Kulan Dib U Heshisiin Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

shir-weyn1Muqdisho(AGGM) Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo  maanta shir dib u hishiin u qabatay odayaasha  belihii dhawaan dirirta ku dhexmartay  degaanada hoostaga gobalka Shabeelaha hoose ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho

Shirkaan dib u hishisiinta ah ee ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa u jeedkiisu ah sidii nabad looga kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dhawaan markale ku dagaalaamay gobolka Shabeelaha Hoose

Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar oo madasha kulanka hadal dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay colaada dhibatooyinka laga dhaxlo, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay nabada u leedahay bulshada ku dhaqan gobolka, loona baahanyahay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Guddoomiye kuxigeenka  gudiga xuquuq raadinta, dib u hishiisinta iyo hanta isku celinta ee Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya Jawaahir Axmed ayaa odoyaasha dhaqanka ka codsatay in ay adkeeyaan midnimada iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka gobolka.

Wasiir ku xigeynka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane Jamac Axmed Maxamed “Jaamac Oday” ayaa sharaxay muhiimada shirka, isagoo tilmaamay in uu yahay mid looga gol’leeyahay in lagu dhex dhexaadiyo labo beel oo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose

Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda oo gaba gabadii shirkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo bixi doonaan go’aanno wax ku ool ah.

Dhawaan ayey ahayd markii wafdi Wasiiro iyo xildhibaano isugujira , islamarkaana uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ay gaareen deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, iyagoo xabad joojin kala dhex dhigay maleeshiyaadka labada beel ee halkaasi ku dagaalamay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (33)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

14 (Sawirro) Safiirka Mareykanka u fadhiya Kuuriyada Koonfureed oo la dhaawacay.
- Mar 5, 2015
Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kuuriyada Koonfureed Mark Lippert, ayaa la dhaawacay kadib ...
beelo-lagu-heshiisiiyay-gobolka-hiiraan-13 LIVE DHAGEYSO:- Shirkii Dib Uheshiisiinta Ee Dhuusamareeb Oo Maanta La Soo Gaba Gabeeyay.
- Mar 5, 2015
Cabdiraxmaan Maxamed Nuur Diinaari oo ah gudoomiyaha shir gudoonka shirka ka socda degmada Dhuusa ...
Wasiir (Sawirro) Wasiirka Arimaha Dibadda oo la kulmay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya.
- Mar 5, 2015
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ...
Khaasim Axmed Rooble LIVE DHAGEYSO:- Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo ka socda Muqdisho.
- Mar 5, 2015
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Khaasim Axmed Rooble oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in Ciidamada ...
america (Dhageyso) Dowlada Canada oo Soomaalida ku nool dalkeeda ka dalbaday inay Booliska la shaqeeyaan.
- Mar 5, 2015
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii Al-Shabaab ay ku han-jabeen inay weeraro ku qaadayaan ...
Shirka_maamulka_sameynta_Baydhabo (Dhageyso) Beello Hor Leh Oo Ku Heshiiyay Shirka Degmada Dhuusa Mareeb Ee Gobalka Gal-gaduud.
- Mar 5, 2015
Degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha ...