Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee? Qaybti 2aad.*Daawo*

xil2Qoraalkan ayaa waxaan ku iftiiminayaa Hadaad si wanaagsan u daawato labadan Video waxaad ku arkeysaa amaba garan kartaa u jeedka dhabta ah ee loo adeegsaday ereyga ah Yaa Daaroodeey waqtigan ee uun la maqlo marki ay Puntland dan leedahay.

Video-ga 1aad waa dood dhexmartay laba nin oo Soomaali ah lana kala yiraahdo C/rashiid  Daahir Axmed oo ka socda ururka SAHAL iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali, Ex Xildhibaanka ayaa waxa uu ku hanjabay inay soo sii deeynayaan wiilashi madmadoobaa ee Indhaha Gaduudnaa kadibna Utanga leeysku wareeysanayo.

Doodahaas kadib ayaa waxaa dhashay guux iyo buun buunin colaadeed oo la doonayay in bulshada Soomaaliyeed leeyska horkeeno si aysan u shaqeeyn dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, halkaasna ay dad gaar ah kaga faaiideeystaan fursada isku dhaca madaxda dalka iyo dadka.

Balse dadku waxa uusan fahmin weli inay Soomaaliya ku hareen indheer garad fahmi kara ujeed walba oo dad gaar ahi leeyihiin.

Video-ga 2 aad waxaad ku arkaysaa casho sharaf uu qabtay Eng. Cawil Yaasiin Quluunbe oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland, kana mid ah dadka lagu soo fasaxayay wiilashi indhaha gaduudnaa kadibna isku wareesanayay Utaanga, ayaad waxaa  casho sharaftiisan ku dhex arkaysaa oo goob jooge ka ah khudbadna ka jeedinaya Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali oo horey ugu hanjabay inay soo sii deeynayaan wiilashi madmadoobaa ee Indhaha Gaduudnaa kadibna Utanga leeysku wareeysanayo.

xil2

Ninka Falaarta: Waa Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali,Kan Bidixda Fadhiyana Waa Eng.Cawil Yaasiin Quluunbe oo kamid ah dadka loo soo dirayay wiilashi madmadoobaa ee indhaha gaduudnaa ee isku wareesanayay Utanga.

Haddaba baroorta orgiga ka weeyne dadku waa inay fahmaan waxaan oo dhan inay yihiin Film loo shidayo oo la doonayo in lagu kiciyo cadowna looga dhigo dowladda iyo madaxdeeda si ay ugu kacaan ugana hor imaadaan, islamarkaana fursad u helaan groep gaar ah oo isla socda isku dana ah ummada iyo dalkana aan dan u wadin, su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay Maxaad kala socotaa xiriirka u dhexeeya Puntland, ururka SAHAL, iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali? hadii aad si wanaagsan u daawato labadaa video-ayay Jawaabta ku jirtaa adinkaana idiin daayay jawaabtaas .

La Soco Todobaadka Dambe Qaybta 3aad iyo xiriir intee le’eg ayaa  u dhaxeeya Puntland, ururka SAHAL, iyo Ex Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali?

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (74)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Culusoow DAAWO FADEEXAD: Xasan Al Capone Iyo Kooxdiisa Oo Markan Ku Cadahay Inay Ka Dambeeyeen Dilka Xildhbaan Yuusuf Dirir…
- May 26, 2015
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Qaranka Somalia Abuukaate Caydiid Ika Xanaf ayaa dhaar ka maray ...
daahir-jeesow Top News: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Axmed Madoobe waxaa ka adag BF Somalia Ee Aan Aragno Cida Xaqdarada Ku Difaaci Karta”.
- May 26, 2015
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa ka hadlay Mooshinka ...
cumar R/wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Maanta Tagaya Magaalada Kismaayo.
- May 26, 2015
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee ...
farmaajo1 TOOS U DHAGEYSO:- Farmaajo: “Xasan Sheekh Ciidanka Ha siiyo Mushaarkoodda”.
- May 26, 2015
R/wasaarihi hore ee dowladda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu sheegay ...
Gaas TOP DHAGEYSO WAREYSI VOA:- C/wali Gaas Oo Wareysi Ku Bahdilay Dowladda Fedraalka Ah.
- May 26, 2015
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka ...
10649622_770054013050987_2465365157386243654_n-160x70 Shan Asbaab Oo Kuu Fududeynayo iney Kuu Kororto Arzaaqada ALLAH Kuu Qoray ‘Akhriso Oo Ku Dhaqan’.
- May 26, 2015
ASBAABAHA KUU FUDUDAYNAYSA ARZAAQADA. Fadlan Haddii aad dooneysid inuu ilaaheey Arzaaqada kuu Waasiciyo, Fadlan samee ...