kobciyelogo

Muranki Ka Taagnaa Idaacada Cusub Ee Kismaayo Oo Cirka Isku Sii Shareeray Iyo Arinta Oo Muqdisho U Gudubtay.

Radio-Kismaayo-300x241Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in magaaladaasi uu ka taagan yahay buuq iyo isqabqabsi salka ku haya Cida Maamulaysa Idaacada Cusub ee Kismaayo laga furay.

Murankaan ayaa waxaa uu so bilowday ka dib marki Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya asagoo jooga Wadanka Mareykanka uu  khadka telefoonka  Agaasime ugu  magacaabay wiil uu adeer u yahay oo lagu magcaabo Cabdinasiir Saxansaxo .

Kadib marki ay arinkaasi soo shaac baxay ayaa waxaa kacdoon ka sameeyay Suxufiyiinta ka howlgali jiray Magaalada Kismaayo oo sheegay in Wasiirka Warfaafinta uu si ka baxsan nidaamka dowliga ah  u soo magacaabay shaqsi aan gobolka kasoo jeedin asal ahaana ka yimid Dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya wariyeyaashu waxa ay intaasi ku dareen in aysan marnaba la shaqayn doonin Cabdinasir Saxaansaxo.

Idaacada Cusub ee Kismaayo ayaa waxaa la wayay maanta Wariye daadeheeya Barnamijyadi ay dadka Kismaayo ugu tala gashay  taa badalkeeda waxaa la maqlayay Radio ga oo si deynaya Heeso isdaba yaala oo kuwaas oo laga soo qaadanayay barta Youtube ka.

Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ayaa ayaguna isku haya cidii ay si rasmi ah ugu ogaanlahayeen Idacaada maadaama bahdi Saxafada ee la rabay in ay ka shaqeeyaan Idaacada ay si weeyn u diideen  Agaasimaha sida aan sharciga ahayn lagu keenay.

Dhanka kale  buuqa iyo isqabqabsiga ka jira  Magaalada Kismaayo ee ku saabsan in la badalo  Agaasimaha u soo magacaabay wasiir Ciilmooge  ayaa waxaa uu si toos ah uga bilowday Magaalada Muqdisho ayadoo Xoghayaha Wasaarada Warfaafinta Soomaalia Mudane Bahalaawi uu ku taliyay in  Shaqsi sumcadiisa ay wanaagsan tahay lo magacaabo  Radio ga Kismaayo doodaan Agaasimaha u qabo waxaa la qaba Wasiir kuxigeenka Warfaafinta  Dowlada Fadaralka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo  waxaa la suga waa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta  oo u hogaansama Dareenka ay qabaan reer Kismaayo iyo Suxufiyiinta Kismaayo  ama ku adkaysto Magacaabisti wiilka uu adeerka u yahay ee uu horay u magacaabay.
———————————

Maxamed Muus
Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (10)

  1. Mahdi says:

    @wiil Wagardhac

    Wagardhac ma tihide Wacal ayaad tahay Majeerteen ah oo raba Wagardhac inuu iska dhigo. Wagardhac hadaad rabtid inaad guska u dhuuqdid Welcome




Wararkii Ugu Danbeeyay

Inj_Cabdi_Jiinow_Calasow_01 Dhageyso:Maamulka Shabellaha Dhaxe oo ka hadlay dagaalka Balcad
- Apr 19, 2014
Jowhar(AGGM):Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka hadlay dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya ...
all Dhageyso:Gudoomiyihii Balcad oo Degmada Dagaal looga Saaray
- Apr 19, 2014
Dagaal Culus ayaa ayaa Goor dhaw ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhxe ...
Warfaa for president 10 Dhageyso: Prof Axmed Mumin Warfaa Oo Dhaliyey Kulamadii Kismaayo Ay Ka Wadeen Cabdiweli Shiikh & Tageerayaashisu”
- Apr 19, 2014
Kismaayo(AGGM) Prof. Axmed Muumin Warfaa oo horey la-taliye ugu ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ...
DSC02706 Dhageyso:Gaadiid dagaal oo Dowladda Somalia loogu Deeqay
- Apr 19, 2014
Muqdisho(AGGM):Dowladda Imaaradka Carabta ayaa maanta Hay'ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ku wareejisay  ilaa iyo 10 ...
madax1 Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Saudi Arabia.
- Apr 19, 2014
aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia, Saudi Arabia iyo Soomaaliya waxey leeyihiin ...
barre-hiiraale2 War Deg Deg Ah: Col Bare Hiiraale Oo Dhirbaaxo Kulul Ku Dhirbaaxay Maxamed Cabdi Afay
- Apr 19, 2014
Kismaayo(AGGM) Gudoomiyaha Golaha  Midnimadda Jubba Col Bare Aadan Shire '' Hiiraale '' oo hadda ...