Fanaanka Qaranka Jooqle Shire Jaamac ”Cayaar Jecel” Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil‏.

JooqleNairobi (AGGM): Fanaanka Qaranka soomaaliyeed ee Jooqle shire Jaamac “Cayaar Jecel”ayaa waxaa uu ka soo kabanaya dhaawac ay u geysteen Koox aan la garaneen magalada Nairobi.

Fanaanka kooxda Qaylo dhaan ayaa waxaa uu dhawaanahan ku sugnaa magalada Nairobi halkaas oo ka waday barnaamijyo wacyigalin dhinaca arimaha bulshada ah,waxaana uu mudadaasi uu sameyay heeso badan oo la xiriira arimaha wacyigalinta.

Jooqle oo maanta aan qadka Taleefonka aan ku tiigsaday ayaaa ii sheegay in uu wanaagsan yahay Bulshada soomaliyeed u mahad celinayo intii soo xustay iyo inta kaleba,waxaana uu rajeyay in ay ka guuleystaan kooxo  danbiilayaal uu ku sheegay.

“haa waan wanaagsanahay waxay isku dayeen in ay i dilaan Laba Tooreey ayeey igu dhufteen Garabka iyo Gacanta Bidix meel dusheeda ah,laakiin hada waan wanaagsanahay” ayuu hadalkiisa ku yiri Jooqle.

Mar aan wax ka weydiiyay cida sida rasmiga uu ugu tuhmaayo arintani ayuu sheegay in ay ka danbeeya waxaa uu ugu yeeray cadowga umada soomaaliyeed,isagoona si cad u sheegay in uu sii wadi doono Halkgankiisa la dagaalanka dhib wadayaasha waxa uu ugu yeeray.

Ugu danbeytiina xaalada Fanaanka Qaranka ee kooxda Qaylo-dhaan ayaa wanaagsan,waxaana uu joogaa guriga uu ka dagan yahay magalada Nairobi,isagoona wata hawlihiisa caadiga ah,waxaana uu shacabka iyo taageerayaashiisa u diray Salaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (4)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

News_live_logo_ DHAGEYSO:- Masuuliyiin ka kala socotay QM iyo Dowlada Soomaaliya oo Barakacayaasha ku nool Kismaayo
- Feb 8, 2016
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Howlaha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh ...
Wasiir-Odowaa-300x185 DHAGEYSO KHUDBAD DHAMEYSTIRAN IYO WASIIR ODOWAA:- Aimo muhiima ayuu kala hadlay shacabka reer Hobyo, Maxaase kaga soo baxay kulamadiisa odoyaasha ?
- Feb 8, 2016
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowlada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ” Odawaa” oo ...
Top-Secret-640x412 DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxa Daallo oo kashifay Sir badan+Xiisad kale oo ka dhalatay qaraxa diyaarada lala eegtay
- Feb 8, 2016
Shirkdadda diyaaradaha ee Daalo ayaa sheegtay in qaraxii toddobaakdii hore uusan wax saamayn ah ...
Galkacyo DHAGEYSO:- Laamaha Amniga Gaalkacyo oo ka hadlay Dad ku labisan Darayska Booliska oo Habeenkii Dadka baarta.
- Feb 8, 2016
Laama amaniga Gaalkacyo ayaa makrii ugu horaysay wax laga waydiiyay Arrimo mudooyinkaan dambe kusoo ...
1 DAAWO:- Aqoonyahanad Safiyo Yaasiin oo ka hadashay u jeedada dowlada federalku u doonayso 4.5
- Feb 8, 2016
Safiyo Yaasiin oo ah aqoonyahanad ku nool waqooyiga America ayaa waxaa ay ugu hambalyeysay ...
guuleed DHAGEYSO:- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in madaxweyne Guuleed iyo Maamulkiisa aysan sharci aheyn isagoona taageeray maamul odayaasha Beesha Mareexaan ay dhisayaan
- Feb 8, 2016
Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jabriil  oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee ...