kobciyelogo

Xog Lahelay: Falaagada Al Shabaab Oo Qorsheenaya Inay Qaraxyo Ka Geestaan Magaalooyinka Garoowe Iyo Hargeysa.

top secretXog Lahelay (AGGM): Warar rasmi ah oo kusoo dhacay shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Falaagada Al Shabaab ay hoosta ka xariiqeen qorshe weeraro looga fulinayo magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ee xarumaha maamulada Puntland Iyo Somaliland.

Warkan ayaa sheegaya in falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ay diyaariyeen ilaa 20 ruux oo loogu talagalay inay fuliyan weerarada waxaana ragaan ay markoodi hore lagu soo diyaariyay buuroleyda Galgala.

20-kan naftood haligeyaasha ah ayaa hada waxa ay soo gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa waxaana xogtu intaa ku dareysaa in ilaa 4 Xarumood ay la damacsan yihiin weeraradan oo aan la carabaabin.

Warkan sida hoose looga helay saraakiil sare oo katirsan sirdoonka maamulada Somaliland iyo Puntland oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xarumo qarsoodi ah ay Al Shabaab kuleeyihiin magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, islamarkaana ay ku dhamaystiran yihiin adeegyada loogu talagalay weerarada si aad ahna sirdoonka labada maammul ay ulla socdaan dhaq dhaqaaqa xarumahaas.

Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa Saraakiil katirsan ururkooda oo ku xeel dheer qaraxyada waxa ay keeneen magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa si aan qorshahooda u dhicisoobin.

Xogtan sida hoose lagu helay xili Falaagada Al Shabaab ay shaaciyeen in deegaanada Puntland iyo Somaliland weeraro ka fulin doonaan hase yeeshe xogta lahelay kuma ay cada goobaha bartilmaameedka u ah.

Maamulka Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa  waayahaan danbe waxa  ay marwaliba  walaac ka muujinayeen soo galintaanka falaagada Al shabaab  ee sida  xowliga ah  ugu soo  qul qulayay buuraha  Galgala.

Falaagada Al Shabaab  ayaa  horay  qaraxyo ugagaystay  magaalooyinka Boosaaso  iyo Hargeysa oo ay ka kala arimiyaan maamulada Puntland  iyo Somaliland kuwaas  oo naftooda  ay ku  waayeen Wasiiro iyo xildhibaano iyo taliyeyaal ciidan.

Isku soo wada duub oo dowladdaha Ingiriiska  iyo Ierland ayaa waxa ay todobaadki tagay ugu baaqeen muwadinniinta kasoo jeeda dalalkooda amaba dalalka reer Galbeedka ah inay isaga soo baxaan deegaanada Maamulka Somaliland, taa oo xaqiijinaysa dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan Falaagada Al shabaab  deegaanada Puntland iyo Somaliland, falaagada Al Shabaab oo ah musiibo ka  soo  if  baxay  geeska  africa  iyaga  oo wakiil u ah ururka aragagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

IMG_4859 Daawo: Safiiro u dhashay Sierra Leone oo la kulmay Jaaliyada Soomaalida Columbus Ohio.
- Apr 23, 2014
kuwaas oo ay jaaliyada isla soo qaadeen xariirka labada dal iyo sida jaaliyadaha labada ...
bayaan Beesha Sheekhaal: ”Waxaa la gaaray xiligii kacdoonka ee la iska kor-qaadi lahaa labada cadow ee Jubbooyinka fadhiya”
- Apr 23, 2014
doonada, aqoon-yahanka, haweenka, dhalinyarada ee ku kala nool daafaha caalamka ayaa Marka hore waxaa ...
xasan iyo cabdiwali Dib u Heshiisiintu Waxa Ay Qeyb Weyn ka Aheyd Hawlaha Horyaalla Dowladda Uu Hoggaamiyo Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud, Laakiin Taas Waxa Ay U Muuqataa In Ra’iisul Wasaare Cabdi-weli Uu Geliyey Mugdi Weyn Iyo Shaki!.W/Q.Dr. Truman
- Apr 23, 2014
ah u laalay ama u diidey fulinta Heshiishkii Addis-Ababa ee waddanka Ethiopia August 28/2013,heshiishkaas ...
radio-Galjubba Dhageyso:Warkii Warkii Duhurnimo Ee Warbaahinta Allgalgaduud Media (23-April 2014).
- Apr 23, 2014
Muqdisho(AGGM): Waxaa shabakada wararka Allgalgaduud.com usoo gudbineysaa akhristayaasheeda iyo dhageystayaasheedaba warkii DuhurnimoSubaxnimo ee Soomaaliya iyo Caalamkaba ...
shir_5 Dhageyso:Shir weynihii Amaanka Qaranka oo maanta la soo xirayo
- Apr 23, 2014
Muqdisho(AGGM): waxaa lagu wadaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka in lagu soo Gaba ...
soo Dhageyso:Maamulka Xudur waxaan Dilnay Saraakiil Al-shabaab ah
- Apr 23, 2014
Xudur(AGGM):Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey Dagaal ka dhacay Tuulootin Hoos ...