Shan Ruux Oo Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Goof-gaduud Ee Gobolka Bay.

Dagaal-GedoBaydhabo (AGGM): Shan qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay deegaanka Goof-gaduud ee koonfur galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ku dhex maray maleeshiyada al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Labo ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen dad rayid ah, halka sagaal ka mid ah dadka dhaawacmayna ay sidoo kale yihiin dad rayid ah.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadday deegaanka Goof-gaduud oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowaan fariisimo waxay ka sameysteen deegaanka Goof-gaduud.

Taliyaha ciidnaka dowladda ee Goof-gaduud Maxamuud Maxamed Jiirey ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska caabbiyeen weerarka ay soo qaadday al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaaddo deegaanka Goof-gaduud oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

afhayeen TOOS U DAAWO FADEEXAD: Maxamed Yusuf “Ciidamada Dowladda Ayaa Dilay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir Iyo Allgalgaduud Media Oo Shalay Sheegtay.
- May 24, 2015
Dowlada Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay in ciidamo katirsan kuwa Milatariga ay ka dambeeyeen dilkii ...
SAXAAFAD “DAAWO VIDEO” Wariyayaashii U Xirnaa Puntland Oo La Sii daayay iyo Waxey La Kulmeen.
- May 24, 2015
Wariyayaashii U Xirnaa Puntland Oo La Sii daayay iyo Waxey La Kulmeen. https://youtu.be/Qxi6vIaHrWU
jeesow1 TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaan Jeesow Oo Si kulul Uga Horyimid Codsi Uga Yimid Xukuumadda.
- May 24, 2015
Xildhibaanada wada mooshinka looga soo horjeedo Barlamanka Jubba ayaa sheegay inĀ  mooshinka uusan u ...
xildhibaano-450x253 TOOS U DHAGEYSO: Xildhibaanada Baarlamaanka “Gudoomiye Jawaari Ha Joojiyo Meer Meerinta Mooshinkana Sida Ugu Dhaqsaha Badan Haloogu Qaado Codka”.
- May 24, 2015
Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Soomaaliya islamarkaana ah kuwii Mooshinka ka keenay Baarlamaanka Maleeshiyada Raaskambooni ...
Wasiir Ganacsi DHAGEYSO:- Wasiirka Ganacsiga oo heshiis la saxiixday Shirkad hubineysa tayadda wax soo saarka Dalka.
- May 24, 2015
Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis la saxiixtay Shirkad laga leeyahay Turkiga, ...
Gaarigga Ay Wateen Xildhibaanaddu. Warbixin:Villa Somalia Oo Markan Ku Fashilantay Inay Qariyaan Cida Dishay Iyo Qaabka Loo Dilay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir…(Waxbadan Ogoow)
- May 24, 2015
Waxaa hubaal ah in dadka badankii ay ogeyn amaba intooda badan ee wax ogna ...