Gobolada Dhexe: Maxaa Guddoon La’aan Dhigay? W/Q. Bashiir M. Xersi

MaqaalMaqaal: Horta Gobollada Dhexe waa meeqa? Ma saddax gobolbaa mise waa labo? Micnaha ma HIIRAAN, GALGUDUUD iyo MUDUG baa, mise waa: MUDUG iyo GALDUDUUD oo kali ah? Aqriste, jawaabta aan kuu daaye, bal ila dhiraandhiri qormadan, ku qaabsanaa doonta bartmaha Waddanka.

Sida jawaabtu noqota, dadka Gobollada Dhexe waxay ku soocan yihiin AFTAHNNIMO, CODKARNIMO, GEESINNIMO, DEEQSINIMO, WADAAG DANAYN, IWM. Dabcan kama marna dirir iyo colaado. Oo taa waa dabeecadda aadanehee goobo badan oo Waddanka ka mid ahna ka dhacday.

Waxaa lagu xasuustaa, inay ka mid ahaayeen deegaannada fara ku tiriska ah, ee aan laga helin xilligii HALGANKA XORMNIMO DOONKA, wixii loo baxshay: PRO ITALIANO, oo ah axsaabtii raacsanayd siyaasadda Talyaanigi Waddanka ku hagayey.

Dhanka kale, in kasta oo aysan jirin maanta QOLO WAYSO U DHAWRSAN TAHAY, haddana, dadka Gobolladaa waxay caan ku yihiin inaysan shisheeyaha u kaba qaadin, hor iyo haddaba. Wixii dani ku bidday ah iyo damac bursi waa gaarkeed. Ha u qaadan inaan u qiilanayee, aan iyana intaa ku daayo.

Qalalaasihii Siyaasadeed ee dalka ka dhacay ka dib, waxaa hoggaanka qabtay qawlaysato qabiillo ku daaban. Dad iyo duunyo aan dan ka lahayn. Sida loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa ISKAASHI, mar ahaa DUULLAAN, mar kale ahaa DIIMAYSI, marna ahaa MAAMUL wadaag.

Inta laqdabada iyo luggooyoda loo heellanaa marka dhan la iska dhigo, midda dhaxal reebtay waa; iskaashiga iyo maamul wadaagga kan lagu saleeyey, oo noqday furaha nolosha, deegaanno dhawr ahna lagu helay naruuro yar oo nabad iyo nagaadi ah, yeysanba buurnayn, oo wax la’aan ayey dhaantaaye. Aqriste, ma is tiri Gobolladan tan baa ka maqan?.

Qasku wuxuu gaaray heer AQOONYAHAN iyo INDHEERGARAD lagu diimay. Cabsi iyo inaysanba jirin midba. Sidii loo walaahoodayey, ayaa mar qura waxaa DILLAACAY DAACUUN DIIMEEDKII ka dhashay DACAR DUUGNEED muddo aan QARNI ka yarayn. Waxaa la islahaa Wadaadada iyo Diinta wax dhaama ma lahan. Waa maroo iyagaa dadka Alle uga dhaw aqoon iyo garasho awgeed ama ugu dhaw cabsi iyo cibaad darteed. Waa marka kalee, waxaa dadku halkudhag ka dhigteen haddaan la qabsan XARIGGA ALLE inaan dawlad iyo maamul dhismayn!

Inta dhacdo la warsho ee ku saabsan sir wadaad ma yara. Run iyo mala’awaal miday tahayba, waxay muujinayaan sida loogu kadsoomay sheekadii WADAADU wadeen. Sidoo kale, waxay ka dhigan tahay sida loogu hungoobay XARIGGII ALLE ee la lahaa wuxuu unug u yahay dalwad Soomaali oo dhisanta. Oo kaalay inta dunida dawlado ka dhisan ma XARIG ALLE ayey wada haysan? Maxaa keenay in maamullo u dhisan yihiin, anaguna aan eber u taagan nahay wali, anagoo waliba isku day samaynay? Maa runta la abbaaro oo madax geed la dhaca nalaga daayo? Haddii kale, maalin walba NIMAN aan jirin ayaa sal kicin doonee.

Haddii XARIGGII ALLE xirmi waayey, ee meeshii laga sugayey in lagu diirsado dhib kalaba abuurmay aan ka xusi karo AHLUSUNNADA GOBOLLADA DHEXE. Maalintii ay qoriga qaateen ee ay iclaansheen inay ALSHABAAB iyo QUWADDA SHARTA ku JIHAADAYAAN, lama hayo wax yool ah oo la gaaray, ha noqoto dal xoraysan ama deegaan nabadee, oo dabcan maamul iyo kala dambayni ka jirto.

Ayaan darrada baase ahayd, in JIHAADKII noqday JIDGOOYO cusub. Illeen talo Tigree iyo tab Xabashi ayaa tubteeda la qaadaye. AHLUSNNA ha iska caabinayso falalka gurracan ee ALSHABAABE saw iyaguba ma ahan DHAL AMXAARO? Micnaha saw ma ahan dhisme Amxaaro samaysay ee ay walibana fangarayso ciidan ahaan iyo cudud ahaanba? Mise iyaga AWLIYO iyo MALAA’IG ayaa ka garab dagaallanta, oo Xabashi uma baahna? Isma dhihin!

Midda aan qofna dood ka qabin yaa ah; in qofkii ku dhiba, ee dhabbaqo iyo shidaad kaa dayn waaya, aysanna jirin qof kaa celisa ay xaq tahay in aad u doonatid wax kaa hor istaaga, SHAYDAANBA ha noqdee. Malaha waana midda AHLUSUNNO xoogga saartay, hadday taa ku guulaysatay, maxaa xigay? Waa qodobka aan qoramada ku falanqayn doono.

Saddax sano ka dib, DEEGAANKA GOBOLLADA DHEXE yaa taladiisa gacanta ku haya? Haddii qorshe daba dheeraado, wuxuu keenaa daldaloollo badan, sidaa awgeed, kan AHLUSUNNA isagaaba markii hore iska daldaloolaye, maxaa yeelay haddaad AL uga gabbanayso AL kale inaadan meel dheer gaarayn way muuqataa. Waxaan uga jeedaa, caqli ahaanWADAAD waa WADAAD, ee waxay ahayd inWADAADADA SUBAGLAYDA ah aan loo dayn kaaligood maamulka deegaanka. Ma ahan inaysan wax ku lahayn ama loo diidayo, ee waa iyaguba inaysan ka aragti gaddisnayn kuwa ay iska caabbinayeen dhanka maamulka iyo awood qaybsiga.

Waxaan uga jeedaa, maamulku waa inuusan salka ku hayn wadaad iyo warkii. Illeen wadaadku inuu Aadane yahay ka sokow, waxaaba nooga filan inta aan indhaheenna ku aragnaye, oo dib dambe aannaan ugu dagmin. Waa haddii la doonayo nolol iyo naruuro. Haddiise ay tahay inta ka sacabba jafatid seerada ha loo daayo waa gaar, waana midda aan ka baqayo inay iminka hirgali rabto, haddii aysan hirgalinba.

Sida loo kala guuray ee kala geeddi loo noqday ayaa loo kala degay. Degid deegaan iyo mid dareenba. Haddana meelaha aan wali degin waxaa ugu horreeyaa deegaannada ay ka arrimyaan AHLUSUNNA ee GOBOLLADA DHEXE. Waa inaan is weydiinnaa waxa keenay arrintan? Waa inaan u helnaa jawaab. Illeen intaa waqtigu waa socdaaye. Maalin walba oo na dhaaftaa dib u soo noqon mayso, haddaan lagu gudan waxqabadkeedee.

Dib u milicso maalintii ay hana qaadeen ilaa iminka, lama haayo tallaabo horumareed oo ay qaadeen ee leh; xag ammaan, xag maamul, xag dib u hesheesiin, xag dib u dhis, xag dib u dejin IQB. Laga yaabee aqriste, inaad is leedahay; haddi waxaad nimankan weydiinaysaa waa hawshii looga fadhiyey dawladda dhexe? Waxaanse kuugu warcelinayaa inaan waxqabad walba looga fadhin dawladda dhexe. Maxaa yeelay qofkii xil qaaday ee deegaan matala waa inuu ka soo dhalaalaa. Haddii kale, magac uun muxuu qaban?.

Saddax sano oo hurmar la’aan ah. Saddax sano oo nabad la’aan ah. Saddax sano oo colaad ah. Saddax sano oo khilaaf ah. Saddax sano oo magacaaw iyo casilaad ah. Saddax sano oo shirar ah. Saddax sano oo ay Aadis iyo Muqdisha u dhexeeyeen. Guusha ay gaareen waa uun inay ka mid noqdeen LIXDII SAXAL ee isku meeray ka arriminta aayaha Soomaaliya, ee uu maanta ka dambeeyo Mudane Faroole oo isna sii liiqliiqanaya.

Saddax sano oo qasaaro iyo macna la’aan ah ayaa na dhaaftay, haddana, bal aan su’aal dhigee, TALA XUMADA AHLUSUNNA MA TOL LA’AAN AYAA U WEHLISA? Dabcan, doodda ugu weyn ee ay soo jeedin doonaan, waa inaysan xoogba u helin si ay u dhisaan maamul, oo ay ku mashquul sanaayeen safka hore iyo sirta dirirta.

Axmed C/salaam ayaa hadda ka hor damcay qorshe ah inuu isu keeno siyaasiin iyo odoyaal ka soo jeeda deegaanka. Haddana, nasiib darro, isku daygaa waa dhicisoobay, ka dib markii qarax lala eegtay Maqaayad ku taalla Magaalada Dhuusamareeb, oo ay ku geeriyoodeen XildhibaanYusuf Mire Seeraar iyo C/wali Aw Muxumed, kuna dhawaacmay Axmed C/salaan oo ahaa Aabbaha aragtidan watay. Aqriste, siduu u dhawaacmay adigu ma aragtay wax sheegayaa fikreddaa, hadday jiraanse, intee ayey la egyihiin? Waxaaba la dhihi lahaa: WAA GABLAN AAN GABBAAD LAHAYN! Aanba dabciyo si aan la ii dhihin waa Habaarramayaaye, aragtidaa waxay ku dhawdahay inay noqoto mid aan la hirgalin doonin, illeen wax warkeeda sheegayaba maba lahane.

Dhawaan waxaa kulan dhex maray labada maamul ee GALMUDUG iyo XIMAN iyo XEEB waxaa la isla qaatay in heshiis iskaashi dhex maro labada Maamul. Taa oo run ahaan u muuqatay tallaabo hore loo qaaday, ayaa ayaan darro maalmo ka dib, waxaa shir lagu qabtay Magaalada GAALKACYO oo u dhexeeyey AHLUSUNNO iyo GALMUDUG.

Shirka dambe, ee AHLUSUNNO iyo GALMUDUG waxaa ka biya diiday Mamulka XIMAN iyo XEEB. Sidoo kale, waxaad garan kartaa beelaha kale ee deegaanka wax ka deggan haddii aysan dhawaq ku muujin inaysan raalli ka ahayn. Waa maroo in maamul iyo Wadaaddo go’aan gaar ah ka gaaraan dadka intiisa kale, ma ahan wax dhici kara. Waa marka labaade, in aan maamul u samaynta deegaanka qolo gaar ah isku gooni yeelin. Waxaa la yiri: “Xaglo Geel wax Guntiga la galiyaa ka weyne” Labada shir waqti badan uma dhexeyne, maxaa midna loo oggolaaday, midna shaki uga yimid?.

Warcelinta sida ay aniga ila tahay, waa sidan: horta AHLUSUNNO maamul ma ahan, ee waa JABHAD ku kacsanayd ALSHABAAB. Halka labada kale yihiin maamullo ay dhisteen dadka deegaanka, aanna hoos tagin aragti diimeed iyo magac wadaad midna.

Sidaa awgeed, marka la wada hadlayo ama wax la wadaagayo, waa in la helaa isu dhigmaasho iyo wadiiqo. Waxaan uga jeedaa, Maamulka Ximan iyo Xeeb ilama ahan inay diiddan yihiin Odayaasha ama Siyaasisiinta degmooyinka Dhuusa mareeb, Guriceel, Matabaan IWM inay la xaajoodaan ama wada hadal la galaan, ee waxay ka biya diiddan yihiin waxay tahay Wadaad AL wata. Beelaha kalana sidaa oo kale ka soo qabo.

Ha is dhihin inay iyaguba ka maran yihiin. Balse, markan gar wadeen uma aha, taa darteed, waa in la helaa rag badali kara magaca AL, haddii kale, dadaal walba wuxuu ku dhammaan natiijo la’aan. Waaba haddaan la sii kala fogaan ama dirir kale dhicine, Allow naga haay adaa qaadiree.

Waxaa xusid mudan hadal uu yiri Madaxa Maamulka Galmudug Mudane Cabdi Qaybidiid, oo nuxurkiisu ahaa, inuu soo dhawaynayo qof walba oo ka qaybqaadanaya sidii loo ballaarin lahaa Maamulkaa. Taa waxay keenaysa in xoogga la saaro is dhexgalka wax wadaagga iyo wax qaybsiga dadka deegaanka Gobollada Dhexe. Run ahaan aragtidaa waxay u baahan tahay in laga mira dhaliyo, oo dadaal iyo waqti badan la galiyo.

Tan kale ee muhimka ah ayaa ah in AHLUSUNNA aysan beel ahayn, deegaankaana waxaa dega waa beelo. Dadka beelahaa u dhashayna qasab ma ahan inay feker diimeedka AHLUSUNNA wada aaminsan yihiin. Sidaa awgeed, waa inaan lagu degdegin heshiisyada lala galayo Urur Diimeedka Ahlusunna. Maxaa yeelay inta aragti Diimeed jirta ayey qayb ka yihiin.

Dhanka kale, marka la leeyahay Guddi Aqoon yahanno ayaa la magacaabayaa, waa iga su’aale, Aqoon yahan aan meel uu ku daaban yahay la garanayn, sidee loo soo xulaa? Ha la soo xulee maxaa lagu soo xulaa? Ma waxaa qaybsanaya Galmudug iyo Ahlusunna? Saw deegaanka ma degana in ka badanTOBAN BEELOOD? Aawaye beelihii kale, mise labadaa beel kaliya ayaa go’aan ka gaaraysa inta kale ee ka maqnayd shirka? Iyadoo waliba qaarkood caddeeyeen inay ka soo horjeedaan shirkaa.

Inta aanan talada u gudbin, aan mid kale ku daro. Dhawaan waxaa Gobolka Galguduud tagay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka. Socdaalkooda waxaa lagu sheegay inay u kuur galayeen xaaladda deegaanka ka jirta. Su’aasha ugu horraysa ee meesha taali waa; ma wada booqdeen dhammaan degmooyinka Gobolka?.

Tan kale, Xildhibaannada tagay ma qaraabo salaan ayey ahaayeen mise aragti siyaasadeed ayey wadeen? Waxaan uga jeedaa, gobolladaa u kuur gal iyo indha indhayn uma baahna. Haddii aysan ahayn sheekadu: “Anna waa i kan”. Maxaa yeelay qodobka in wax laga qabto u baahani waa maamul dhisid, ee waxba soo kordhin mayso booqasho iyo socdaal. Haddaan baashaal loo aadin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sadaxdii Wasiir ee ugu dambeeyey Dawladdii Shariif, waxay ka soo wada jeedeen Gobollada dhexe. Haddana, garaadkoodu ma tusin inay dadkaa dhan isugu duwaan. Taa badalkeed waxay ka qaybqaateen sii kala qoqobidda iyo kala qolaynta.

Midda aanan wali garan baa ah, marka gobolladaa laga hadlayo maxaa loo xusaa kaliya Qorraxsin, oo xeebta iyo bariga waxaad mooddaa inaysanba ka tirsanayn! Ee ka ballowda; Xarar Dheere, Ceel Buur, Ceel Qooxle Jacar, Bargaan, Gal Hareeri, Garab la’ Caga Cadde, Caws weyne, Budbud, Bood, Galcad, Ceel Dheer, Masaggo Wayn, ilaa xeebta Mareeg laga gaaro, oo ah dhul xeebaadka Gobolka Galguduud.

Sidoo kale,

Dhanka kale, deegaannada kale, ee ay xoogga ku haystaan KOOXDA SHARTA EE ALSHABAAB iyana cid u damqata ama u dooddaa ma jirto, haddaan loo arag iyagu inayba sharta xero u yihiin, taa oo garsoorka ka fog.

Qof walba oo GARAAD leh tallaabada in la qaado ay tahay ma ahan wax kale aan ka ahayn in:

-DHISME GOLE GUURTI XEER DHAQAN AH.

-GOLAHAN OO NOQONAYA MID U GOGOLXAARA ISFAHANKA BULSHADA GOBALLADA DHEXE una sameya dhabbaha ugu dhaw, ee lagu gaari karo DHISME MAAMAUL loo DHAN yahay.

-DHISME GOLE DHEXE, oo u hawlgala dhisiddaGUDDIYO FARSAMO ee leh AQOON YAHAANNO, CULUMO AWDIIN, GANACSATO IWM.

Ugu dambayn. Inta goori goor tahay, waqtigu anaguu nagu socdaaye, oo dhallaankeena ayuu ku socdaaye, hadda sida xaal yahay wax ha laga bedelo. Illeen wax ay cid wax soo waddaa ma muuqatee. Waxaan la yaabaa marka aan arko ODOYAAL ka soo jeedo Gobollada dhexe oo aragti iyo hadal ka dhiibanaya maamul u samaynta Jubbooyinka.

Maxay yeelay, waxaa la yiri: “TIISA DARYEELAA TU KALE KU DAREE” maxay ugu yaalliin deegaanno kale? Illeen iyagaanba meelna haysane.

Dhanka kale, waa in la isku dayo in wax laga badalo sidii hore, waa in la isu geeyo cududda iyo caqliga, lana hirgaliyo maamul. Dhawrkan qodob nimanka awoodi waayey inay hirgaliyaan wax loo sugaa aniga iima muuqdaan. Hubaal inay ku leeyihiin ama lagu leeyahay intuba waaba jiraan, haddana, sida ay u jiraan cid u garanaysaa ma jirto, illeen wixii dhan SHEEKH HEBEL baa wada hayee, oo hadda adigu kaalaay SHEEKHYO kala garo, war dhibkan jira bal eega.

Aan ku laabtee, Gobollada dhexe waxaa ka dhisan; GALMUDUG, XIMAN IYO XEEB IQB, inta kale, waxaanan u xusin sida kuwan oo kale meel rasmi ah uma maamulaan, marka laga reebo Hiiraan oo xaalkiisu gaar ah yahay oo xiriirna la leh dowladda dhexe, haddana, had iyo jeer qalalaaso ka jiraan.

Haddaba, haddii aan AHLUSUNNA dhinac loo dhaafin, deegaankaa waligii arki maayo maamul. Adba AL ku doorso AL kale! Waxaan ka wadaa haddii Alshabaab meesha laga saaray, ASHA kale ee Alsunnana waa inay raacdaa. Illeyn nidaam hadday keenayaan intaan deegaanku uma afduubnaadeene.

Haddaan laga hortagin maqaarsaarka ay soo waddo Xabashidu, ee ay la damacsan tahay Gobollada Dhexe, waxaa hubaal in ay noqon doonto deegaan aan xasilloonayn maamulna ka dheeraan doon.

Qorshaha gacan ku rimiska ah ee Xabasidu rabto waa maamul ay ku magacaaban yihiin AHLUSUNNA. Taa oo ay ka dhalinayso in ay sii kala dhantaalmaan deegaanna aanba hadda is haysan, ayna sii xoogaysato beelaysiga hadda ka muuqda saaxada siyaasadeed.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (8)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

axmed madoobe TOP NEWS:-Axmed Madoobe oo il gaar ah ku haaya ciidankii Goobweyn iyo cabsi soo wajahday
- Sep 2, 2014
Wixii ka dambeeyay imaanshiyaha magaalada Kismaayo ciidamadii Goobweyn, waxay aad walaac ugu beertay hogaamiyaha ...
deg-deg-muhiim19 XOG cusub oo aynu ka helnay duqeyntii Mareykanka ee Sh/hoose, saraakiil dhimatay, dhaawac iyo …. (MAGACYADA AKHRI)
- Sep 2, 2014
Shabakada AllGG oo baaritaan dheer sameysay ayaa ogaatay xog dheeraad ah islamarkaana ku saabsan ...
xog1 Qorashaha dagaal ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo (XOG LA HELAY)
- Sep 2, 2014
Waxaa dhawaan la filaayaa in dagaalo xoogan ay ka bilawdaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo ...
Somalia Al Shabab DEG DEG:- Hadda iyo dagaal cusub, Al-shabaab kusoo laabtay meel laga saaray & Huwanta oo u dhaqaaqday
- Sep 2, 2014
Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ...
top-news DEG DEG:- Al-shabaab iyo shacab kabteey aaway ku dhacday ka dib markii..
- Sep 2, 2014
Wararka ka imaanaaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in kala carar ...
jawaari DHAGEYSO:- Gudoomiye Jawaari oo maanta shirar la yeelanaya Bulshada Baydhabo
- Sep 2, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, wuxuu kula ...