kobciyelogo

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Oo Beenisay Warar Ay Daabaceen Qaar Kamid Ah Shabakadaha Soomaalida.

Villa-SomaliaMuqdisho (AGGM): Saraakaal lagu kalsoonyahay oo ku sugan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in qoraalo ku soo baxay Webside-yada soomaalida ay tahay mid aan waxba ka jirin

Sarkaal katirsan Xukuumadda Somalia oo codsaday in aan la shaacin Magaciisa ayaa Tilmaamay in Qoraalo kusoo baxay warbaahinta ay tahay mid lagu jah-wareerinaayo Xukuumadda Somalia waxa uuna sheegay Sarkaalkaasi in Xukuumadda Somalia aan lagu sameyn doonin wax isbedel ah inta ay ka dhameysato waqtigeeda, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Qoraalo ku soo baxay qaar kamid ah Webside-yada Soomaalida  ayaa sheegayay in Madaxweynaha uu ka fakiraayo sidii uu xilka uga qaadi lahaa Raisul wasaare Saacid waxa ayna qoreen in madaxweynaha uu doonaayo in xilka Raisul wasaaranimo uu u magacaabo Ismail Maxamuud Hure ”Buubaa” oo kasoo jeeda dhanka Somaliland Hayeeshe arintaasi ayay Xukuumadda ku sheegtay in ay tahay hadal mala’awaal ah oo ay iska daabaceen warbaahinta

Qoraalada uu Sarkaalka xogta nasiiyay ku tilmaamay inay  Been abuur ahaayeen ayaa waxa ay ku soo beegmaayan Xilli Raisul wasaare Saacid Horumar la taaban karo uu ka sameeyay maamul wanaaga qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya, waxa uuna Booqasho kala duwan kusoo baxshay Gobolo laga saaray amaba laga xoreeyay Argagixisada Somalia.

Haba yaraato’e ma ay jiraan wax khilaaf ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya cidi sugaysana in ay is khilaafaan waqtiga ayaa uga dhumaya iyagoo leh khilaaf baa jira, run ahaantiina waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka fadhi ku diriryada iyo webside-yada wararka beenta ah kaga sheekeenaya amaba ku daabacaya inay dalkooda u soo laabtaan oo ay ka qayb qaataan dib u dhiskiisa inta ay ku mashquulayaan waxaan dani ugu jirin dadkooda iyo dalkooda. waa sida uu hadalka u dhigay’e.

Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka ayaa si kulul u beeniyay Qoraalada laga baahiyay Raisul wasaaraha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dadkii beentaasi baahiyay ay fadeexo soo wajahday isaga oona sheegay in sababta Golaha wasiirada loo yareeyay tahay in aan mudane lagu sameyn wax xil-qaadis ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. wadaad yare says:

    Dadbaa doonaya inuu qalalaase dhaco oo fowdada lagu sii jiro.Laakiin inta wanaagga dantoodu ku jirto ayaa ka badan inta qalalaasaha ka helaya danaha khaaskaa. Ra,iisal wasaaruhu waa nin muxtaram ah oo howl kar ah sida ka muuqata,laakiin nin is tus tus iyo is muujin dan ka leh uma ekee howshiisu sida ugu sahlan oo uu gudan karo ayuu u gudanayaa.

    Dadweynaha intooda badan wax qabad ayey ku qiimeynayaan raa,iisal wasaaraha,laakiin madaxweynaha inuu kulleetiga ku dhegey kuma qiimeynayaan. Saddexda nin ee dalka u sarreeya haddii nin kastaa howshiisa si daacadnimaa u qabsado maxaaba isku dhac keenaya?

  2. Abdirahman says:

    Raisal wasaare saacid ma hshaquu hayaa hada
    waa kaa culusow uu xildhibaan mareykan ah eeraboorka uga hortaayo, marka miskiinkaan fila soomaaliya ku sixran hadii la badalo iyo hadii uu joogo waa isku mid.

  3. MAAYMAAY says:

    War ilaahay kacabsada wadanka fowdada kadaaya wadamada aad joogtaan umadbaa hagaajisatey ee lama huraankaada wanaagisa kafeker

  4. xildhibaan airport logu tago ma sha qaa mise waa xurmo duliyahow nooci dameraha lagu dhaan sanjiray baatahay maxaad ka taqaanaa in xil la qabto hadad ba u taqanaano xil laqabto in xildhibaan xun madaxdi u sareysay dal soo dhaweyan madax weynahaanba arintaas ogu xanaaqsanahay oo magiciisa hoosgeyay

  5. LABI YAAL says:

    II MAAN LAAWE YAASHII BAA MA MALAFSANAYA OO LEH MAXAAN CUNAA OO MAXAAN DHACNAA OO DOONAYA INAY SOO CALIYAAN. FILIMADII HORORKA AHAA EE AY UMADU KA DAASHAY MADAX IS QAQABSATA WAA WAX DIB NOODHIGAY 22SANO EE SOO MAALIYEY HOREY HA LOO SOCDO

  6. Geeel Qaaad says:

    Raisal wsr booyaaso aha sacid kahor lama arkin runta sheega ninkan shaqadiisa wuu ka jiifaa

  7. Kacaan says:

    War caqli xumadaan bal ila arka? oo hada haduu Madaxweynuhu damco inuu Raysal Wasaaraha xilka ka qaado ma ka qaadi karaa horta?

    Cid aan Baarlamaanka aheyn oo Raysal Wasaaraha xilka ka qaadi karta majirto ee nacnacda Mahbarka iyo Adoontooda Cagdheer oo waxay ku shubaanba ku hadaaqaya waxba nacnacdooda ha raddinina. Waa dad siyaasada looga adkaaday oo caalwaa ah e.

    Waxay qaylqayliyaanba waa maalmo yar iyo inta Ajnabiga meel la saarayo. Markaas iyagaa sidii gabar ugub u xishoon doona sidoodii.




Wararkii Ugu Danbeeyay

jj Q.M oo kumanaan ciidan utababareysa Somaliya
- Apr 25, 2014
Q,M ayaa sheegtay inay dawlada Soomaaliya ka ka taageerayso abuurista ciidamo gaar ah oo ...
kh_1_2 Dhageyso:Ciidamo DFS ka tirsan oo Shabellaha Hoose ku dagaalay
- Apr 25, 2014
 Afgoye(AGGM):Ciidamo kawada Tirsan Milatariga iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa ku dagaalamay Deegaanka Warmaxan ee Gobolka ...
enmuungaab Dhageyso:Muungaab waan Furayaa Wadooyinka Muqdisho ee Xiran
- Apr 25, 2014
Muqdisho(AGGM):Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab"ayaa sheegay in Maamulkiisu u Furayo wadooyinka ku ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Maxuu Yahay Shirka Ka Socda Magaalada Kismaayo, Yaase Ka Dambeeya?
- Apr 24, 2014
dhexeeyaan beelaha Sade iyo Kablalax iyo baroor diiqa aanu ugu magac darnay Yaa Daaroodeey. Shirkan ...
somali_bank Horjooge Cabdiweli Sheekh Oo Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Bangiga Dhexe U Magacaabay Bashiir Ciise Cali Iyo Maryan Cabdullaahi Yuusuf.
- Apr 24, 2014
magacowday Bashiir Ciise Cali oo si ku-meel-gaar ah xilka u hayay. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Xabsiyada Kismaayo Dadkii Heyb Ahaanta Looga Buuxshay Oo Weli Xiran Iyo Odayaal Dhabana Gudaha Kismaayo Iskaga Dhunkaday.
- Apr 24, 2014
heshiisiin ah iyo wadhadal oo u dhexeeyay beelaha Sade Iyo Kablalax. Shirkan ayaa sidoo kale ...