Ilaa 50-ruux Oo Lagu Xiray Magaalada Kismaayo.

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Dhawaan ayay ahayd marki uu maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu sheegay in ciidamo badan ay dhigeen qeybaha kala duwan ee Xaafadaha magaalada Kismaayo iyo Duleedyada magaalada ayaa waxaa warar kasoo baxaya Baaritaan ciidamada ay sameeyeen.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada ay kusoo qabteen dad badan oo amaan daro lagu eedayay.

Dadka deegaanka ah oo xariir aan la sameeynay ayaa waxaa ay inoo sheegeen in ciidamada saacadihii ugu danbeeyay ay gacanta kusoo dhigeen ku dhowaad 50-ruux kuwaasi oo dhalinyaro u badan.

Raga lasoo qabtay ayaa waxaa la tilmaamayaa in qaar ka mid ah ciidamada ay kasoo saareen Guriyahooda kadib markii ay uga shaki yeen Inay xariir la leeyihiin falaagada Al Shabaab oo xili Magaaladaasi maamuli jirtay.

Waloow ay jiraan warar kale oo iyaguna sheegaya raggan la qab qabtay in loola jeedo arimo siyaasadeed oo ay diidan yihiin  shirka maamulka lagu dhisayo ee dhawaan ka furmaya magaalada Kismaayo eedeenta loo jeedinayana ay tahay mid xaqiiqda ka fog.

Isku soo wada duub oo Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Howlgalka ka sameeyay Magaalada ayaa waxaa wax war ah kasoo saarin howlgalkooda iyo dadka ay kusoo qabteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

breaking news War Deg Deg Ah: Qarax Iminka Gilgilay Magaalada Kismaayo Iyo Horjooge Ku Geeriyooday Qaraxa…
- Oct 24, 2014
Kismaayo, AGGM: Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ...
ciidan Fadeexad+GABAY: Col Cukaash Oo Loo Xiray Gabay Uu Uga Hadlay Dhibaatada Haysata Ciidamada XDS! “Milateriga Gaajadu Dishoo Gaardin Kari Waaye”.
- Oct 24, 2014
Colonel Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) oo kamid ah saraakiisha cidamada xooga dalka Soomaaliyeed, horena ...
breaking news1 War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Gurigiisa Kala Baxay Nabadoon Xasan Maxamed “Gariir” Oo Caan Ka Ah Gobolada Jubbooyinka…
- Oct 24, 2014
Kismaayo, AGGM: Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ...
images (3) Qiso Xanuun Badan:- Dhacdo La Yaab Leh Oo Ku Dhacday Gabar Soomaaliyeed
- Oct 24, 2014
Gabar soomaaliyeed oo diiday in ay magaceeda halkaan ku soo bandhigto ayaa sheegtay in ...
cabdiraxmaan bayle Dhageyso:Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ‘Shirkadaha Caalamka Waxa Ay Daneenayaan Inay Maalgashtaan Soomaaliya” ..
- Oct 24, 2014
Muqdisho, AGGM: Wasiirka arimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hadda ...
Dagaal-Gedo Dhageyso: Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Xalay Ku Dagaalamay Duleedka Degmada Afgooye..
- Oct 24, 2014
Muqdisho, AGGM: Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Al-shabaab ...