R/wasaaraha Dalka Itoobiya “Rajo Ayaan Ka Qabnaa In Nabad Ka Dhalato Soomaaliya “.

itoobiyan primeminsterAddis Ababa (AGGM): R/wasaaraha wadanka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo la wareegay shirgudoonka ururka Midawga Africa oo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan ay Soomaaliya ka jirto rajo nabadeed oo ifaysa kana dhalatay dadaalka la galiyay la dagaalanka Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran.

R/wasaare Hailemariam Desalegn waxaa uu sheegay in Soomaaliya marka loo eego xilligaan ay jirto ififaalo nabadeed oo mustaqbal wanaagsan leh waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Midawga Africa iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay guulo wax ku ool ka ah gaareen dagaalka Soomaliya lagu nabadeynayo.

R/wasaaraha Ethiopia oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “ Waa in dhamaanteen u istaagnaa ku gun gaarista guulaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ka ifiya una xoojinayaa dagaalka aanu argagixisada kula jirno”

Hogaamiyaasha Africa ayuu ugu baaqay inay xooga saaraan taageerada dawlada Soomaaliya iyo guulaha ay gaarayso.

Hogaamiyaashii ka hadlay madasha shir madaxeedku ka socda ayaa dhamaan isla qiray in Somaaliya ay xilligaan u baahan tahay taageero ay hesho si loo helo Soomaaliya oo Soomaaliyadeedii hore ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Gaas DAAWO KHUDBAD XASAASI AH: Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Ka Faa’iideysiga Kheyraadka & Arrimo muhiim ah!
- May 2, 2016
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa maanta khudbad Qiimo leh oo ...
5 TOP+SAWIRRO:- Ex-Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye oo sheegay in Guryo uu leeyahay ay Dowladda Soomaaliya burburisay
- May 2, 2016
Ex-Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye  oo mudo 8 Sano ah ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya ayaa ...
al shabaab DHAGEYSO WARBIXIN:- Al-Shabaab oo dhibaato ay soo wajahday iyo in Ka badan 100-Tuulo oo laga saaray
- May 2, 2016
Howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ayaa maalmahan waxa ay ka socdeen deegaano iyo ...
Galmudug-Logo TOP DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo Bilaabay Qorshe cusub iyo Shacabka oo si weyn u hadal haya
- May 2, 2016
Magaalada Gaalkayco Gaar Ahaan iskuulka SYL oo kamid ah iskuulada ugu weyn Gaalkacyo Waxaa ...
1 DHAGEYSO WAREYSI:- Salaadiin Xukun Lagu Riday iyo Sababta loo Cuskaday oo uu sharaxayo Xeer-ilaaliyaha guud
- May 2, 2016
14 qof oo saddex ka mid ahi madax-dhaqameed yihiin ayaa maanta maxkamadi ku xukuntay ...
Ciidamo DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Agaasimhii hore ee Nabadsugidda Qaranka oo Banaanka soo dhigay SABABTA Ciidamada Dowlada dib ugu soo gurtaan ?
- May 2, 2016
Maalintii shalay ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabelelda ...