kobciyelogo

Agaasimihii Idaacada Radio Kismaayo Oo Laga Soo Masaafuriyay Magaalada Kismaayo. *Dhagayso*

Xuuraan_KismaayonewsKismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaray Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay tibaxayaan in uu soo dhamaaday muran iyo isqab qabsi ka taagnaa Idaacada cusub ee magaalada kismaayo.

Muraankaan ayaa waxaa uu u dhexeeyay  Agasimaha cusub ee Idacadaasi ee loga soo magaacay Magaalada Muqdisho iyo Suxufiyiinta ka shaqaysa Magaalada Kismaayo.

Waxaana qodobada ugu badan ee la isku hayay ay ahaayeen in Agaasimaha cusub  ee idaacada Radio Kismaayo loo soo magacaabay si qaldan oo aan waafaqsanayn Dastuurka Fedaraalka Soomaaliya.

Ayadoo magacaabitaan ay ka biyo diideen  Suxufiyiinta Kismaayo ka howlgali jiray oo sheegay in aysan marna diyaar u ahayn in ay ka shaqeeyan Idaacada cusub ilaa laga badalayo Agasimaha idacadaasi.

Muran iyo isqab qabsi badan oo ragaadiyay hoowl maalimeedki Idaacada Cusub  ka dib ayaa waxaa Maamulka Magaalada Kismaayo u go,aan ku gaaray in  Agaasimahii Idaacadi Kismaayo laga masaafuriyo  Magaalada Kismaayo.

Col. Yasiin Nuur  Gaas  oo ah Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Kismaayo  oo saaxaafada la hadlayay ka dib Musaafurinti Agaasimaha  ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Magaalada Kismaayo uusan marnaba u dulqaadan doonin cidii isku dayda in ay qalqal galiso Amaanka Magaalada Kismaayo oo uu dhiig badan u soo daatay.

Agaasimihii la musaafuriyay  oo xalay  ay waraysatay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho asagoo ku sugan  garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu diiday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo waxa sababay in Magaalada Kismaayo laga masaafuriyo.

Isku soo wada duuboo waxaa shalay soo dhamaday muranki ka taagnaa Idaacada cusub ee Magaalada kismaayo  waxaana  Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo ay hada ku mashquulsanyihiin  doorashada Agaasimaha  Cusub ee Idaacada Radio Kismaayo .

——————————–

[ca_audio url="http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/01/saxan_saxo_1_.mp3" width="500" height="27" css_class="codeart-google-mp3-player" autoplay="false"]

Maxamed Cabdi
Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (14)




Wararkii Ugu Danbeeyay

ducaale1 Dhageyso:- Dr. Axmed Faarax Ducaale “Safarkii Cabdiweli Sheekh Axmed Ku Tagay Magaalada Kismaayo Wuxuu Ahaa Mid Faashil Ah, Jabhadna Loogu Daneynayay, Caqlina Ma,ahan Hubkiina Ku Wareejiya Jabhad”.
- Apr 19, 2014
Warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Copenhagen ee dalka Denmark wuxuu ku dhaliilay qaabkii uu ...
Warbixin Dhageyso: Odayaal Soomaaliyeed” Raaskambooni waxay ahayd dugsi miinooyinka lagu barto, geeri ayaana ka xignaa inaan isku dhiibno”.
- Apr 19, 2014
xasuuqa ay gaystaan. Odayaasha Dhaqanka ayaa si caro leh uga soo horjeestay tillaabada loogu sharciyeenayo ...
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Dhageyso: La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur” Axmed Madoobe wixii lagu heshiiyay Addis Ababa wuu ka baxay, wayna degdegeen, maamul ayayna kaligood dhisteen”.
- Apr 19, 2014
tirsan baarlamaanka soomaaliya oo goobjoog ka ahaa heshiiskii addisababa ayaa sheegay in waxyaabihii lagu ...
Dr Bursaliid Dhageyso Prof. Ibraahim Bursaliid” Habkii la rabay looma marin dib u heshiisiinta Jubbooyinka”.
- Apr 19, 2014
aqoonyahanada Soomaaliya siyaasadeeda ka faalooda oo hadda Nairobi ku sugan ayaa sheegay in Habkii ...
3D Backgrounds for Desktop Computers Free 3D Wallpapers Cajiib+Daawo: Sawirkeena Caawa Iyo Maxaa Magaalada Kismaayo Ka Dhacay?
- Apr 19, 2014
Cajiib Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirkeena Caawa Iyo Maxaa mgalaada Kismaayo Ka Dhacay? Isha Ku Hay ...
kismaayo21 Dhageyso: Horjooge Ibraahim Maxamed Yuusuf” Ciidanka goobweyn jooga waan soo afjaraynaa, waxaana noo sixiixay Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdi Afeey”.
- Apr 19, 2014
horjoogayaasha Raaskambooni, ahna xigto dhaw ee madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole Ibraahim Maxamed ...