kobciyelogo

Xaflad Lagu Soo Dhaweenayay Madaxweeyanaha JF Soomaaliya Oo Ka Dhacday Magaalada London. *Daawo*

london-1London (AGGM): Munaasabadan balaaran oo ay xalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London u qabteen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ujeedadeedu waxa ay aheyd in ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynahooda islamarkaana ay kala hadlaan xaalada wadanka uu Marayo iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed ee kunool Dibadaha gaar ahaan wadanka Ingiriiska.

Waxa kasoo qeybgalay xafladii xalay madaxweyne Xassan Sheekh, xubnaha wafdiga lasocday oo ay kamid yihiin Ra’isul wasaare kuxigeen ahna wsiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Saraakiil kasocotay xafiiska madaxweynaha iyo dad Soomaaliyeed oo aad u Farabadan islamarkaana isaga kala yimid magaalooyinka dalkaasi.

Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay munaasabada soo Dhaweynta aheyd oo ay ugu talagaleen madaxweynaha iyo wafdigiisa Waxayna bogaadiyeen horumarada ay dowladu ku talaabsatay iyo dadaalka ay madaxda Qaranku ugu jiraan soo nooleynta xiriirka caalamka iyo Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa khudbad dheer oo uu uga hadlaayo xaalada dalka u Jeediyay dadka Soomaaliyeed ee soo dhaweynta u sameeyay waxa uuna ugu Horeyn uga mahadceliyay jaaliyadda soodhaweynta ay u sameeyeen isagoo Warbixin kooban kasiiyay xaalada dalku uu xiligan marayo iyo isbedelka ay ka Sameysay dowlada cusub ee uu hogaaminayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa kusoo hadal Qaaday aqoonsiga dowladaha caalamka ee Soomaaliya iyo xiriirka cusub oo uu dalku layeeshay caalamka ayaa waxa uu tilmaamay in aqoonsiga dowladu ay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya wanaag walba oo laga dhaxlana ay Qeybsan doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ayuu madaxweynuhu khudbadii uu xalay u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool dalka Ingiriiska waxa uu uga hadlay imkaaniyaadka ay dowladu u baahantahay iyo kaalinta ay dadka qurbajoogta ah ka qaadan karaan waxa uuna ugu baaqay in ay kaalin muuqata ka qaataan horumarka Wadanka iyo kharashaadka loo baahdo.

Madaxweynaha jamhuuriyada ayaa socdaal ku marayo dalal katirsan Yurub Ujeedadiisuna waxa ay tahay inuu dib usoo nooleeyo xiriir cusub oo ay Dowladaha caalamku layeesheen dowlada iyo dalka Soomaaliyeed iyadoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa wadan kasta oo ay tagaan islamarkaana Soomaali ku nooshahay loogu sameynayo xaflado soo dhaweyn iyo is wareysi ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Gen.-Cabdirisaaq2-500x333 Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.
- Apr 17, 2014
gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Abaanduulaha oo garoonka Kismaayo kula hadlay warbaahinta ...
kay1-150x150 Maxaad ka Taqaan Nicholas Kay iyo Siyaasaddiisa Qaybi oo Xukun ee Soomaaliya? W/Q.Abdiweli Hassan
- Apr 17, 2014
Boqortooyada Ingiriiska, waana rug cadaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibadda ...
barre-hiiraale2 Dhageyso: Col. Barre Hiiraale oo gaashaanka u daruuray ergo ku sheeg ay u direen Axmed Madoobe, Fartaag iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.
- Apr 17, 2014
ay abaabuleen Axmed Madoobe, Fartaag iyo ra’isul wasaaraha aya lagu soo waramaya in ay ...
top-news Dhageyso: Haweenka Soomaaliyeed “Jabhad ha la isku dhiibo, xal uma ahan Soomaali”.
- Apr 17, 2014
Axmed, iyadoo si adag uga dhiidhiyey hadalka ka soo yeeray Cabdiwali Sheekh Axmed, waxaa ...
xiirane11 Waa Sawirka Iyo Heesteena Maanta Iyo “Kani Galbay Ku Kale Mooyee, Waan Guulanee”.
- Apr 17, 2014
Waan Guulanee". Halkan Hoose ka dhageyso Heesteena Maanta. [audio mp3="http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Kani-Galbey-ku-Kale-Mooyee-Gobanimo-Doon-Song-Somali-Music.mp3"][/audio] Sawirka Akhriso, qoraal umma baahna. Isha Ku Hay ...
Warbixin Dhageyso: Dr. Xasan Qaasim Afhayeenka ciidamada dawlada ee Jubbaland“ Ra’isul wasaaraha diyaaradii AMISOM ayuu amray inay na duqeeyaan”.
- Apr 17, 2014
Cabdiwali Sh Axmed uu ka abaaray xalka jubbooyinka meel qaldan, isagoo hareer maray qodobadii ...