Chicharito Oo Ka Saaciday Man Utd Inay Si Sahlan Ku Dubtaan Fulham, Una Talaabto Wareega 16ka FA Cup.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford waxa ay si sahlan kaga talaabsatay kooxda Fulham iyagoo ku dubtay 4-1 ciyaar ka tirsaneyd wareega 4aad ee FA Cup.

Man United ayaaba ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii labaad markii garsoore Clattenburg uu u dhigay rigoore markii Aaron Hughes uu kubad gacanta ku taabtay isagoo ku dhex jira diilinta ganaaxa.

Ryan Giggs ayaa u soo istaagay rigoorada islamarkaana gool u sarifay inkastoo goolhayaha Fulham uu raacay taabtayna kubada hadana ma uusan awoodin inuu celiyo.

Goolkaas rigoorada ah ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad ayaa United ay fursad u heshay inay hogaanka geed dheer ku sii xirato, waxaana goolkii labaad u dhaliyay Wayne Rooney goolkaasoo mid qatar ah isagoo caawin ka helay Anderson.

Labo daqiiqo ka dib ciyaarta waxa ay noqotay 3-0, ka dib Chicharito ayaa markaana shabaqa soo taabtay ka dib markii Fulham ku guuldareysatay inay iska bixiso karoos ka kala yimid Nani iyo Rooney.

Daqiiqadii 66aad ayay United gool kale sii heshay, Hernandez ayaa mar kale shabaqa soo taabtay iyadoo kubadiisa ay ku sii dhacday Hughes, waxaana United ay si wacan uga faa’ideysatay daafacyada Fulham oo ciyaartii caawa ay u aheyd habeen xun.

Fulham ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 77aad ka dib markii kooner uu soo tuuray Karagounis uu madaxa la helay Aaron Hughes meel xun kubada ka geliyay shabaqa.

Guushaan ay Manchester United gaartay ayaa ka dhigeysa inay haatan u talaabeen wareega 16ka kooxood ee FA Cup.

Waxaana ay haatan isku diyaarin doonaan kulanka horyaalka ee ay bartamaha isbuucaan la ciyaarayaan kooxda Southampton.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




*

Advertisement

Wararkii Ugu Danbeeyay

Cabdiwali Sheekh R.W Cabdiweli oo ka Tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
- Oct 31, 2014
Mogadishu,30, October 2014-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka ...
madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambala Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid taliyahii Ciidamadda Boliiska.
- Oct 31, 2014
Abu dhabi- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ...
booliska Tacsi: Gudiga Midnimada Iyo Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
- Oct 31, 2014
Gudiga midnimada iyo dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ku kala sugan meelo badan oo ...
jawaari Top News:Ku-simaha Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyihii Booliska Soomaaliya.
- Oct 31, 2014
Muqdisho, AGGM: Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ah ku-simaha madaxweynaha ...
hot news WAR DEG DEG AH, Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday.
- Oct 30, 2014
Allaha u naxariirstee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General ...
qiso Qiso Cajiib ah Cibro Qaadashana Mudan “Maxaan ilmo U Dhali La’nahay”..!!!??
- Oct 30, 2014
Mudo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markey is guursadeen Axmed iyo Maryam, ...