kobciyelogo

Dibadbax Looga Soo Horjeedo Hadalki Kasoo Yeeray Faroole Oo Ka Dhacay Maanta Magaalada Buuhoodle.

buu2Buuhoodle (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta magaalada Buuhoodle uu ka dhacay dibadbax balaaran oo ay isu gu soo baxeen bulshaweynta kudhaqan magaalada buuhoodle sida Culuma’udiinka, Waxgardaka Ururada Haweenka iyo madax katirsan maamulka khaatumo oo uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jamac (Indho Sheel).

Dibadbaxan ayaa waxaa lagu canbaaraynayey hadal kasoo yeedhay  Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole Hadalkaas  Oo Ahaa In Maamulda Somalialand Iyo Puntland Aygalayaan Heshiis Ayna dhici karto haday is afgartaan inay isla Go,ayaan islamarkaana Go,aan kaqaadanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha sheel) isaga oo sheegay in uusan Faroole matalin Umada Kunool Putland Shacabka Reer Putlana Ay Yihiin dad Jecel midnimada iyo wadajirka Soomaaliya .

Isaga oo siiwata hadalka ayuu Madxweynaha Khaatumo Mudane Indha Sheel waxa uu maah maah usoo qaatay “Dameerku Markuu Ciyo dadku Shaydaanka Ayay Iska Naaraan, Hadalka Faroolana waxa uu udhigan yahay Dameer ciyay, waxaana uu ugu Baaqay Shacabka Uu Usheeganayo inuu Madaxweyne u yahay Inay Shaydaanka Kanaaartaan Dameerka Ciyay” waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Indha Sheel.

Dhanka kale waxaa dibadbaxan mas’uulyiin fara badan oo ay kamid ahaa  Agaasimaha Wasaarada Arimha Gudaha Ee Maamulka Khaatumo Maxamud Sheekh Cumar Isaga Oo Guubaabiyey Shacabka Reer Putland Inay Iska Qabtaan Waxii Nabdgalyadooda iyo sharaftooda wax udhimaya.

Isku soo wada duub oo hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Faroole ayaa waxa uu caro galiyay dhamaan qeeybaha bulshada ee dalka Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Warbixin Dhageyso: Dr. Xasan Qaasim Afhayeenka ciidamada dawlada ee Jubbaland“ Ra’isul wasaaraha diyaaradii AMISOM ayuu amray inay na duqeeyaan”.
- Apr 17, 2014
Cabdiwali Sh Axmed uu ka abaaray xalka jubbooyinka meel qaldan, isagoo hareer maray qodobadii ...
cabdiweli29 Dhageyso: Xaggee Cabdiwali Sheekh ka qaldamay? Bal dhagayso qodobadii heshiiskii Addisababa oo kooban, waxbadan oo aadan ogeyna kuu iftiimin doona.
- Apr 17, 2014
Kismaayo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed ee uu horkacayay Col Barre Aadan Shire Barre Hiiraale, ayaa ...
Ciidanka-Barre4-600x337 Daawo Sawirada Bahdilka: Guusha Cabdiweli Sheekh Axmed,Waxa Uu La Damacsan Yahay Ciidamada Goobweeyn Iyo Hadalka Ugu Yaabka Badan Sanadkan.
- Apr 17, 2014
baxayay. Carab laa laadinti Cabdiweli Sheekh ayaa waxaa danbinkiisa ku soo dhacay 11 ruux oo ...
cabdiweli sheekh axmed Cabdiweli Sheekh Axmed “Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Yuusan Soo Raacin Odayaasha Imaanaya Kismaayo”.
- Apr 17, 2014
gaaray magaalada Kismaayo In Cabdiweli Sheekh Axmed uu kooxdiisa u waday qaban qaabada ambabaixinta ...
top-news Ciidamada Goobweeyn”Odayaasha Maanta Yimi Magaalada Kismaayo Waxba Kama Badali Karaan Moowqifkeena”.
- Apr 17, 2014
ka soo dageen odayaal dhaqan ee uu hogaaminayay Suldaan Yaroow inaysan bataatanba waxba ka ...
cabdiweli29 Saraakiisha AMISOM Ee Kismaayo Oo Ku Dhagan Cabdiweli Sheekh Axmed. Maxayse Tahay Sabata?
- Apr 17, 2014
ciidamada AMISOM iyo Cabdiweli Sheekh Axmed ka dib markii uu amar been abuur ah ...