War-Saxaafadeed: Shirkii Golaha Wasiiradda Ee Maanta Ku Yeesheen Magaalada Muqdisho.*Daawo Sawirada Iyo Video-ga*

IMG_9621Villa Somalia (AGGM): Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.

Ugu horreyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Hormarinta Adeegga Bulshada, Drs Maryam Qaasim, waxayna tafaasiil ka bixisay shir caalami ah oo ay dhawaan kaga soo qeybgashay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayay arrimaha bedbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka, waxana ay sgheegtay in  shirkaasi ay ka soo baxeen qaddobo muhiim ah. Drs Maryam Qaasim waxa sidoo kale xustay in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka wada hadleen sidii loo hormarin arrimaha adeegga bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan  waxbarashada.

Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday Isbedelka ku yimid Sarifka lacagta dollar-ka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare “Saacid” sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, Isagoona  guddi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda  iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada u saaray sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

IMG_9621

IMG_9644

IMG_9623

IMG_9639

IMG_9624

IMG_9634

IMG_9637

IMG_9699

IMG_9691

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

xildhibaan Xildhibaan Mataan “Waxaan Si Cad u Diidannahay Mooshinka Aan Sharciga Waafaqsaneyn Ee Laga Keenay Madaxweynaha”
- Sep 1, 2015
Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubno ...
Breaking_News FAAH FAAHIN : Al Shabaab weerar Culus kula wareegay Xero ay ku sugnaayeen Ciidamada AMISOM oo ku taalla Janaale
- Sep 1, 2015
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya ...
terror shabaab TOP : Al Shabaab oo gooyay Buundada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose
- Sep 1, 2015
Wararka kale ee aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in ...
big-nunta-la-tiraspol-sevciuk-si-stanski-se-casatoresc-262x270 DHACDO CUSUB : Madaxweyne Guursaday Wasiirkiisa Arimaha Dibadda.
- Sep 1, 2015
Madaxweynaha Transnistria Yevgeny Shevchuk ayaa isniintii shir jaraa’id ka sheegay in uu guursanayo wasiirka ...
gudoomiyaha ceelbuur TOP : Maamulka Ceelbuur oo ka warbixiyay dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmadaasi.
- Sep 1, 2015
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa faah faahin ka bixiyay ...
SHABAAB WARBIXIN: Warar dheeraad ah oo aynu ka heleyno Xerada la weeraray ee deegaanka Janaale.
- Sep 1, 2015
Wararka dheeraadka ah ee aan ka heleyno deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ...