Dowladda Iiraan Oo Sameysatay Diyaarad Dagaal Oo Aysan Qaban Karin Raadaarada.*Daawo Sawirada*

plane 1Tehran (AGGM): Xili Dowlada iiraan u Muuqato awooda carbeed marka laga Reebo dalka Masar iyo Suriya oo dagaalo ka socdaan ku dhawaad 2 sanao ayaa saacado ka hor waxa uu Madaxweynaha dalkaas ka qeybgalay xaflad lagu soo bandhigayay dayuurad dagaal oo madaxda dalka Iiraan ku tilmaameen inaysan arki karin raadaarada.

Madaxweynaha dalk Iiraan Axmedinajad oo Dalka Iiraan ku soo dhaqayay sanadihii la soo dhaafay siyaasad horumar leh ayaa ka Qeybgalay xafladaas waxa uuna ku Tilmaamay diyaaradaas in ay tahay mid lagu Hor marinayo Difaaca wadanka maadaama  wadanka uu leeyahay cadow badan.

Axmedinajad  ayaa sheegay in Dowlada Iiraan ay samaynayso wax walba oo ay ku Difaacayso dadka iyo dalka Iiraan. Sidoo kale  Dayuurdan ayaa  lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Tehran lagana daawaday taleefishinka dalka Iiraan ayaa madaxweyne Axmedinajad waxa uu sheegay in dayuuradan ka mid tahay dayuuradaha dagaalka loo isticmaalo kuwooda ugu horumarsan.

waxaa lagu Beegay xafladan 34 guurada kacaankii ka dhcay dalka Iiraan 1979kii, 10- cisho ka hor ayay ahayd Markii Dowlada Iiraan ay soo bandhigtay gantaal loogu magic daray Pishgam kaas oo uu saarnaa daayeer nool, waxana uu gantaalkan gaaray fogaan ah hawada sare 120km (75 miles).

Reer galbeedka ayaa ka yaaban horumarka xowliga ah oo uu ku socdo Difaaca Iiraan oo Maraykanku iyo Yuhuuda ay doonayeen in ay mar uun dabka ka lumiyaan oo ay u Weeraraan sida 21-Marso 203 ay u Weerareen mid ka mid ah awoodihii Xiligaas ee Wadamada Carabta.
plane 1

plane

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Waran cadde TOP DHAGEYSO: WAR CUSUB, Waran Cadde “Somaliland Ma Soo Gali Karaan Qaxooti Kale”
- May 24, 2015
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde Ayaa Maanta Shir jiraa’id ku qabtay Maanta ...
IMG_7741 TOP DHAGEYSO+SAWIRRO:- Madaxweyne Gaas Oo Boosaso ka Furay Qunsiliyadda Yemen.
- May 24, 2015
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan xumnahiisa Booqashadda Ku Jogga ...
war-deg-deg-ah TOP DHAGEYSO:- WAR DEG DEG: Dowladda oo sheegtay in ciidamada Milateriga ay ka dambeeyeen dilkii Xildhibaan Yuusuf Dirir.
- May 24, 2015
Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay cidii ka dambeysay ...
daljir DEG DEG:- Wariyayaashii Ku Xirnaa Garowe Oo La Siidayay iyo Sawir Qaadde Kale Oo La Xiray.
- May 24, 2015
Waxaa Goordhaweyd Xoriyadoodii Dib Uhelay Labo Saxafi Oo Ka Shaqeynayay Mid Kamid Ah Xarumaha ...
Gaarigga Ay Wateen Xildhibaanaddu. TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Xildhibaan Dirir oo Maanta lagu Aasaayo Muqdisho.
- May 24, 2015
Xili Shalay Galankii Danbe Magaalada Muqdisho Lagu Dilay Xildhibaan Yuusuf Dirir oo ka Tirsanaa ...
dowladda DHAGEYSO:- Dowladda Oo Loogu Baaqay iney Ka dhabeyso Balan Qaadyo ay horay usameysay.
- May 24, 2015
Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu Baaqay in ay ka dhabeeyso Balanqaadyo ...