Falaagada Al Shabaab Oo Dhallinyaro Ku Xidh-xidhay Degmada Jilib Ee Gobolka J/Dhexe.

alshababJilib (AGGM): Dad goobjoogayaal ah oo kusugan degmada Jilib ee gobolka  Jubada Dhexe ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee haraadiga ku ah  weli qeybo kamid ah gobolkaasi ay bilaabeen Qabqabashada dhalinyarada raga ah iyagoo ku andacoonaya in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiligan kaabiga kuhaya degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in inkabadan 20 ruux oo deegaanka ah ay todobaadkan kooxdu xabsiga dhigeen Iyagoo ku eedeeyay inay yihiin dadka taageersan dowladda islamarkaana u gogolxaaraya in ciidamada Qaranku ay degmada gudaha usoo galaan.

Nin kamid ah ehelada dadka laxiray ayaa Radio Muqdisho usheegay in 20 ka ruux ee laxiray uu Kamidyahay nin madaxa looga jiro oo ay kooxdu tilmaameen inuu aad ula dhacsanyahay dowladda kadib markii ay cabsi xoogani soowajahday maleeshiyaadka weli halkaasi kusugan.

Waxa uu ninkani intaa raaciyay in laga cabsi qabo in kooxdu ay toogato dadkan muwaadiniinta ah Maadama ay geysteen xabsi gaar ah oo ay kuleeyihiin goob magaalada kabaxsan islamrkaan dhowr jeer ay horay sidan oo kale dil ugu geysteen dad deegaanka ah oo ay ku eedeeyeen inay taageersanyihiin Dowladda Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee kusugan tuulooyin katirsan gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa xiligan soo wajahay cabsidii ugu xooganeyd kadib markii ay ciidamada dowladdu gacanta uga dhigeen Magaalooyinkii muhiimka ahaa iyadoo ay weli raacdo ugu jiraan sidii loo soo afjarilahaa maleeshiyaadka Weli ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah si eysan usii wadin dhibaatada ay kuhayaan dadka Shacabka ah ee ay dowladu mas’uulka katahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

qawaarijta Al-shabaab TOOS U DHAGEYSO:- Xubno Al-Shabaab ka tirsan Shir u fadhiyay oo la duqeeyay
- Jul 25, 2016
Cabdi Cali Qoorleex oo ah Gudoomiyaha deegaanka Ceel-cade ee maamulka gobolka Gedo oo wareysi ...
GAAS DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas oo shaaca ka qaaday Arin farxad u ah Ciidamada Puntland
- Jul 25, 2016
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka ...
9 TOP+SAWIRRO:- Shir lagu dajinayo istiraatiijiyada Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland oo Garoowe ka furmay.
- Jul 25, 2016
Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland ka furmay ...
Xasan-Sheekh-Gaas-iyo-Cabdiweli-Sheekh XOG:- Maxaa mar kale soo celiyay Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Gaas ?
- Jul 25, 2016
Waxaa lasoo warinayaa in mar kale uu soo rogaal celiyay khilaaf Siyaasadeedkii u dhexeeyay ...
mindi WAR DEG DEG:- Al Shabaab oo Gowracay Nin Caan Ah+MAGACIISA
- Jul 25, 2016
Al Shabaab ayaa mar kale soo rogaal celiyey gowraca Dadka oo waayahaan dambe ay ...
1 DHAGEYSO WARBIXIN:- Ugaas Xasan oo la Caleemo Saaray iyo Qaabka ay u dhacday Xaflada
- Jul 25, 2016
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maanta lagu caleemo saaray Ugaas Xasan Ugaas ...