkii hal mar oo kali ah oo aad la kulanto ayuu u baahan yahay. Mida kale, qof kasta calaamadihiisa horey kama soo saaro. dadka qaarkiis ee cudurkan qaba waxay ku qaadataa 5-10 sano inta ay dareemayaan wax calaamado u ah cudurkan. waxaan intaan ula jeedaa, haddii aadan laheen wax calaamada ah hadda, macnaheedu ma aha in aadan cudurka qaadin. Waayehii hore ee uu cudurka cusbaa daawo fiicana eeyan jirin, dhakhaatiirtu kuma deg degi jirin in ay u sheegaan dadka in dhiig la iska qaado (baaris). Laakiin, wax yaabo badan ayaa cudurkan iska badelay.

hadda, haddii mar hore la ogaado in cudurku jiro, waxaa la haayaa daawooyin fara badan oo wax ka qaban kara. Mida kale, haddii aad cudurkaan qabto laakiin aadan laheen calaamado, wali dad kale waad qaadsiin kartaa. marka, waxaan ku talin lahaa haddii aad isleedahay waxaad u degtay qof aadan si fiican u aqoon, aadana isticmaalin “protection” waxaa haboon in lagu baaro. waxaa is baari kartaa adika oo aanan magacaaga qofna siin (anonymous testing).

Mida kale, haddii aad ogaato in aadan cudurkii laheen, niyada ayaa kuu degeysa oo walwalka waa kaa yaraanaa. haddii nasiib daro ay dhacdo in lakugu arko cudurka, sidii waayihii hore oo kale ma aha oo hadda waxbaa laga qaban kara. marka, inkastoo miisaankaagu saa’idayo, waxaan ku talin lahaa in aad is baarto. Dhakhaatiirta badankood way fahmayaan arrimaha ku saabsan qarsoonida waxyaabaha qaaska u ah qofka caafimaadkiisa. haddii aad isbaarto oo nasiib wanaag cudurka laguku arkin, macnaheedu ma aha cudurkan ma qaadi kartid oo waxaad doonto ayaad sameen kartaa. Waa in aad u aragtaa in ilaahay mar ku badbaadiyey, marka labaad lama hubo sida ay noqon doonto. marka is ilaali. Waad ku mahadsan tahay su’aaasha fiican.

Maxaa keeni kara AIDS

S:[Age: 19] Salaan kadib. Su’aashayda waa maxaa kamid ah waxa keeni kara cudurka aids-ka sideese la’ isugu daaran karaa?

J: Cudurka AIDSka la yiraahdo waxuu marka hore ka bilaabmaa isaka oo qofka noqdo HIV positive. HIV waxaa la yiraahdaa virus keena cudurk AIDS. Marka uu qofku la kulmo HIV horey AIDS ukama dhacayo. Marka hore waxuu noqonayaa HIV positive. Taasi macnaheedu waxaa weeye, haddii qofka laka qaado dhiig oo la baaro in uu la kulmay viruska loo yaqaan HIV, waa laka helayaa. Laakiin waxa jira dad badan oo ah HIV positive oo aanan wali yeelan AIDS.

haddii qofku uu la kulmo cudurka HIV, dhiigiisuna uu noqdo positive, waxay qaadanaysaa mudo inta uu cudurka wax yeelayo dhifaaca jirka. dadka qaarkiis waxay qaadataa in ka badan 5-7sano, qaarna way ka soo degdegsataa. markii uu HIV virusku wax yeeleeyo jirka dhifaaciisa ayuu qofka halis u noqdaa in ay ku dhacaan cuduro caadi ah sida pneumonia oo kale ama TB, kuwaas oo uu qofku iska dhifaaci karay haddii uusan qabin cudurka HIV.

Markii qofku bilaabo in uu ku dhaco cudurada kale ayaa waxaa la yiraahdaa qofka waxuu qabaa AIDS. Haddaba hadii aan u soo noqdo su’aashaadii aheed sidee la iskaga qaadaa? marka hore waxaa kuu cad in waxa la iska qaadayo uusan aheen AIDS ee uu yahay HIV virus. Virus waa wax aad iyo aad u yar oo ishu eesan arki karin kalina kara dhiiga. HIV virus inta badan waxaa la iska qaadaa adiga oo la kulma dhiiga ama shahwada ama dheecaan qof qaba cudurkaan oo ah HIV positive.

Sidee qof ula kulmi karaa qof qaba HIV dhiigiisa ama shahwadiisa?

* Haddii aad u tagto qof cudurkaan qaba;
* Haddii lagu siiyo dhiig laga soo qaday qof cudurkaan qaba;
* Haddii aad tahay cunug ku jira caloosha hooyo qabta cudurkaan;
* Haddii si kadis ah laguuku duro cirbad horey loogu duray qof qaba cudurkaan, IWM.

marka side ugu haboon ee qofka iskaga ilalin karaa madaama aadan sheegi karin qofka qaba HIV iyo qofka aan qabin? waa adiga oo guud ahaan ka taxadara oo iska ilaaliya waxa keeni kara in aad la kulanto qofkale dhiigiisa iyo shahwadiisa. haddii ay qasab tahay in aad la kulantana aad isticmaasho wax u diidaya jirkaaga in uu la kulmo waxyaabahaas (protection). mahadsanid.

Qore: Dr. Ibraahim

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdi somali says:

    السلام عليكم و رحمة الله و بركاته
    Ugu horeyn waan ku salaamey.
    Dr.Ibraahim.
    waxaan ahay nin dhalin yaro ah.
    waxaan ahay nin xaasle ah ama reer leh.
    su’aashadu waxay tahay markii aan xaaskeyga u galmoonahayo.
    Biyaha ama shahwada waxay iiga imaataa
    si dhaqso ah. markii darwwnkeygu kaco
    Biyaha ma celi karo.
    marka waxaan kaa codsanahayaa.
    Haddii ay jiraan wax yaabo loo isticmaalo Biya baxa Deg dega ah inaad ii sheegto
    Aad baa u mahadsantahay.




*

code

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

TOOS U DHAGEYSO:- Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Qurbajoogta Waqooyiga Galguduud Oo Sheegay In Il Gaar Ah Lagu Eego Cida Hurinaysa Dagaalada Caabudwaaq Iyo Warar Kale)
- Jan 19, 2017
Caabudwaaq, 19-ka JAN-2017:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa ...
TOOS U DHAGEYSO: Barakacayaal Kusoo Qul Qulaya Magaalada Caabudwaaq Iyo Wariyaha Allgalgaduud Media Oo Booqday Xerada Dayacan.
- Jan 19, 2017
Waxaa si joogta ah wali uscoda Barakacayaasha soo gaaraya magaalada Caabudwaaq kuwaasoo oo aan ...
TOOS U DHAGEYSO: Qurbajoogta Waqooyiga Galguduud Oo Sheegay In Il Gaar Ah Lagu Eego Cida Hurinaysa Dagaalada Ka Dhaca Magaalada Caabudwaaq.
- Jan 19, 2017
Qurbajoogta waqooyiga gobolka Galguduud ayaa waxa ay  Sheegeen In Il Gaar Ah Lagu Eego Cida ...
DAAWO:- Xaalad Qatar ah oo laga soo sheegayo Gaalkacyo
- Jan 19, 2017
Duleedka Magalada Gaalkacyo ayaa waxa soo gaaray qoysas ka soo barakacay abaaraha ka jira ...
DEG DEG+DHAGEYSO:- War Lama Filaan ah oo naga soo gaaray Puntland
- Jan 19, 2017
Mid kamid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland u qaabilsan dhanka ladagaalanka cudurka qaaxadda oo ...
TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo la kulmay safiirada wadamada Jaamacadda Carabta
- Jan 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya maanta kula ...