kobciyelogo

Wakiilka Mario Balotelli Oo Weli Ka Rajo Qaba In Balotelli Uu Ka Tagayo Manchester City

Wakiilka Mario Balotelli ayaa weli ka rajo qaba in uu Balotelli ka tagayo Manchester City kahor inta uusan dhamaan xilliga suuqa.

Balotelli ayaan lagu soo darin kooxdii maanta ka badisay kulan ka mid ahaa tartanka FA naadiga Stoke waxayna taasi sii hurisay wararka la isla dhex marayo ee ah inuu weeraryahanka reer Italy sii joogayo Etihad Stadium.

Tababaraha City Roberto Mancini ayaa sheegay Jimcihii in Balotelli uu sii joogayo kooxda Man City inkastoo lala xiriirinayay kooxda AC Milan.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa albaabada u furay suurtogalnimada in Balotelli kadib markii uu beeniyay in Kaka iyo Drogba ay kooxdiisu la soo wareegayso.

“Kaka iyo Drogba 101% ma imanayaan Milan. Balotelli? Imaanshihiisa waa 99.9%…” ayuu Galliani u sheegay milannews.it

Waxaa jira warar sheegaya in Milan ay jeclaan lahayd in amaah ay kula soo wareegto Balotelli, balse wakiilka weeraryahankan Mino Raiola ayaa sheegay in kooxda City ay diiday in ay ku bixiso amaah.

“Runta ku saabsan Mario? Waa inaad weydiisaa dad kale sababtoo ah aniga kama hadli karo,” Raiola ayaa u sheegay Radio Deejay.

“Illaa laga gaarayo January 31, wax walba waa ay dhici karaan, waan fiirinaynaa. Kama hadlayno lacag waayo ma jiro wax cad oo hadda la hayo.

“Laakiin waxaan meesha ka saari karaa in amaah lagu qaadanayo Balotelli. Agaasimayaasha City ma aqbalayaan taas. Sababtoo ah waxaa loo soo bandhigay lacag dhan €40million (£34m) markii ay socdeen ciyaaryihiin qaramada Yurub.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

hiiraale Dhageyso: Col. Barre Hiiraale “Wax Shir Ah Iyo Wax Wadahadal Ah Oo Leeyskugu Keenay Garabyada Ku Dagaalamay Magaalada Kismaayo Majiraan,Shir Dib u Heshsiin Ah Oo Furmayna Majiro”.
- Apr 20, 2014
loogu yeeray shir dib uheshiin ah oo lagu soo afjarayo khilaafka iyo colaadda ka ...
cali khalif Daawo: Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Gaaray Taleex,Jawaab Culusna U Diray Maamulka Somaliland.
- Apr 20, 2014
Xildhibaan Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayay oo ugu Horayn ...
Alshabaab Dhageyso: Alshabaab “100 Maleeshiyo beeleedka Axmed Madoobe ah ayaa isku keen soo dhiibay”
- Apr 20, 2014
maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay isku soo dhiibeen, isagoo tilmaamay in qaar kalena ay u ...
Sawir Idiris Xasan Faarax Dhageyso: Aqoonyahan Idiris Xasan Faarax “Cabdiwali Waa Durbaan Uu Garaayo Ina Cabdi Afeey, Awoodna Ma Lahan Waa Damiir Laawe, Ma Naxe Ah”.
- Apr 20, 2014
Cabdiwali ee Kismaayo. Aqoonyahanka Idiris Xasan Faarax oo kamid ah aqoonyahana qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa isagoo ...
Baydhabo Dhageyso Maamulka Koonfur Galbeed “Raisul Wasaaraha Dhiigii ay Kenya Shalay Daadisay, Ayuu Mar Kale Amray In La Daadiyo Maanta, Kismaayo Waa Kawaankii Ummada Soomaaliyeed, Afeeyna Kismaayo Malahan, Waan Ognahay Qabiilkiisa Ayuu Korinayaa”.
- Apr 20, 2014
Xannaada Xoolaha dhirta & Daaqa oo si kulul uga hadlay waftigii raisul wasaaraha ee ...
vlcsnap-2014-04-20-15h23m11s1212 Dhageyso+Daawo:Ciidamada Nabadsugida oo Soo bandhigay Koox ka tirsan Al-shabaab
- Apr 20, 2014
Muqdisho(AGGM):Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay qaar ka mida gacan ku dhiiglayaashii ...