Warbixin: Kismaayo Oo Ay Ka Taagan Tahay Maamulka Waan Diidnay Iyo Al Shabaab Ayaa Tahay Haddaad Diido Maamulkaan Wadano.

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaas xabsiga loo taxaabay dad gaaraya ilaa 50 ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin falaagada Al Shabaab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dadka maanta la xir xiray badankood lagala soo baxay guryaha ay ka daganaayeen magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda si aad ah ugga socda qofkii looga shakiyo inuu diidan yahay amaba saluugsan qorshaha maamulka loogu sameenayo Jubooyinka iyo Gedo in lagu shaabadeeyo waxa uu ka tirsan yahay amaba ka tirsanaa falaagada Al Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii mas’uuliyiin u dhashay beesha Sade ay hanjabaad u jeediyeen odayaasha dhaqanka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo iyada oo ay odayaashuna ugu jawaabeen qolyihi u hanjabay waxa ay sameen karaan in ay sameeyaan.

Waxaa soo noq noqday hanjabaad iyo hunbaalaynta lagu hayo waxgaradka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo iyada oo aysan jirin wax ay ka qabatay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha kasoo jeeda beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Waxaa jiray dilal iyo jirdilo loo geeystay dad kasoo jeeda beesha Sade oo illaa hadda aan loo soo qaban cidi falalkaas fulaynimada iyo waxuushnimada ah geesytay.

Isku soo wada duub oo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay haatan u muuqataa dhari si aad ah u karaya oo aan la garanayn waqtiga uu daboolka ka dhici doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (15)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

La-doon-doonayo-300x107 TOP NEWS: Booliska Kenya oo soo bandhigay rag ay raadinayaan oo Alshabaab noqday
- Dec 19, 2014
Booliska Kenya ayaa magacaabay labo ka tirsan saraakiisha Al-Shabaab ee dhalasho ahaan ka soo ...
top-secret-500x497 Top Dhageyso xog cusub:- Maamulkii Madoobe Nuunow oo burburay kadib markii uu la midoobay 3-da gobal
- Dec 19, 2014
Masuuliyiin ka tirsan maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow Maxamed ayaa daboolka ka qaaday ...
top-news Dhageyso: Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali “Somaliland Caburin Ayay Ku Haysaa Dadka Reer Awdal”..
- Dec 19, 2014
Iyada oo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorame ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo ...
Xildhibaan-Jeesow-1 Top Dhageyso: Xildhibaan Jeesow ”Kismaayo waxaa xoog ku qabsaday hoggaamiye beeleed, sharcina ma ahan magaca la dhaho Jubbaland”
- Dec 19, 2014
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul kaga hadlay arrimo ku saabsan maamulka magaalada ...
download-17 Maxaad Ka Ogtahay Basasha Iyo Faaidooyinka Aan La Ogeyn Oo Aay U Leedahay Timaha..
- Dec 19, 2014
Inkastoo basasha leedahay ur kulul oo aan loo dul qaadan karin hadana waxaa la ...
hot news Dhageyso:Haweeney ku sugan Marko oo kashiftay ciidamada AMISOM(Sir culus)
- Dec 19, 2014
Magaalada Marka ee G.Hoose waxa xaafadaheeda kala duwan laga soo sheegayaa in ay ka  ...