Taageerayaasha ARSENAL Oo Ku Taliyey In Tababare Wenger Is Casilo.

arsenalLondon (AGGM): Tababare Arsene Wenger ayaa ka hadlay sida uu dareemayo xanuunka guuldarada kulankii xalay ay guuldarada 1-0 ka soo gaartay Blackburn Rovers islamarkaana ay uga hareen koobka FA Cup.

Taageerayaasha kooxda Arsenal ayaana ciyaarta ka dib ku baaqayay inuu shaqada isaga tago Wenger oo Arsenal soo hayay muddo 16 sanadood ah, islamarkaana kooxda Gunners aysan wax koob ah ku guuleysan muddo 8 sanno ku dhow.

“Bilowgii ciyaarta 11 ciyaaryahan heer caalami ah ayaa garoonka inoogu jiray. Kubad inteeda badan waan heysanay, Blackburn si fiican ayay u difaacatay. Waxaan goolka ku harqinay 16 darbo, kaliya iyaga waxa ay heleen hal darbo” ayuu yiri.

“Waxaan sameynay qalad weyn goolka ay inaga dhaliyeen, inaan ciyaarta badinana kuma aanan fiicneyn, waa wax sidaas u fudud.

“Ma jirto guuldarro la aqbali karo. Waxaad shaqadan ugu jirtaa inaad badiso kulan kasta”

Arsenal ayaa haatan wajihi doonta suurtogalnimada ay xilli ciyaareedkii 8aad ku dhameystaan koob la’aan, hadii aysan ka sii muuqan Champions League oo habeenka talaadada ay wajiji doonaan Bayern Munich.

Taageerayaasha marti loo ahaa kulankii shalayto ayaana soo bandhigay sida ay uga careysan yihiin natiijada kooxda, iyagoo ciyaarta marka ay dhamaatay ku ooriyay tababare Wenger iyo ciyaartoydiisa.

“Ma dooneysid in taageerayaashaada ay faraxsanaadaan marka gurigaaga ay kaaga badiso Blackburn oo hal fursad kaliya heshay” ayuu yiri Wenger.

“Waa wax aad u xanuun badan, waana wax laag xumaado in ciyaar sidaasi la inoogala badiyo. Waxa muhimka ah ayaa ah inaan hada diirada saarno kulanka soo socda.

Wenger ayaa hadalkiisa raaciyay: “Xilli ciyaareedkan ma uusan dhamaan. Malaha dhankiina waa ka dhamaaday, laakiin aniga dhankeyga kama dhamaan.

“Hadii aan niyadjab dareeno gabi ahaanba qalad ayay inagu ahaan laheyd. Kulan weyn ayaa ina sugaya habeenka talaadada, waana inaan soo bandhigno inaan jawaab ka heli karno kooxda.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

furre FADEEXAD DAAWO: Gaashaanle Sare Xaashi Bulxan Maxamed (Xaashi Furre) “Gurigeyga Waa La Dhacayaa, Anigoo Ah Kornayl Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Laba Xidigle I Xiray.
- Sep 5, 2015
Kornayl Xaashi Bulxan Maxamed (Xaashi Furre) waxa uu ka tirsanaa saraakiishi Ciidmada Xooga Dalka ...
qoys-150x150 Qiso Cajiib Ah Muxuu Sameeyay Wiilkii Ka Dhashay Qoyska Faqiirka Ahaa Ee Waayay Wuxuu Cunno..
- Sep 4, 2015
Wiil Arday ah oo ka Dhashay Qoys Faqiir ah ayaa wuxuu waayay wax uu ...
unnamed (1) WARSAXAAFADEED : Madaxweyne Xasan Sheekh ”Soomaaliya Iyo Talyaaniga Dhinacyo Badan Ayay Iska Kaashan Karaan”.+Sawiro.
- Sep 4, 2015
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ...
XILDHIBAANNO Xildhibaan Mataan “Xildhibaanada Mooshinka Wada Ayaa u Baahan In Iyaga Lala Xisaabtamo”
- Sep 4, 2015
Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka ...
top news2 Bilyuuneer Masaari ah oo Ka Codsaday Giriiga iyo Talyaaniga In ay Ka iibiyaan Jaziirad si ay Qaxootiga ku Noolaadaan
- Sep 4, 2015
Ninka ugu Taajirsan Masar Najiib Sawiras ayaa soo jeediyay in uu doonayo in uu ...
Ceelbuur WARBIXIN : Amniga Degmada Ceelbuur Oo La Adkeeyay Iyo Mas’uuliyiin Ku Wajahan Degmadaasi.
- Sep 4, 2015
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee ...